''Haddii la i yidhaa maansadiisa magac u bixi, waxaan odhan lahaa Maansada Xorriyadda iyo wanaagga Dadnimada''. Rashiid Gadhwayne
- Geeridu waa xaq Alle, oo waa
lama-seegaan. Noloshu na waa dhabbo la wada ordayo oo meel qudh ah ku dhamaata;
iyada uun baa loo kala dheereynayaa. Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”
inteenna maanta nool,meeshaas ayuu
inooga hormaray, waxaa se xanuun leh cod buu ahaa u hiil ah xorriyada iyo
dadnimada, caroog ay leeyihiin dadweynaha saboolka ahi; waxa uu ahaa fannaan iyo
farshaxan qurxinta ereyga suugaaneed aad u yaqaanna, kaas oo wahab iyo culays,
wax kasta oo ku saaran ba, kaa dulqaada oo kaa farxiya. Codkaas ayaa demey oo
ay geeridiisu aammusiisay. Waa taas dhiillada geerida Gaarriye. Waxaa se aynu
ku bogsoon karnaa oo baroordiiq inoo noqonaya murtida uu ka tegey waa mid nool
oo noolaan doonta. Inta aynu ayadaas hayno na magaciisu waa mid nool.
Qoraalkaygani hadda waa xus iyo xasuus ku saabsan xidhiidhkii halgan ee aannu
wada yeelannay oo dhinac ah iyo ereyo ku saabsan dhaxalka suugaaneed ee uu ka
tegey oo dhinac kale ah.
Sannadkii 1975kii dabayaaqadiisii,
magaalada Muqdisho, ayaa nin la yidhaa Saalax Jaamac Xuseen oo aannu saxiib
ahayn, markii u horraysay, isu kaayo keenay oo is kaayo baray. Saalax Jaamac
wuxuu berigaas ahaa nin dhallin ah oo aad u firfircoon; Wargeyskii la odhan
jiray Xiddigta Oktoobar ayuu, si iskiisa ah oo aan mushahar lahayn, uga ahaa
tifatiraha bogga sugaanta. Waqti yar ka dibna Gaarriye waxa uu ku faafiyey isla
wargeyskaas oo uu Saalax Jaamac na tifaftiray, qoraalkiisii Miisaanka Maansada
Soomaaliyeed. Qoraalkiisaas iyo maansooyinkiisii waqtigaas iyo aniga oo aad ugu
oommanaa maqalka iyo dhegeysiga suugaan xor ah oo mabda’ ku dhisan oo
adduun-araggeeda xorta ah difaacaysa, ayaa isu soo kaayo jiiday; waxaa na
runtii, laga bilaabo waqtigaas na dhex martay saaxiibtinnimo sal adag.
Waxay
ahayd saaxiibtinnimo ku fadhida waqti adag iyo halgan adag. Kulankayagu waxa uu
ahaa joogto oo haddii aannaan toddobaadkii maalin walba kulmin, dhawr maalmood
waanu isu iman jirnay. Waxaanu runtii noqonnay,aniga iyo asaga iyo saaxiibo
kale ba, dad fikir, dood iyo suugaan ba wadaaga, xilli intaasiba ay dawladdii
jirtay ka ahayd dembi la isku ciqaabo. Qiyaastii saddex sano ka dib, waxaa
xabsigii Qansax Dheere ka soo baxay Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”
waxaanuna noqonay koox xarun u ah sugaan iyo fikir ka xor ah fan-dacaayadeedkii
dawladda.
Xaruntaasi ma ahayn mid hab iyo
hannaan dhisan leh ee waxay ahayd kulan koox saaxiibbo ah ka dhexeeya; ha
yeeshee hadda na waa meeshii ay ka soo baxayeen maansooyinkii Gaarriye ee
hormoodka u ahaa halganka xorriyada, qiyamta xaqa iyo caddaaladda iyo wanaagga
dadnimada. Tixaha ay ka mid yihiin Qasab ku ma Balweyn Karo, Hoobal, Kabo
Caseeye, Beer Wale, Madax Goodir, Hashii Cosob waa Tan, Qiyaame, gashi, Run,
Sidaasaa la ahaa, Geeridii Ina Boqor iyo kuwo kale ba waxay soo baxeen waagaas
oo ahaa sannadihii dambe ee toddobaatannadii ilaa bilowgii siddeetannadii
qarnigii labaatanaad.
Wuxuu ahaa waqti uu dhulka xukumo
xukun-maroorsi neefta dadka ku celinaya oo ereyga xorta ah raad-guraya, weliba
kiisa maansaysan xadhig adag iyo ilaa qudh-gooyo la beegsanaya. Hayeeshee
runtii Gaarriye wuxuu ahaa geesi aad u dhiirran oo mabda’ iyo mowqif adag leh.
Maalmahii Deelleey ugu dabka kululayd oo si aad u daran loo daba socday asaga
iyo Hadraawi, ayaannu goor galab ah kulannay labadayadu. Wax yar baannu xaaladda
iska waraysanay; ka dibna waxaan ku la kaftamay ‘belada maynu tix yar oo kacaan
iskaga jeedinno’. Kaftankeeda ayuu iga diiday oo waxa uu iigu
jawaabay:
Haddii ay
qudh-gooyiyo
Tahay Qoorta soo
dhigo
Wallee gabay ma qurux
tiro.
Saddexdaas sadar oo ku jiray
tixdiisii Qasab ku ma Balweyn Karo ayuu dhakhso iigu dhiibay. Qosol yar baan
muunsooday oo waan dhaqaaqay. Waa mowqifka aanu ka nuuxsanaynin. In kasta oo
aan u cabsanayey, hadda na farax iyo hanweyni baa ii galay.
Waxaa na soo mari jiray munaasabado
iyo dhacdooyin, marar ka baxsan Soomaaliya oo adduunka kale ku saabsan. Markaas
ayaannu ka wada hadli jirnay inta ay qiimo leedahay iyo maxaa laga odhan karaa.
Waxaa ka dhalan jirtay tix maanseed. Nilson Maandeella ayaa xabsiga ku lixdan
jirsaday oo adduunka xorriyadda jecel laga xusay; markaas ayaannu is-weydiinay
maxaynu kaga qayb-galnaa. Waxaa ka dhallatay tixdiisa la magac-baxay
Maandeella. Hadraawi buu baaqeeda u tebiyey oo waa ka odhanaya:
Adna Maxamedow
Maansadu nin geya
Ka ma maarantee
Mayalkeeda
qabo...
Hadraawi na waa ka mayalkeeda
qaatay ee ka la daba yimid tixdiisa Gabadh Madow.
Abriil, 1979kii, ayey Simbaabawi
Madaxbanaani qaadatay oo xukunkii caddaanka tirada yari meesha ka baxay. Waxaa
ka soo baxday tixdiisa Simbaabawi. Sannadkii 1981kii ayuu Anwar Saadaadkii
Masar weerar ba’an ku qaaday xoogaggii mucaaradaka ahaa, wuxuu ku daray
maskaxdii bulshada, fikireyaashii, qoreyaashii iyo culammadii oo uu xabsi
deg-deg ah ku guray. Waxaa ka dhashay dilkiisii ka dhacay barxadda dabbaaldegga
ciidammada ee ku yaallay magaalada Qaahira. Casar gaaban baan dhacdadaas
warkeeda ka dhegeystay idaacada BBC-da ee afcarabiga ah. Wuxuu warku
maqalkaygii, ahaa ‘waa dhaawac’.
Qiyaastii toddobadii fiidnimo ayuu Gaarriye(
Allow kuu naxariiso) iigu soo galay hudheelkii cuntada ee ku yiil Afrika Filij.
Usha ayuu ku dhuftay miiska aan fadhiyey oo wuxuu igu salaaamay “maat”. Waa erey
afcarabi ah oo laqbahiisu yahay “dhimay”. Gaarriye waxaa uu habeennimadiiba ka
curiyey tixdiisa Anwar Saadaat. Dilka Anwer Asaadaat, maalintaas haddii aannu
ku faxnay, aragti bay naga ahayd, wax badan baa se, dabadeed, waayo-aragnimadu
naga beddeshay. Ha yeeshee murtida tixdii Gaarriye habeenkaas curiyey way ka
shishaysaa magacyada ay tixdu taxayso; qofkii il-dheeri ku akhriyi karaana wuu
kala soo bixi karaa.
Silsiladdii Deelleey waxay ku
bilaabantay tixdiisii Dugsi ma leh Qabyaaladi. Sida dadka qaarkii moodi karo,
tilmaan gaar ah u ma laha taasi Gaarriye, waayo waxay ku timid talo la wada
qaatay. Ta ka mudani waa kaalintii hoggaaminteeda oo uu laf-dhabar ka ahaa.
Waa run oo Deelleey hoggaamin bay u baahanayd. Waxa uu qodobku ahaa in ay
qabyaaladda ka hadasho. Waa se tuma qabyaaladda u baahan in laga hadlaa? Sidee
looga ilaaliyaa Deelleey in ayada lafteedu dadka kala didiso, bal sidee loo
jiriyaa oo lagu heli karaa in ay midayso? Xaggee se qabyaaladda maanta jirtaa
ay ka soo jeeddaa? Yaa se ku dan-qaba? Waxaanu isla garanay in intii karti ah
aanu Deelleey ka jirno in ay qabaa’il abbaarto oo xataa wax u eg ama la moodi
karo laga dhadhansado; taas beddelkeeda waxaanu dedaal isugu geyney in ay
Deelleey dhinacayaga, weerarto musuqmaasaqa maamulka dawladda iyo
qaraabo-kiilkiisa. Maansooyinka intii noo suurogal ahayd, wejigaas ayaannu ka
tifaftiri jirnay; cidda taas ku howshoota aniga iyo asagaa u badnayn.
Si aad u
weyn ayuu uga werwer qabay mushkiladda ah in Deelleey ay jidka difaaca
qarannimada ka leexato. Feejigadeeda taas daraaddeed tixdu marka ay gacantiisa
soo gasho, waqti buu ku qaadan jiray qodqodiddeeda iyo faaqidaaddeeda. Waxayna
ka ahayd si aanay uga fakanin wax qarannimada ku qalloocani ama lagu malayn karo
dirsooc qabiil. Ha yeeshee Deelleey waxay noqotay badweyn ka xoog badatay
xertayadii yarayd. Qabyaaladdii oo dhinacyo badan leh iyo musuqmaasaqii
dawladdu, ayagu na Deelleey dhinacooda ayey ka soo galeen oo maansooyinkooda
ayey la yimaaddeen; waxaana ka dhalanaysay falcelin wejigaas leh oo ka timaadda
maansoyahanno aannaan cod la gaadhi Karin. Sidaas ayaa dedaalkayagii, Deelleey
uga wada waabin kari waayey qabyaalad.
Xertayadii annaga oo sidayadii
isugu duuban ayaannu bishii May 1982kii isugu wada nimid halgankii ururkii SNM.
Siddeed iyo tobankii bishii Maarso ee isla sannadkaas, ayaan anigu Muqdisho si
sir ah uga ambabxay. Gaarriye iyo Hadraawi oo labadu ba magaalada ka maqnaa,
ayaan Faarax Axmed Cali “Gammuute” kaga tegey fariin. Ayaga iyo Marxuun Yaasiin
Axmed Xaaji Nuur “ Yaasiin Dheere” ayaa bishii May soo ambabaxay. Maalmahii
ururka SNM u fadhiyey shirkiisii labaad oo ahaa magaalada Naasaret, Ethiopia,
ayaan telefoon ku tiigsaday kooxdaas oo soo gaadhay Jigjiga; waxaa iga qabtay
Alle ha u naxariistee, Gaarriye. Haddii aan idhi bal warrama waxa uu iigu
jawaabay:
Hadalkii la tuugaysan jiray waa
ka toganaa dheh.
Waa beyd ku jiray gabay uu lahaa
Cali Dhuux Aadan oo uu tiriyey ka dib markii uu ka fakaday Xaruntii Maxamed
Cabdalle Xasan. Waa qaayaha xorriyadu ay mar walba Gaarriye agtiisa ku lahayd.
Jidka uu soo maray oo daal iyo diif ba lahaa waxaa ka horreeya dhadhanka
xorriyada.
Jabhadihii ka horjeeday Taliskii
Siyaad Barre waxay lahaayeen goldolooladooda. waxaa labada ba ka muuqatay
falcelin qabiil. Talisku wuxuu mucaaradadiisa kula dhaqmi jirey weji aano
qabiil ah. Caddaalad-darrada aargoosiga qabiil waxa uu dhinaca kalena ka
abuuraayey cadho qabiil oo ayaduna aargoosi-doon ah. Dareenka danqashada
qabyaaladeed ee aan wax shishe arkayni labadii jabhadood ba xoog bay ku lahayd.
In kasta oo ay lahaayeen barnaamijyo siyaasadeed oo qaran, carrabkooda iyo
fal-dhaqankoodu tollaallay qabyaaladeed buu u badnaa. Aragti taas ka duwan buu
Gaarriye madaxdii jabhadaas u la yimid. Waa aragti aannu ka sinnayn, hayeeshee
baaqeedii iyo qaylo-daanteeda dheer ayuu asagu ku hormaray. Waxaan ka hadlayaa
waa tixdiisa Waayo-arag. Waxaa si ba’an uga danqaday madaxdii labada urur ee
halganka hubaysan ku qaaday taliskii Siyaad Barre. Waxaa tixdan waqti yar ka
dib, ka daba timid oo la safatay Dallaallimadii Hadraawi. Labadaas tixood ba
waxay madaxdaasi ka keeneen falcelin colaadin ah.
Waxaa ka mid ahaa
falcelintaas warqaddi safarka oo la isu diido iyo- haddii ay suuroobi weydo, in
la isu diido tegidda goobaha ay ciidammada Ururka SNM joogaan; waxaa kale oo ka
mid ahaa si qalloocan oo la isu macneeyo oo dadka warar loo geliyo. Waxba Alle
ka ma weelin ee goobihii ciidammadu deggenaayeen waa la tegey. In kasta oo ay
laba tixood oo wada socda ahaayeen, Waayo-arag iyo Gaarriye ayaa aad looga
cadhaysnaa. Sababtu malaa waxay ahayd si aan maldah badan lahayn bay madaxda
qaarkood faro ugu fiiqday. Colaadintaasi oo aan loo baahnayni waxay socotay
muddo aan loo baahanayn. Waxayna keentay in sannadkii 1983kii, aniga iyo
Gaarriye oo ku sugan tuulada Dhoobo-Guduud, in uu nin madaxdaas ka mid
ahaa(Asaga iyo Gaarriyeba Alle ha u naxariistee) uu nagu soo dhaqaajiyo ciidammo
la socday. Ha yeeshee ciidankii, markii ay na arkeen in aannu dhinac u baxnay
oo aanu laba kalaashinkoof oo aanu sidannay degta ka soo rogannay(in kasta oo
aannaan cidna ku fiiqin), ayey odaygii u caqli-celiyeen.
Aakhirkii jiitanka coolidintaas
waxaa ka dhalatay tixdiisa quruxda iyo qaayaha weyn leh ee Gar-naqsi. Qurux
maanseed iyo murtiyeed ba, runtii tixdaasi waa tu mudh-baxday. Waxaa u dheer
dood-wanaagga garnaqsigiisa uu mar walba dhaabad aan laga daba hadli Karin
dhiganayo iyo isla markaas afgobaadsiga murtida guudmarka ah ee ay tixdu soo
gudbinayso, iyada oo- sidii ay odhan jireen - aan waxna dhimin waxna
dhaafin.
Garnaqsigiisa waxa uu ku soo
bandhigayaa inta uu diiday iyo inta uu doonayo:
Waxaan garanayaa,
Haddii ay gef
tahay,
Galab aan fogayn,
In aan meel garbbo
ah,
Laan debi ku
taal,
Geelawga digay.
Waxan garanayaa’
Haddii ay gef
tahay’
Galab aan fogayn,
Inaan geed
Canjeel,
Taladii Gurdumi,
Tii lagu
goblamay,
Gacalka uga
digay.
Ilaa lix tuduc oo giddiba uu talo
xumo ka digay oo uu wada sogordhayo, ayuu sidaa isu wada daba dhigayaa. Wuxuu
ku garwaaqsanayaa halganka iyo gobannimada loo dirirayo; wuxuu se ka biyo
diidayaa ujeeddada samaha seeggan ee ku arooraysa nacarada qabiil ee aarsiga
keli ah u socota:
Gulufkiyo
dabrada,
Goolaaftankiyo,
Galowga isu
ciyey,
Halgankeenna
guud,
Inu’ yahay
gadood,
Gaashaan-dhigiyo
Gobannimo-u-dirir,
La garwaaqsay
taa.
Ma dembaan se
galay,
Haddaan gole ka
idhi:
‘Gudhubaa Gadhaa,
Afkan wada
gurracan,
Aargoosigiyo,
Aragtida gebta ah
Ku ma badiso
Garo’.
Wuxuu iska deedafaynayaa eedayn ay
yidhaahdeen reer-tolkood oo gobollada woqooyi lagu maldahay ayaa laga soo
horjeeda. Waxa uu leeyahay gacalkii-gooye ma ahi;
‘wax se aan
gensaday
Inaan
guul-darrada
Kaga gooni
dhigo...
Doodda tixdani waa gun iyo baar.
Qofkii aragti ka duwan qabaa meeshiisa; ha yeeshee Maxamed Xaashi Dhamac “
xaraar buu butaystay”, mowqif cad buu istaagay.
Suugaanta Maxamed Xaashi Dhamac
“Gaarriye”, waxay mar walba u taagan taagan tahay difaac xorriyada, xuquuqda
aadanaha iyo guud ahaan ba samaha dadyowga dunida ku nool. Waxa uu rumaysnaa oo
maansadiisa in badan laga soo dheegan karayaa in xorriyada iyo wanaagga
dadnimadda ficil lagu difaaco oo sharka laga hortago, aanna dhirbaaxada labada
dhaban marba mid loo dhiganin. Waxaa dheer adduunka jecel xorriyada, caddaaladda
iyo nabadda ayuu dareen-wadaag la lahaa oo uu naftiisa ugu abtirin jirey.
Tixdiisa Maadeella ayaa labada ba ka marag ah:
Nacas muruq
isbiday,
Markuu dhabanka
bidix,
Farba meel ku
dhigo,
Sidii nabi Masiix
Dhanka midig u
dhiib,
Mowd baan ka
xigay.
Ninka midho
yariyo
Madi garab
lahayn,
Ii malaynayiyo,
Muska teedsanee,
Igu meersanee,
Madow iyo cad ba
leh,
Een mowqifkiyo,
Mitid kaanu
nahay,
Ku midaysan
nahay,
Kala maan ahaa.
Dareenka u-danqashada dadnimada ee
ay maansada Gaarriye cabbirto waxa aad ugu tegeysaa badanka maansadiisa. Kuwa
sida u kulul kuu beer-dhaqaajin karana waxaa ka mid ah tixdiisa Kabo Caseeye.
Waa tix gaaban oo hadda na aad u mug weyn, marka la eego qaddiyada dadnimo ee ay
ina soo hordhigayso.
Dhismaheeda faneed waxa uu yaal
qaab sheeko gaaban oo aad u cufan. Haddii aynu wax yar is-illowsiinno maanso
ahaanteeda, waxaynu arkaynaa sheeko gaaban oo uu qoray qoraa aad ugu xeel-dhheer
sheeko-curinta. Waa sheeko ay arbe ka yihiin afar geesood. Wiil yar oo
carruurnimo ku debed galoobay oo ay isugu tageen cudur, gaajo, arrad iyo darxumo
dhammaanteed. Waxaa u koodhay saddex cadow oo kala ah cudur, cayayaan jidhkiisa
cunaya iyo ciidamada dawladda. Arbaheeda afraad waa Gaarriye oo wiilka la
fal-gelaya la na dareen-wadaagaya, hayeeshee sheekada, guud ahaan, daawade ka
ah. Waxaa si weyn kuu soo jiidanaya goobta iyo goorta, iyo xaaladda hortaada
imanaysa. Kulanka Gaarriye iyo wiilka yar ee uu yidhi:
Caynkuu u eegy’ey
Carrab lagu ma
kobo
Waa caato miiqan,
Oo caday ka
dhuuban
Waa ciirsi laawe,
Waa kabo caseeye,
Ceelgaabta
jooga.
Waa caado-goys
yar;
Ma yaqaan
cisaynta;
Qofna ka ma
cabsoodo;
Waa cadho
gadhoodhay,
Asaga oo faro-madhan ayuu gaajo uga
cawday; wax ka daran baa se markiiba qabsaday oo korkiisu wada nabar buu ahaa.
Isaga oo Gaarriye ka argaddaxsan duqsiga marba cuur ku dikanayo ee nabarrada
cunaya, ayey ciidamadii dawladdu soo weerareen wiilkii yaraa oo ay baabur malaa
qafilan ku riteen oo la tageen.
Sheekada dareerkeedu waa intaas.
Ha yeeshee wax intaas aad uga badan baa ku jira. Waxaa ku jira xaaladda
carruurta debedyaalka ah ee aynu maalin walba ku aragno jidadka magaalooyinka.
Kabaha ayey inoo baalsheeyaan, ama baabuurta ayey inoo maydhaan ama meelahaas
bay dadka dawersadaan ama se wixii dagan ee fudud bay qaataan oo la dhuuntaan.
Sida loogu daran yahay ayaanay ayagunna cidna u cisaynin.
Gaarriye- Allow kuu naxariiso-
tixdaas maalintii uu curiyey damiirkeenna dadnimo ayuu u dan-lahaa;
dadnimadeenna ayuu mudmudayey, bal in uu danqado, bal in uu huradda ka tooso oo
uu dadkan hoos u eego. Waxaad ku garataa sida uu u sifaynayo wiilka iyo asaga
Gaarriye ah falcelintiisa, sida uu uga xanuunsanayo. Dabka gubay buu inagu
dhejinayaa:
Waxa caratay
siigo
Calooshiisa
qaawan,
Markii ay ku
ciirtay,
Masraxii Cadaabta
Oo car iyo bey
la’,
Calalkii ka
feyday,
Kana curatay
sheeko....
Maxaa uu sameeyaa? Awood uu wax
kaga qabto ayuu waayey. Wuxuu yidhi:
Anna
camal-wareeray;
Caal-waa
daraaddi,
Ciddiyaa
qaniinay.
Bar-kulanta daraamada sheekadu
waxay isugu jirtaa murogo iyo maad wada socda. Waxay kugu la dhammaanaysaa
murugo iyo qosol; waa xaalad qosol-gareer ah. Waxaa uu kuugu soo duuduubayaa
kala-jeeddada iyo isma-raacdada la yaabka leh ee ciidammada wiilka yar taxaabay
iyo sababta keentay. Waxay sheekadu halkan kuu sarbeebaysaa xaaladda
ayaan-darrada siyaasadeed ee dalku ku sugnaa iyo mowqifka xukunka xumaha
huursada ee dhalaalka beent ah dusha marsada. Guriga gudaha ka uray ee debedda
uu ka shaxshaxee is-leeyahay. Taraaji-koomidiyada la la qosol-gariirayaa waa
sababta ciidammada loogu soo diray carruurta debed-galowga ah. Sida uu dhigay
baa la yaab leh:
Cagiduu
dhaqaaqay,
Ciidan baa
taxaabay,
Lagu yidhi
ciyaalka,
Cid daryeesha
haysan,
Ee aragga cawlan,
Si na loogu
caayin,
Ku cabbeeya
gaadhi.
Sababtoo ah
caawa,
Waxaa yimid
Curuuba,
Dhawr wafdoo caddaan
ah
Iyo qaar Ciraaq
ah;
Uu Cabbaas i
leeyey,
Waxaa loo
casuumay
Sannadkii
carruurta.
Tixdiisa Beer Wale ayadu na waa
sheeko. Warkeedu waa kulan dhex-maray Gaarriye iyo nin ka mid ah beeralaydii
saboolka ahayd ee Afgooye. Waxa uu deggan yahay webiga qarkiisa, biyahiisa se ma
intifaacsado. Xaaladdiisa dhabta ah oo runtii ah tii dhab ahaan jirtay waqtiga
ay tixdu soo baxday, ayuu uga warramayaa Gaarriye. Waxa kale oo uu iyana uga
warramayaa labada aan is-lahayn ee kala ah kadeedka iyo dulmiga uu qabo iyo
ma-jirtada wararka uu ka maqlo khudbadaha duqa u weyn dalk iyo idaacadda
dawladdiisa. Ciddiyahiisa ayuu dhulka ku qodaa oo uu beerta ku falaa oo faraha
ayaa ku abaaday; uurkiisu waa milil adhaxdiisu na waa boog; cudur buu il-daran
yahay; addimada ayaa cagaagay oof buu na la liitaa. Urugo iyo ciil iyo umal buu
wax ku beertaa. Halkaas ayuu sheekadiisa marinayaa oo aakhirka wuxuu leeyahay
marka ay bislaato ee aayaheedu yimaaddo ayuu ayax ku “sare-kacaa” oo uu “wada
idlaystaa”.
Maansada Gaarriye yididdiilada
mustaqbalku, mar kasta, waa ka badh oo ka ma maqna. Waxa uu ku dareensiinayaa
in tu kale iman doonto. Ninkan beeralayda ahi wanaag ka ma uu quusan; ha
yeeshee wuu ogyahay in guushu halgan kaga xidhan tahay. Wuxuu ina
odhanayaa:
Inta layga adag
yahay,
Isna waa
anfaaciga,
Anna waa
awaaraha.
Waxaa hadalka ku duugan oo Gaarriye
inoo soo marinayaa carrabka ninkaa beeralayda ah, in aan xaaladdu weligeed
sidaas ahaan doonin.
Tixdani siyaalo badan bay wax inoo
tusaysaa. Waxay ina leedhay xorriyadda iyo runta ayaa is-leh oo walaalo ah.
Bulshada ay xorriyaddu ka maqan tahay been baa qabsata. Caddaaladda iyo
dhammaan ba qiyamta dadnimada wacani xorriyadda ayey la deris yahiin; waayo
meesha xorriyad laga waayo ee runta lagu dhiirran waayo dulmi iyo
caddaalad-darro la horjoogsan maayo, isla markiina laga ma daba-tegayo. Haddii
aanu Gaarriye tixdan taas uga dan lahayn, dhismaheeda ayaa laga la soo bixi
karaa macneyaal badan oo aanu asagu u ba jeedin. Hal-abuurka cabqariga ah baa na
taas laga helaa. Xorriyaddu geesinnimo ayey weheshataa, Xorriyad la’aantu
cabsida ayey is-leeyihiin. Qofku haddii uu cabsidiisa u hoggaansamo xorriyad
kala dhaqaaqe; cabsiduna runta ayey u bahalo-gelisaa oo wuu ka didaa oo beenta
ayuu cadowga kaga dhuuntaa.
Beer Walaha Gaarriye, intii aanay
indhihiisu qabannin basaasiinta taliska cadowga ah ee dhegesanaya, geesi buu u
ekaa oo si xor ah buu u hadlayey oo runta ayuu ku hadalayey. Ka dib cabsi baa
ka hadlisay oo been buu miciinsaday. Si farshaxannimo leh buu Gaarriye taas u
sawirayaa. Asaga oo xaaladdiisa, si run ah, uga awaale-warramaya, ayuu mar keli
dareen galay; asaga oo aan innaba hakanin bay cabsidu meel kale u rartay.
Warkiisa ba si kale ayuu ka dhigay oo wuxuu yidhi:
Istaaqfuralla waa
been.
Askartii
war-sheekadu
Yey ina
af-qaadine.
Adduunkii i soo
gala,
Iskaa baan ku
bixiyaa.
Xisbigeenna aadka
ah,
Aasaasiddiisii,
Ayidaadda sacabka
leh,
Raggii ku aqblaan
ahay.
Dagaalkii
Itoobiya,
Adaraa la ii
diray.
Halkaas ayuu ka sii wadayaa oo
wuxuu taxayaa carruurtiisa uu ubaxa kacaanka qoray; afadiisa uu Oryantayshanku
jeclaaday; irsiq ha dambeeyee ammaanaha asaga loo qoray. Aakhirka na waxa uu
leeyahay:
Aabbaha Kacaanka
na,
Asmaadiisa boqolka
ah,
Waan wada
aqaannaa;
Maxaa yeelay waa
amar,
Amar dawlo
weeyaan.
Runtii duur-xulka sheekadu ma aha
nin beeralay ah oo keli ah, bal waa ummadda dhammaanteed. Waa ummad qudha laga
Toleeyey oo maalin kasta, labada fiid-cowl qaadaysa heesta ammanta
keli-taliyaha; waa dadka runta lagama-maanmaanka ah meel madow la galaya ee
booraan afka saaraya, beenta qaylada dheer na kor isu la taagaya. Si weyn buu
Gaariye, Alle ha u naxariistee, tixdan ugu muujiyey xaaladdaas. Ilaa maanta
mushkiladdaasi ma suulin oo waxa ka hadhay dhaqan beenta xalaaleeyey oo malaa
inta badan loo ba yaqaanno ragannimo.
Tixda Madax Goodir ayaa iyana ku
talax-tegeysa qaddiyada xorriyada aadamiga. Wuxuuse Gaarriye markan ka
abbaarayaa wejiga ah in ay xorriyaddu nafta aadamiga u tahay baahi
lagama-maarmaam ah, sida cuntada iyo hawada la neefsanayo. Iyadu na- sida labada
tixood ee aynu ka soo hadallay- waa sheeko; waa se sheeko xariiro(fairy tale).
Waa sheekadii boqorkii geesaha lahaa iyo ninkii u xiiri jiray iyo wixii ka
qabsaday. Wuxuu doonay in uu sirta sida uu jecel yahay ka yeelo. Cabsidu way u
diidday taas. Wuu la fakaday oo god buu afka saaray, halkaas ayuu sirtii uu
hayn kari waayey ka sheegay. Hase yeeshee Gaarriye ujeeddo kale ayuu u
duurxulay. Keli-talinta dadka cabbushinaysa ee ereyga xorta ah la colowday ayuu
halkan ugu sheegay in aan beeni waaraynin runtuna qarsoomayn.
Ka gadaal na
meeshii
Laye goortii roob
helay,
Geesaa ka soo
baxay.
Maansada Gaarriye sida ay u dhan
tahay waa tu hiil ah. Waxay u hiilinaysaa xorriyadda iyo inta weheshata. Runta,
caddaaladda iyo sinnaanta, nabadda, wanaagga dadnimada, nolosha dadka, gaar
ahaan soboolka iyo danyarta iyo cid kasta oo dunida guudkeeda ku dulman. Intaas
bay u hiil tahay.
Ma aha oo qudh ah baaqeeda ee waxay
boorrinaysaa in dulmiga iyo caddaalad-darrada, ficil lagaga hor-tago; in runta,
xaqa iyo xorriyadda gacan loogu hiiliyo. Waxaynu u daliishanaynaa oo aynu
qoraalka hadda ku gunaanadaynaa sadarradan ku jirey tixdiisii Qasab kuma Balweyn
karo:
Shacab qowdhamoo
kacay,
Qarqarsiga hadduu
jaro,
Wallee qoofal ku ma
xidho.
Hadduu qoys agoon
yahay,
Wixiisii rag
qaybsaday,
Qaan-gaadhna
sare-kaco,
Qabyadooda
raadshaa,
Qori sii ha
joogtee,
Wallee quuso ku ma
diro.
Ugu dambayn, Alle ha naxariisto
Maxamed Xaashi Dhamac”Gaarriye”, haddii la i yidhaa maansadiisa magac u bixi,
waxaan odhan lahaa Maansada Xorriyadda iyo wanaagga Dadnimada.
W. Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi
X. Axmed”Gadhweyne”
No comments:
Post a Comment