.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, August 1, 2012

Cali Waran-cade Oo Ka Digay Shirqool Uu Sh.Shariif U Maleegayo Somaliland


- Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa ka digay shirqool diblumaasiyaaseed oo Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed u maleegayo Somaliland, isaga oo ka faa’ideysanaya wada hadaladii dhex maray labada dhinac. War-murtiyeed uu Cali Maxamed Warn-Cadde Caawa ka soo saaray Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu ku sheegay in Madaxwayne Shariif qoraalo u kala diray dalalka caalamka iyo Guddoomiyaha Jaamacada Carabta, kuwaasi oo uu ku sheegayo inuu ku guulaystay inuu Somaliland ku qanciyo inay dib ula midowdo Somaliya.

War-murtiyeedka Waran-Cadde oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan; “Sheekh Shariif wuxuu si cad ugu faafiyey dunida in wadahadaladii dhexmaray Somaliland iyo Somaliya Nuxurkoodu yahay in dib loo mideeyo labada Dal, arrintan oo ka horimaneysa warkii aynu ka helay Madaxdii inooga qayb gashay shirarkii ina dhex maray inaga iyo Somaliya oo isna nuxurkiisu ahaa sidii loo noqon lahaa laba dal oo kala madax-banaan. Arintan oo khatar ku ah geedi socodkii Somaliland ku raadineysay Ictiraafka muddo ka badan labaatan sanno, waxay keeni kartaa in caalamku rumeysto warka uu fidinayo Sheekh Shariif oo loo qaato in aynu dib isugu dhiibayno koonfur iyo hoygii halaagu hore inooga soo maray, sidaana ay mugdi ku gasho Himiladii ummada reer Somaliland raadineysay.

Waxa cadaan ah inuu waraaqo u kala diray Caalamka uu ugu sheegayo in uu ku guulaystay in uu ku qanciyo reer Somaliland in mar labaad uu Somaliland ku soo celiyo midnimadii, isaga oo dhinaca kalana ugu faa-iideysanaya Olalihiisa siyaasadeed ee uu halganka ugu jiro in mar labaad uu ku soo noqdo Kursiga Madaxtinimada Somaliya, isagoo olalihiisa gundhig uga dhigaya mar haddii uu ku guulaystay in Somaliland ku soo celinayo xerada Midnimada, inuu xaq u leeyahay inuu mar labaad kursiga ku soo noqdo si uu arrintaasi u dhamays tiro.

Waxa u dambeeyey waraaqaha uu caalamka u diray, mid dhawaan u diray Gudoomiyaha Jaamacadda Carabta oo uu uga waramayo guusha uu ka gaadhay wadahadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya, kuna qanciyey in guushii Midnamada Somaliya iyo Somaliland ay irrida taagan tahay, taasi oo keentay in Gudoomiyaha Jaamacadda Carabtu si lama filaan ah uu ugu dhawaaqo inuu ka degi doono Muqdisha dhawaan, si uu u soo hambalyeeyo Guusha uu Sheekh Shariif uu ka soo hooyey wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya, oo sida aan filayo u muuqata wabixin been abuur ah oo Sheekh Shariif ka faafinayo wada hadaladii dhex maray labada dal .

Anigoo filaya diidmadii iyo shakigii uu ku muujiyey Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland war saxaafadeedkiisi u dambeeyey ee uu ku cadeeyey inay hakad galinayaan wada hadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya, in uu salka ku hayo warbixinaha khatarta ah ee Sheekh Shariif dunidda ku faafinayo, axaan jeclahay in aan u soo jeediyo Dowladda Somaliland in ay caalamka iyo ummadda reer Somalilandba u muujiso in Sheekh Shariif ka been abuurayo wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya, si aanu shaki u kala dhex gelin Somaliland iyo bulshada Caalamka, isla markaana aan ummadda reer Somaliland iyo Dowladda aanu shaki kala dhex dhigin hadalkiisaasi.

Xigasho: Ramaas

No comments: