.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, October 13, 2012

Madaxa Khubarada Baadhaya Xabaalaha Xasuuqa Hargeysa Oo Ka Warbixiyey Hawlgalkooda Iyo...

 
- Madaxa Khubarada Baadhitaanka ka wada xabaalaha Xasuuqii ka dhacay Somaliland sanadadii Sideetamaadkii oo uu hogaaminayey Mr J. P. Baraybar oo ku takhasusay baadhida Xasuuqyada caalamka ka dhaca (Anthropology) oo Somaliland maalmihii u dambeeyey ka waday Baadhitaano lagu qiimaynayo dadkii Taliskii Siyaad Bare Xasuuqay, ayaa sheegay in muddadii ay Somaliland ku sugnaayeen ay baadhitaano ku sameeyeen laba Xabaal Wadareed oo ay ku jiraan 39 qof oo la laayeey 1984-kii iyo 1988-kii.
 
Mr J.P ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu Hargeysa ku siiyey Wargeyska Haatuf, kaas oo sidoo kale tilmaamay in tayada macluumaadka ay ururinayaan loo isticmaali karo in dambi lagu soo oogo shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka dambeeyeen xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland. Ugu horayna Mr J. P. Baraybar oo aanu waydiinay inuu faahfaahin ka bixiyo hawsha ay ka wadaan Hargeysa iyo waxa u qabsoomay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu bilownay in aanu tababar siino koox Arday reer Somaliland ah, sidoo kalena waxa aanu bilownay in aanu fikrad iyo qiimayntii ugu horaysay aanu bilowno tan iyo intii uu dagaalku dhamaaday oo aanu isku dayno in la aqoonsado dadkii la laayey, iyadoo ugu yaraan la aqoonsanayo.
 
Laba Xabaal wadareed oo ku yaala Hargeysa ayaanu hawsha baadhista ka bilownay, midi waa ay noo dhamaatay iyada oo ay ku jireen 12 qof oo la dilay 1988-kii, halka Xabaasha kalena ay ka koobnayd 27 qof oo la dilay 17 November 1984, taasina waa warbixinta aanu ururinay.
 
Xabaasha labaad oo aananu dhamaystirin ilaa iyo hadda waxaanu ka soo saarnay qayb ka mid ah dadkaasi oo aanu u kuurgalayno si aanu u ogaano inta Rag ah iyo inta Dumar ah iyo sababaha ay u dhinteen, sidaa darteed inta hadhay maanaan bilaabin wali in aanu faahfaahin ka bixino oo waxa ay kooxdayadu u dhigatay in aanu halkaa ka sii amba qaadno bisha February, isla markaana rajo fiican ayaanu qabnaa in la ogaado eheliyada iyo qoysas badan marka shaaca laga qaado Ashyaada iyo dharka aanu helnay”.
 
Mar aanu waydiinay J. P., In dadka Somaliland ay aaminsan yihiin in dagaaladii dhacay 1984-kii iyo 1988 ay reebeen xasuuq baaxad leh iyo waxa isaga u muuqda ee uu ilaa iyo hadda ogaaday ayaa waxa uu yidhi “Ma sheegi karo, maxaa yeelay ma ogi ilaa iyo hadda macluumaad farabadan, balse waxa aan hubaa in wasiirka cadaaladu uu si fiican ula socdo, waxaanan fahamsanahay in laga yaabo in cadaymo badan ay jiraan oo loo isticmaali karo in dadkii geystay lagu maxkamadeeyo xataa ha joogeen meel dibada ka ah Somaliland ama wadan kaleba.
 
Tayada macluumaada aanu ururinay waxa aan rajaynayaa in loo isticmaali karo in ugu yaraan shakhsi lagu xukumo ama lagu maxkamadeeyo, tusaale ahaan General Samatar oo kale oo lagu xukumay Maraykanka, lagana yaabo inay furto wado kale oo shakhsiyaad kale dambiyo lagu soo oogo”. Waxa kale oo aanu su’aalnay Madaxa Kooxda baadhaysa xasuuskii ka dhacay Somaliland, inay muuqato wakhtigan in Dhibanayaal badan oo ehelkoodii la laayey oo dadkii laayey ay ku sugan yihiin Somalia ama Dibadaha inay helaan Cadaalad lagu qaado dadkii dambiga ka galay, ayaa waxa uu yidhi;
 
“Miyaad ogtahay in cadaaladu ay ku xidhan tahay siyaasada, inkasta oo ay Somalia ka dhacayaan doorashooyin, waxa laga yaabaa in Somalia ay noqoto goob ka soo raysa oo degan, waxaana laga yaabaa in marka degenaansho la helo Nabada iyo Cadaalad la helo, waana in aynaan ka quusan rajada, xasuusnowna in dad badan oo Dhagar-qabayaal ahi aanay ku sugnayn Somalia oo ay joogaan dibadaha tusaale ahaan Cali Samater oo kale oo ku sugan Maraykanka oo ay ka jirto Hanaan cadaaladeed oo shaqaynaya oo laga yaabo in laga helo inay Maxkamad soo taagaan dadkii dadka laayey” .
 
Sidoo kale J. P. oo aanu wax ka waydiinay khibradiisa shaqadan uu Somaliland ka hayo ayaa sheegay inuu dalal badan oo xasuuqyo ay ka dhaceen oo ka tirsan caalamka uu ka soo shaqeeyey waxaanu yidhi mar uu su’aashaasi ka jawaabayey “Waxa aan ka soo shaqeeyey qaybo badan oo ka mid ah caalamka, waxaan ka hawlgalay Bolkens-ka ama Bosnia, waxa aan ka soo shaqeeyey Africa dalalka Rwanda, Ethiopia, Seir-Lion, Congo iyo inta badan Latin America, Philippines, waxaan indhahayga ku soo arkay waxyaabo aad u fool xun oo aduunka ka dhacay oo murugo leh, oo dad la laayey oo goobihii lagu laayey laga qaaday oo lagu guray godad”.
 
Mr J. P oo aanu waydiinay farqiga u dhexeeya Xasuuqyadii ka dhacay Wadamadii uu hore uga soo hawlgalay khaasatan Bosnia iyo kan ka dhacay Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa Nasiib daro qoomamo iyo ciil leh, Farqiguna waa Afrika oo badanaa ah goob la iska iloobay, waxaan dareemayaa in qof kastaa uu iska xidhay arrimaha Afrika, balse anigu waxaan aad ugu dhawahay Afrika, maxaayeelay waxa aan ka imid dalka Peru oo ku yaala Latin America waxaan ahay qof ka yimid dunida saddexaad sida aad ogtahay, sidaa darteed kamaan iman wadamada safka hore ee waxaan ka imid dunida saddexaad, waxaanan carabka ku adkaynayaa in in badan la iska iloobay Afrika, arinta saamaynta weyn lihina waxa weeyaan waxa laga yaabaa in aanay jirin dawlad kaliya oo qaada masuuliyada inay Xisaabiso ama qiimayso dadka ka maqan ee dhintay, taasina waa mid aad iyo aad muhiim u ah, waxaana tusaale aad u wanaagsan kuugu filan qaarada Afriga guud ahaanteedba”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: