.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, August 26, 2012

Aqoonsiga Somaliland: Maxamed Xaashi Cilmi


- Maxaa iyana keenay, in Madaxda Somalia iyo dad badan oo iyaga ka mid ihi si fudud oo dhayalsi ku jiro uga hadlaan, la soo noqoshadii xorriyaddeenii lixdankii? Arrimaha kor ku xusan waxa sabab u ah, Madaxda JSL ee 1991kii ilaa wakhtigan xaadirkaa, oo tahli waayey ama aan garan ba inay soo:- Ururiyaan lafihii Dadka la xasuuqay oo ay ku jiraan lafihii kuwii Jasiira Muqdisho lagu laayay, oo si sharaf leh, loogu aaso Xabaalo u gaar ah, oo lagu qoro: Magaca qofka Da’da Ragii CiidamadaQaranka ahaaee laga soo ururiyay xeryahoodii ama rayidka ahaa.

Si dadweynaha Caalamka iyo dhanga-gaalaha Somalia u arkaan waxa loo geystay ummadan Waxa intaa dheeraa, oo ay ahayd in la diiwaan geliyo,Bur-burkii iyo dilkii ay geysteen diyaaradihii ka kacayay Madaarka Hargeysa ee garaacayay magaalada. Madaafiicdii iyo tankiyadii dilka iyo burburka geystay. Sidoo kale, Dhicii iyo boobkii ay Somali u dhameyd, ee magaalooyinkii iyo tulayaashi iyaga oo buuxa laga qaxay ay u gurteen.Dadkaas oo aynu wali ugu yeedhno “walaa-ladeen”. Taas oo iyana ahayd in la diiwaan geliyo.

Waxa iyana bar-bar socotay, waxyeelo kale oo ahayd, xadhig aan sabab laheyn, oo lagu doonayo, madaxfurasho lacagadeed. Waxa isna jirey, xadhig muddo-gaaban iyo mid dheer ah oo aan isna sabab lahayn oo la yidhaa “Kacaan Diid”. Waxa hadda ba, maanta haboon; in Guddiyo Xukuumaddu u saarto arrimahan kor ku xusan oo dhan, si xogg buuxda loo helo oo caalamka la hordhigo. Waxa iyana baryahan dambe, isa soo tarayey majare-habow siyaasadeed oo dhaawac ku ah, gooni isutaagii iyo madax bannaanidi JSL.

Waxa ay si weyn arrimahani u soo ifbaxeen, Shirkii London iyo kuwii ka dambeyey. JSL laguma aqoonsanayn shirarkaas. Waxa ay ahaayeen kuwo Somalia lagu heshiisiinayo, ama waxa ay ugu yeedhaan Road Map. Waxa se hubaal ah, in madaxda TFG si weyn uga faa’iday shirarkaas. Waxa ay caalamkii gashadeen in wada hadal iyo heshiis u socdaan Somalia iyo Somaliland. Shirarkaas dawladdeenu lagashay TFG. Waxa ay fogeyeen ididiiladii aqoonsiga JSL. Jiritaankii JSL’na, wey dhaawacday.

Dastuurka cusub ee Somalia, wuxu isna qorayaa in Somaliland qeybka tahaya Somalia. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee JSL wuxu ku hambalyeeyey madaxda Somaliaansixinta Dastuurkaa qoraya inaynu qaybka nahay. Waxa isweydiin leh. Maxay xukuumaddu ka tidhi, arrintaas. Waana arrin ka soo horjeeda Dastuurka JSL ee lagu ansixiyay 97% afti ah, iyo halgankii maal iyo ruux ba loo huray. Waxa la sheegay in dawlado-shisheeya xaffiis (office) ka furanayaa, magaalo-madaxda Hargeysa.

Haddii ay yihiin “Consulate”, ma aha in Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed, ka aqbasho. Waa arrin ka dhiganin Somaliland tahay Gobol ka mid ah Somalia. “Passportka” Somalia ee aan qarsoodiga ahayn ee xaffiisyadu uga furan yihiin, magaalooyinkeen ee lagu iibinayo, miyeyna ahayn dabacsanaan waxyeelo ku ah jiritaan iyo goni-isutagga JSL.

Wasaaradda Arimaha Gudahu ma waxay ogolaatay laba Immigration Office. Maxaynu u sameyasan-wayne e-Passport. Sannad qudha ayuu isku soo celin lahaa.   Arrimaha ay tahay in xukuumaddu meel adag –iska taagto. Waxa ka mid ah: AmbassadorMahiga oo ah Ergeyga Khaaska ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan arrimaha SOMALIA, ayeynu u aqbalnay inayn kula shaqeyno sidii oo aynu qayb kanahay Somaliyada uu u xilsaaran yahay.

Hay’adaha UN ka ee ku yimaad ama ku jooga magaca Somalia, ee inoola dhaqama in aynu Somalia qayb ka nahay,ma aha inay dalka joogaan, Xukuumadduna ka aqbasho sidaas. Arrimahani iyana waxay ka soo horjeedaan Dastuurka Qaranka iyo go’aankii Burco ee 18 May 1991.  

In nabadda la raadiyo waa waajib, laakiin wada hadaladii – “XAGLE-TOOSIYE”, Wasiiradu la galeen, waxa ka dhashay ama ka soo baxay Dastuur jabbin iyo foolxumo aan qiyaas laheyn. Shuruudaha ay ka aqbashay Xukuumaddu:- In uu la shiro oo qudha, Wasiiro ka soo jeeda Beesha Dhexe,isagoo u la jeeda inuu muujiyo in Beeshaa oo qudha wax ka dhexeeyaan kuna duraya beelaha kale ee Somaliland. In Ciidamada Qaranka laga soo raro deegaanka uu sheeganayo. In maxaabiista loo sii dayo Haddana markuu noqday, waxa ay reer Buu-hoodle ku qaabilen “calankii Somalia” Dhulkii Ciidanka Qaranka laga soo rareyna waxa laga taagey calankii Somalia.  

 Maxaa markaa laga kasbay “Xagle-Toosiye” ee aan khasaare ahayn? Waxa lagu gafay, gebi ahaan beelihii kale ee reer Somaliland. Madaxdii Reer Sool iyo Sanaag-Bari oo iyana aanla qadarin, oo “Xagle-Toosiye” Xukuumada kala miisaan weynaaday. In guud ahaan ba uur-xumo iyo qaybsanaan ka dhalato socodkisii. In Dastuurka la jabiyo, oolaga aqbalo XAGLE TOOSIYE in Ciidankii Qaranka laga dhigo,qaar aan Dalkoodii joogin ama degenayn oo laga soo raro. In arrimahani yihiinguud ahaanba Dastuurkii Qaranka oo la baalmaray.

Waxa iyana yaab lehwaxaas oo arrimo ah oo aansoo sheegnay ee lid ku ah jiritaanka Somaliland ee baal marsan Dastuuka Qaranka ay uga aamuseen: labada gole ee Baarlamaanka ee u xilsaaran ilaalinta madaxbanaanida Somaliland iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka. Madaxda iyo Musharaxiinta Ururada iyo Xisbiyada oo u dhaqmaya sidii oo ayna arimahani iyaga khusayn ba Sido kale Culama-adiin, Madax dhaqameedka iyo JSL oo iyana ka amusan waxa socda.Laga reeboSh. Adan Siiro.

TALO-BIXIN IYO GABO-GABO

In la joojiyo wada hadalada Somalia iyo Somaliland, inta ay Somalia ka gaadhayso madax ay dadweynuhu soo doortay, oo dadka iyo dalka matileysa, oo talo ka go’do. Waxa laga wada hadlayaa waa inuu cadaadaa oo qeexnaadaa. Sida Hantida ma guurtada ah (daarihii safaradaha ee Somali Republic) iyo wixii lacag ah ee yaalla Baananka Aduunka, haddii ay jiraan. In aan dawladdu aqbalin cid dalka JSL timaada ama ku degtashacrci la aan. Xaaladaha SOMALIA ka taagani, waxa ay ina farayaan, isku duubnaan dadka somaliland iyo talo mideysan. Taas oo ka iman karta oo qudha, in xukuumaddu ku dhaqanto: sharciga dalka iyo Dastuurka Qaranka sida qodobada soo socdaa qeexayaan.  

QODOBKA 1 QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND;

- Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska kuna biiray Soomaaliya 1dii July 1960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic), ee kula soo noqday gooni isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May 1991kii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurka, dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadiisa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.

QODOBKA 2AAD DALKA JAMHUURIYADA SOMALILAND;

- Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ahaana dalkii la odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8° ilaa 11° 30’ iyo loolka (Longititude) 42° 45’ ilaa 49° Bariga…. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Itoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti Dhulka Qaranka waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

Alla Mahad Leh,

W/q: Maxamed Xaashi Cilmi

No comments: