- Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waraysi uu siiyay qaar ka mid ah war-fidiyeenada Somaliland dhawaan ku sheegay in kulan habeen saddexaadkii madaxtooyada ka dhacay oo ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xaaskiisu (Aamina-Waris) kaga codsadeen inuu ka noqdo go’aanka xil ka qaadista ah ee uu ku eryay labada agaasime, oo uu mudane Boobe-na diidy inuu go'aankiisa ka noqdo ay tahay sababta ay cidhibta ku hayso eryistiisu! Isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; '' Dood habeen hore [Habeen saddexaad] ka dhacday qasriga madaxtooyada oo na dhexmartay annaga oo kala ah Madaxweynaha, marwada madaxweynaha iyo anigoo wasiirkii warfaafinta ahaa, oo ay ku codsanayeen inaan kaga noqdo go’aanka aan labada agaasime waaxeed ku bedeley ana aan ka diiday ayaa sababtay in xilka layga qaado.” Boobe
Boobe Yuusuf Ducaale, wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah marka uu xilka wareejiyo uu bilaabi doono qormooyin taxane ah oo uu kaga hadlayo xil ka qaadistiisa iyo arrimaha sababay oo uu sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono. Madaxweynaha ayaa Boobe Yuusuf Ducaale, xilkan u magacaabay 14 bishii March ee sannadkan, waxaanu wakhtigaas ka hor ka tirsanaa madaxda Akademiyada nabadda iyo horumarinta Somaliland.-- Geeska!
No comments:
Post a Comment