.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, July 18, 2012

Xasuuqaan u soo Joogay “Xasuuqii Jaziira”


Hordhac:

Kariimka Alloow Adaa Karayee;
Sidii Koongo Maad na kala goyn.

(Erey murtiyeedadii xilligaa nafta lagu godlin jiray)

- Gu,walib tilmaan iyo raadco leh. Hillaadii 1989 ayaa baadisooc badan lahaa. Xukuumadii Afweyne wuxuu u ahaa gu’baas oo u labeeyey 1988 markii ay goboladii woqooyi (Wadanka Soomaaliland iminka) intooda badan gacanta Jabhadii SNM gashey.Hase yeeshee isla gu’gaa goboladii dhexe iyo koonfureed ayaa jabahadaha USC iyo SPM gacanatooda ku sii siqayey. Bishii Janaayo booqasho uu ku joogay Jabuuti wasiirkii arimaha dibada ee Ingiriisku “Mudane Geoffrey Howe” ayuu ku sheegay inaanay suurtogal aheyn kaalmo loo fidiyo maamulka Afweyne kol haddii xaalada nabadgalyo ee degaankaasi (Wadanka Soomaaliland iminka) uu iska hor-imaad(dagaal) ka socdo.

Sidoo kale ayaa mudane ka tirsan golaha Kongreska Maraykankuna “mudane Sam Gejdenson” hormood ka noqday dhaqdhaqaaq lagu xakameynayo kaalmo dhan 50 million oo Doolarka Maraykanka ah lana ogolaadey in loo fidiyo xukuumadii Afweyne,halka uu maamulka Maraykankuna ku eedeeyey in Xukuumada Afweyne xad-gudub badan ku sameysay xuquuqul Insaanka.Reer Yurubna cagojiid ayey ka muujinayeen kaalmada ay bixinayeen.Halka Ingiriisku shardi kaga dhigay in xukuumada Afweyne wadahadalo la gasho dhaqdhaqaaqii SNM.

Horaantii bishii Maarso ee isla gu’gaa wuxuu Afweyne ooda ka rogay kooxdii UFO si uu reer galbeedka cadaadiskooda uga nasto,una baryo tago. Sidoo kale ayaa xukuumadii Afweyne hab-dhaqankii dalka waxyaalo badan ka badaleen sida bangiyadii oo gacanta ganacsatada la galiyey,iyo in furfurnaan lagu sameeyey hay’adii caymiska,hay’adiii khayraadka dabiiciga iyo dakadaha,hay’addii hargaha iyo saamaha,hay;addii u qaabilsaneyd dhoofinta uduga,iyo soo dajintii dawooyinka.

Isbadaladaa iyo siidayntaa UFO ayaa la filayey in cadaadiska dibada ee reer galbeedku dabco si dhaqaale iyo hub loogu helo ka hortaga ururadii SNM.USC iyo SPM.Sidaa dartee ayaa saddex wafdi oo heersare ah loo kala diray:

1-Ingiriiska,Maraykanka, iyo Kanada.

2-Talyaaniga,Faransiska ,iyo Jarmalka .

3-Sucuudi Carabiya,Dubay,Cumaan iyo Suuriya

Sidoo kale ayaa ururkii SNM ka warhelay socdaaladaa kuna qabteen shirar jaraa’id wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka.Waxaa ayaandaro weyn aheyd in hogaankii SNM sheegay inaaney suurtogal aheynwadahadal dhex mara SNM iyo dawladii Afweyne inta Afweyne hayo maamulka,tani waxay madhaleys ka dhigtay wadahadaladii ay wafdigaasi la lahaayeen dawlada Ingiriiska.

Dib aan u jaleecno magaaladii Muuqdsiho iyo dhibta ku sii fidaysay gondaha Afweyne.Bishii Juulaay 9 waxaa la toogtay madaxii kaniisada ee Muuqdisho Salvatore Colombo,loona tirinayey in ay xukuumadii afweyne ka danbeysay.Tani oo sii kaalmeysay xanibaadii kaalmadadhaqaale ee reer galbeedka siiba Talyaaniga. Maalin Jimce ah oo ay taariikhdu ku beegnayd 14kii Juulaay ayaa masaajidka Sheekh Cali Suufi uu khadiibkii Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ka waramey dhibaatada dalka ka jirta iyo arintaa dilka,taasoo ku keentay in dadkii masaajidku kacdoon dibada ka sameeyeen,dawladii Afweynena u adeegsatey ciidamada gaarka ah ee 77aad.Waxaa ku geeriyooday Kornayl Aadan Magan oo ay Afweyne abtirsiimo wadaageen.Masaajidka Sheekh Cali Suufi wuxuu ku yaaley degaan ay u badan yihiin dadka ka soo jeeda goboladii Woqooyi (Wadanka Soomaaliland iminka).

Waxaa dhinac socday dhaqdhaqaaqyadan bulshada mid tilmaantiisa gaarka ah lahaa oo ka dhacey xaafada Madiina siiba aaga loo yaqaaney Buulo-Xuubay.Aagan waxaa ku badnaa ganacsato ka soo jeeda goboladii woqooyi loona tirinayey inay taageero badan u fidinayeen ururkii SNM, dawladii Afweyne il-gaar ah ayey ku haysay.Xukun gaar ah ayaana lagu soo rogay oo la yareeyo saacadaha ay furnaan karaan goobahaa ganacsigu, waxaa kaloo la joojiyey in ay dadku isku iman karaan goobahaa ganacsiga oo u badnaa makhaayado, gole madadaalo(Sinimo),iwm.Waxaa markaa bilaabmey in saraakiisha ciidamadii gaarka ahaa ee 77 iman jireen meelahaa sida wiilkii uu dhaley Afweyne ee Maslax oo kale si ay u hubiyaan in amarkoogii hirgaley.

Intaasoo dhacdo iyo in kale ayaa loo tiriyaa gu’gii 1989,waxaase qoraalkeenan qalinku u hinqanayaa ka waranka dhacdo naxdin iyo murugo badan leh.dhacdo aduunweynaha ka yaabisay, dhacdo loogu badheedhay in la gumaado dad,dhacdo kooxdii ilaalada Afweyne ee 77 u aheyd guul, waa dhacdo ciidan iyo hogaanba u garwaaqsadeen inay daw aheyd,waa dhacdo dadkii lagu fuliyey ilaa iminka ku jiraan xusuusta dadkey ka tageen,waa dhacdo maanta kuwii geystay jeclaan lahaayeen inaan la soo hadalqaadin, waa hagardaamo laga galey bani’aadanka,waa badheedh cad oon gabasho laheyn, Waa xasuuqii Jaziira.

Bahda Mareegta Farshaxan waxay xuska maalintan bulshada la wadaageysaa xog badan oo ku saabsan dhacdadaaa sida:

- Maxaa hordhac u ahaa?

- Siday u dhacdey ama loo filyey?

- Yaa fuliyey?

- Maxaa marag loo hayaa?

- IWM.

-----

Raadraac:

- Barre’s Unholly Alliances by Richard Greenfield
- Africa Report ,March-April 1989
- Qolka Kaydka ee Mareegta Farshaxan

Qalinkii Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegta Farshaxan
E-Mail: Somaliland@farshaxan.com

No comments: