.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, October 16, 2012

Sheegashada Fulinta 70% Balanqaadyadeedii Ee Xukuumada Siilaanyo Waa Iska-faan!

 
- Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo muddo laba sanadood iyo shan bilood ah talada dalka hogaaminayay oo dhawaan qiimayn ay ku sameeyeen muddadaasi waxyaalaha qabsoomay, kuna sheegeen in xukuumadu qabatay 70% waxyaalihii ay ku balanqaaday xilligii ololihii doorashada Madaxtooyada, oo shacbigu qiimaynta xukuumada ay ku tilmaameen mid xaqiiqada ka fog oo la buun-buuniyay, isla markaana ay dadka odorosa siyaasadu iyo qiimaynta maamuladu ay ku sheegeen mid xukuumadu iskugu bogtay oo kaaf iyo kala dheeri isku ah, marka la eego baylahda ka taagan waxyaalo badan oo xukuumada Kulmiye ay balanqaaday, balse ilaa hada ah kuwo aanay jirin wax ka fulay.
 
Xukuumadu qiimaynteeda 70% ay ku tar sheegatay kumay faahfaahinin waxyaalaha qabsoomay ee ka fulay balanqaadyadii xisbiga Kulmiye barnaamijkiisa lagu qoray, sidoo kale may sheegin waxyaalaha baaqday ee aanay fari ka qodnayn ee ku jiray barnaamjikii Kulmiye, oo ah kuwo wali taagan, balse looga baahnaa xukuumadu inay cadayso sababta ay u fuli waayeen arrimaha waaweyn ee bulshadu tabayso ee ka rumoobi waayay balanqaadyadii barnaamijka kulmiye.

Qiimaynta xukuumadu isku samaysay ayay badi shacbigu u arkaan xukuumad imtixaan iska qaaday oo isku saxday, kadibna ku dhawaaqday natiijo 70%. Hadaynu soo qaadano balanqaadyada qabyoobay ee wax ka fulay aanay jirin ee xukuumada Kulmiye ku balanqaaday barnaamijkeedii ololaha doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-June 2010-kii ayaa waxa ka mid ah:-
1. Darajo la’aanta ciidamada qaranka Somaliland ee Bilayska, Milatariga iyo Asluubtu ay ku 22 jirsatay, oo xisbiga Kulmiye ku balanqaaday in darajadii ciidamada iyo kala saraynta ay si dhakhso ah u hirgelin doonaan ayaa ilaa hada qabyo ah, isla markaana ah ceeb qaranka Somaliland dulsaaran.
 
2. Shaqo la’aanta baahsan ee shacbiga Somaliland ku habsatay, oo aanay jirin wax iska badalay, balse cirka isku sii shareertay, iyada oo sidoo kalena ay kordhayaan tirada dhalinyarada jaamacadaha ka qalinjabinaya ee shaqo la’aantu sugayso.
 
3. Cabudhinta madaxbanaanida saxaafada iyo tacadiyada lagula kaco suxufiyiinta oo kor u sii kacay.
 
4. Qabyada iyo baylahda ka taagan deegaanada bariga Sanaag, Buuhoodle iyo Taleex ee maamulka Somaliland uu ka garba-duuban yahay, isla markaana ay deegaanada Buuhoodle iyo Taleex gabood u noqdeen saldhigyo ay kooxaha Somaliland diidka ahi ay ku sheegtaan maamul gaar ah.
 
5. Balanqaadkii dhismaha xukuumad kooban oo tayo leh, oo noqday xukuumad salbalaadhan, isla markaana tiradoodeedu xadka ka sii baxayso, taas oo tirada golaha wasiiradu ay marayaan 36 xubnood, ilaa hadana aan la saadaalin karin intay noqon doonaan wasiirada bilaa wasaaradaha cusub ee la magacaabayaa.
 
6. Xukuumada Kulmiye oo si wayn u balanqaadi jirtay inay cidhib tiri doonaan musuqmaasuqa lagu leexsado hantida qaranka iyo maamul xumada, ayaa iyaguna faraha ka sii baxay oo wax ka fulay aanay jirin.
 
7. Nidaamka garsoorka iyo cabashada ay shacbigu ka muujiyaan Maxkamadaha ayaa ilaa hada iyadana aanay xukuumadu waxba ka qabanin, cabashada ka taagan cadaalad darrada Maxkamadaha ka jira.
 
8. Balanqaaadkii xukuumada kulmiye ay ku balanqaaday xilligii ololihii doorashada dhismaha jidka Rafka ah ee u dhexeeya degmada Wajaale iyo tuulada Kalabaydh ee gobolka Gabiley, oo qiyaastiisu tahay 18KM oo dawlada Itoobiya ay 2001-dii dhigtay jid carro tuul ah, balse Kulmiye ku balanqaaday in jidkaasi carra kaawada la dhigay ay jid laamiya ka dhigi doonaan, ayaa isaguna noqday balanqaad aan fulin.
 
9. Kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalka ee muranka adagi ka taagnaa soohdimaha dhuleed ee xadka u kala ah, oo deegaano badan xuquuqdoodii codbixinta ku waayeen qabyada kala xadayntaasi, isla markaana ka mid ahaa balanqaadyadii xisbiga Kulmiye inuu kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalka hirgelin doon, ayaa iyaduna noqotay arrin aanay waxba ka rumoobin, iyadoo ilaa hadana deegaanadii doorashooyinkii hore laga xayiray ay wali xayiraadii saaran tahay.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: