.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, October 18, 2012

Khubaradii Baadhaysay Xabaalo-wadareedka Oo Cadeeyay In La Xasuuqay Dadka

qalfoof (6)
- Guddiga dabagalka xasuuqii shacbiga reer Somaliland uu u gaystay taliskii Siyaad Barre ee dalka ka amar ku taaglayn jiray, ayaa shalay soo bandhigay lafaha dad farabadan oo la xasuuqay, isla markaana ku aasnaa xabaal wadareedyo ku yaala badhka, oo taliskaasi xasuuqay 1984-kii, waxaanay sheegeen in tirada dadka xabaal wadareedkaasi ku aasnaa ay tiradoodu tahay dadka lafahahoodii ay soo saareen 38 qof oo goob kaliya lagu wada laayay.
 
Gudoomiyaha guddiga dabagalka xasuuqa Khadar Axmed Like oo shalay saxaafada uga waramay Hotelka Adamis in Hotel ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in lafaha dadkaasi ay ka soo saareen xabaal wadareeda Badhka ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa lagu laayay 1984kii, isla markaana khubarada hawshan baadhitaanka ka shaqaynaysa macluumaadka dadkaasi la xasuuqay ay soo saareen qalfoofka dadkaasi, isla markaana ay khabiiradu cadeeyeen in dadkaasi la xasuuqay, waxaanu Khadar Axmed Like intaa ku daray, in khubaradan cadaanka ahi ay tababar siinayaan arday Jaamiciiyiin ah oo Somaliland ah, kuwaas oo uu sheegay in mustaqbalka ay hawshan dabooli doonaan, maadaama ay baranayaan macluumaadka baadhitaanka xasuuqyadii shacbiga reer Somaliland rajiimkii Siyaad Barre u gaystay.

Gudoomiyaha guddiga dabagalka xasuuqa waxa uu intaa raaciyay in lafaha dadka ay soo bandhigeen ay ku jiraan qaar dharkii ay xidhnaayeen oo rasaastii lagu laayay ku taalo.

Gudoomiye Khadar Axmed Likke waxa kale oo uu sheegay in hawshan xasuuqa lafaha dadkaasi xabaalwadareedyada ku jira ay baryahan dambe ee lagu guda jiray baadhitaanada ay dad ka cadhoodeen, kuwaas oo uu tilmaamay in aanay dhibi ku jirin baadhitaanada, balse dadkaasi qaldan yihiin una muuqdaan kuwo ka raali ahaa in la xasuuqo bulshada.

Ugu horan isaga oo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Sidii aad ka war haysaan hawshii aanu wadnay ee aanu ku baadhaynay labadii xabaalo wadareed ee badhka ahaa ee aanu wadnay baanu maanta doonaynaa in aanu gabogabadii halkan ku soo bandhigo, halkaas waxa laga soo helay 38 qof, taas oo ay qoladan inala joogtaa cadeeyeen sidii loo dilay inay ahayd xasuuq, si naxariis daro ahna rasaas loogu furay loona duugay, si aan dan laga lahayn in dadkaasi la isku dul tuuray, waxa kale oo ay muujiyeen qof kasta intii rasaas ahaa ee ku dhacday iyo sidii loo dilay, waxaana ka mid ah qofkii gashanaa safaarigaas oo kale waxa laga tiriyey 25 xabadood inta ku dhacday, waxay inoo cadeeyeen khabiiradu inay dilka noocaas ahaa xasuuq, sidaa naxariis darada ah ee loo laayeyna ay iyagu cadayn doonaan, xabaalihii waa laga soo wada qaaday wixii laga helay lafo qof waliba goonidiisa ayaa la iskugu geeyey, la iskuna rakibay oo lagu cadayn doonaa qof waliba sidii u eekaa sida looga qaadi doonaa DNA ama lafiha ay baadhitaan ku samaynayaan”ayuu yidhi.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in baadhitaanka lafaha ay ka faa’iidaysteen qaar ka mid ah ardayda jaamcadaha dalka dhigataa, gaar ahaan kuuliyadda sayniska iyo tiknoolajiga. “Waxa inoo jooga ardaydii soomaalda ahayd ee ka baranaysay baadhitaanada xabaalaha sidan oo kale ah ee xasuuqa ah oo ay iyagu sii wadi doonaan mar hadii ay ka barteen baadhitaanadda Marka qolada inaga tagno, waxa kale oo aan doonayaa inaan wax yar ka hadlo waxaan maqlay dad baa ka xanaaqay xabaalahan la soo fuqay, taas oo aanu u aragno malaha waa kuwii geystay laftoodii, laakiin maaha wax reer ama cid gaar ah looga jeeda, balse waxa la rabaa in la ogaado shakhsiyaadkii dambigan gaystay oo ka naxsan tallow ma dambi baa la idinku soo oogo waana lagu soo oogo doonaa cid kasta oo gacan ku lahaa, kii xabada ku riday iyo kii amarka bixiyey dambigaana way qaadan doonaa, laakiin loogama jeeddo cid gaar ah iyo dad aan dambi ku lahayn hawshan, cid kasta oo sheeganaysa in xasuuq lagu sameeyey meesha ay doonta ha ahaatee waa loo baahan yahay in la eego la baadho, khuburo tan oo kalana loo samayn doonno, dadkan la laayeyna waxay u badnaayeen umadda la yidhi waxa idin soo ag martay SNM iyagoo adhigoodii la jooga inta la soo ururiyey la wada toogtay, cidii taas oo kale haysaana waa loo baahan yahay inay keenaan waayo aduunka la doonayaa inuu ogaado wax kasta oo dhacay cidii doonta ha gaysato”

Sidoo kale waxa warbixin kooban ka jeediyay halkaasi Dr Franco Moro oo ah khabiir ku takhasusay lafaha dadka la xasuuqo, ayaa sheegay in dadkaasi la xasuuqay, isla markaana xabaalwaradeed lagu wada aasay, kuwaas oo uu cadeeyay inaan loo aasin sidii cadiga ahayd, waxaanu cadeeyay in dadkaasi lagu dilkooda loo adeegsaday rasaas, isaga oo soo bandhigay qaar ka mid ah dharkii ay xidhnaayeen oo mid ka mid ah shan iyo labaatan xabo oo rasaas ahi ku dhacday Safaarigii uu xidhnaa, waxaanu intaa ku daray in hawshan baadhitaanada ay sii wadi doonaan, isla markaana macluumaadka baadhitaanada ay soo bandhigi doonaan.

Khabiirkani waxa uu xusay in dadkaasi ay ku jireen dhalinyaro dad waaweyn iyo dad yaryar-ba.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay mid ka mid ah ardayda Jaamicadaha dalka ka qalin jabiyay oo kooxda khubarada ahi tabarar siinayaan baadhitaanada dadka la xasuuqo, ayaa sheegay in hawshan ay ka faa’iidaysanayaan, isla markaana ay dadkooda iyo dalkooda uga faa’iidayn doonaan macluumaadka ay baranayaan, waxaanu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin mustaqbalka in hawshan ay kala wareegaan dadka ajinabiga ah ee hawlahan wada, waxaanu yidhi Intaas ka dib waxa isna halkaasi ka hadlay khabiirkii hawshan baadhayey Mr: Franco Mora oo ka socday shirkadda EPAF ee baadha lafaha bani’aadama, meelo badana baadhay xabaalo wadaredyo sidanoo kale ah, isagoo ugu horeyn waxay arkeen sharaxaya waxa uu yidhi “halkan waxaad ku aragta qalfoofkii dadkii la laayey (dhawr qof oo qalfoofkoodii), waxaan intan usoo qaadanay tusaale ahaan intii kale waanu habaynay oo way inoo yaalaan, baadhitaan badan oo aanu samanay waxna noo hadhsan yahay waxaanu ku ogaanay qaabka naxariis darada ah ee dadkan loo laayey, waxaanu soo ururinay qofkasta xubinihii lafahiisa oo aanu isku keenay si loo aqoonsado qofkasta oo dhintay in la aqoonsado eheladoodii.
 
 Imika qalfoofkani ( qalfoof hor yaalay) waxa nin iliga hore ka maqan yahay, laakiin ilkiisa hoose ay qaarkood lahaayeen saqaf, saqafkiina waan kan ag yaalla, marka xubnahana waxaad ka arkaysaa qofka dhererkiisa iyo nooca u ahaa, imika waxa halkan noogu yimid qaraabadii dadkan oo noo sheegay tilmaamtii uu lahaa qofka ka maqan, tusaale ahaan gabadh baa noo sheegtay in ninkeedda ku jiray dadkan la xasuuqay waxaanay sheegtay in ilig hore aanu lahayn, ilkaha hoosana saqaf ku jireen, markii aanu dhamaystirnay xubnihiisa waanu helnay qofka uu yahay waana qalfoofkan aynu dul taaganahay, kiisas aanu wax badan aanu qiimanay ama gudagalnahay sida loo laayey waxaad arkaysa in dadka laga leeyahay inta u dhexeysa bawdadda ilaa caloosha oo rasaas badan lala dhacay, waxa kale oo halkan yaalla mid kamid ah dadkan dhintay dharkii uu xidhnaa waxa ku yaalla 25 xabadood oo rasaas, calaamadahan aanu ku dhajinay waxay tilmaamayaan waa rasaasta lagu furay ninkan dhintay, nin wal lafihiisa iyo dharkii uu xidhnaa qaybo ka mid ah waanu haynaa”ayuu yidhi. Waxa iyaguna qayb ka ahaa khuburada baadhaysay qaar ka tirsan ardayda barata cilmiga sayniska ee jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo sheegay inay cilmi badan ka barteen faa’iido badana ka helaan baadhitaanka aqoonsiga lafaha bani’aadamka, iyagoo sheegay in aanay dalka anay ka jirin meelo lagu barto baadhitaanaha lafaha bani’aadamka, jaamacada Hargeysana guul u tahay aqoontan ay barteen oo ay dalka uga faa’iidayn doonaan.

Mid kamid ah ardaydii wax ka baraysay qaabka wax loo baadho xasuuqyadda oo ka mid ah ardayda sayniska ka barata jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay inuu si weyn uga faa’iidaysteen baadhitaanka lafaha bani’adaamka iyo xasuuqyadda “ wax badan ayaan ka korodhsanay khuburadan muddo bil ah ayaanan baadhitaanka ku gudda jirnay, waxaanay ahaayeen dad khuburo ah oo dalal badan oo afrika iyo Aasiya ahba ka soo shaqeeyey, waxaan aad ugu faraxsanahay in aanu wax badan ka faa’iidnay sanadada soo socota si fiican ula shaqayn doonno, waxayna guul u tahay jaamacadda Hargeysa qaybteedda sayniska, waxaanan ka koobnayn afar wiil iyo laba hablood, aqoontaanu ka baranayna ay faa’iido badan u leedahay dalka, dalkeenana waa cilmi ka maqnaa oo laguma dhigo cilmiga baadhitaanka lafaha bani’aadamka” ayuu yidhi mid ka mid ah ardaydaasi ka faa’iidaystay.

Xigasho: Haatuf

No comments: