.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, October 17, 2012

Xuska Maalinta Mujaahidiinta: Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir‏

 
- Goob aan si qurux badan loo agaasimin,wasiirada dawladu aaney ka muuqan,mucaaridku aaney u holan tagisteeda, ayaa lagu  qabtey magaalada Hargeysa xuska maalinta Shuhadada dalka Soomaaliland.Waxaa madashaa ka hadley hal-door badan oo tilmaamey qiimaha ay leedahay maalintaasi,waxaa la xusay  mujaahidiintii geeriyooday (IHUN), waxaa laga hadley in wax loo qabto  dadka dhibaateysan ee dalka u soo halgamey.Waa weedh soo noqnoqota gu’walba waydayna fal raaca.

 Mujaahid Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi: “Walaalayaal mujaahidiinta raali ahaada waa la idiin maqan yahay waa itaalka dawlada marba kii jilicsan ayaa kolba la gargaarayaa waad wada jilicsan tihiin qofkii sii liita ayaa horta la gargaarayaa .Waxaanu leenahay Maxamadoow(Ina Kaahin)ragga ka sii nool baynu nahay mujaahidiintii, haddaan la qorin taariikhda  sannad walba halkaa uun baynu,  Mikiroonkuun baynu qabsan, waa la la qoraa taariikhdooda oo haddii Iskuulada lagu dhigan waayo halkaa dhaafi mayso..Shalay Gaarriye(IHUN) ayaa dhintay waynakii u baroordiiqnay dee haddana caruurtiisii cidlay taalaa..dee markaa haddii aynaan caruurtiisa ka warhayn ..dee is nothing.. waxba maynu kordhin .dee markaa aynu ka warhayno”

Hadalada laga jeediyey goobtaasi ayaa i xasuusiyey qoraal aanu hore u soo bandhignay oo ku saabsanaa mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.Sidaa darteed ayaanu mar labaad idinla wadaageynaa qoraalkaasi oonu ugu magac darney markaa “Gartaada ha qaado nimaan waxaad gudo iyo gasho garaneynin waa gurigaa Ba’ ”.

 Gardaro kasta oo dhacda waxaa gaashaan iyo garab u ah marba qofka ag jooga iyo cidda maamulka haysa.Waxaa ayaandaro  la gardaadiyey ah in dhamaan maamulka dawlada Siilaanyo iyo  qaar ka mid ah maamulka Kulmiye u arkaan  inay  guul ka gaadheen xal u helinta  khilaafka soo dhex galay xubnaha Kulmiye iyo faquuqida Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

 Gacmo badan ayaa cirka loo tuuray markii codbixinta loo qaadayey xil ka xayuubinta, waxaase iswaydiin leh  xubnahaasi arinta  labada dhinacba(dhinaca Muuse Biixi & Maxamed Kaahin oo isgaashaanbuuraysanaya iyo Dhinaca kale ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir) ma dhageysateen gartooda,mise xaydha jecli ayaa hogaaminaysay gacanqaadkaa.

 Warbaahinta  aduunka ayaa horumartay,qofkastana goobjooge ka dhigtay uu ka  warami karo dhacdada uu doono.Aragtida muuqaalka ee dhacdadaasi ayaa sugaysay in dacwada lagu oogayo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir la jeediyey oo la dhageystay,hase yeeshee aan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir loo ogolaan inuu is-difaaco ama gartiisa sheegto. Sidaa darteed ayaa gacanqaadistaasi u tahay mid dhinac marsan  garqaadis iyo raacid xeerarka uu Kulmiye ku faano.Waana hal bacaad lagu lisay haddaaney jirin awoodii Afweyne sheegasho(Anagaa garaney,Anagaa go’aaminey, waaney guryo-tageysaa).

 Horaantii bishii Janaayo ayaa dhaqdhaqaaq xoogani ka socday cariga Ingiriiska siiba magaalada London.Waxaa  danahoogii gaarka ahaa ka dhex baxey dad badan oo ay ka mid ahaayeen dhalinyaro deeq waxbarsho ahaan halkaa ku joogtay,kuna jiray jaamicadaha  Ingiriiska.Cabdiraxmaan Cabdiqaadir  wuxuu ka mid noqday xubnaha firfircoon ee hawshaa ku jiray.Safaaradii dawladii Afweyne London u fadhiday ayaa ka war heshay,go’aansateyna inay sharciga aaney u cusbooneysiin si ay waxbarshadooda u seegaan oo Jaamicaduhu u eryaan.

 Guriga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa noqday goobihii ay ku soo degeen xubnihii u yimid Ingiriiska si ay uga qayb galaan ku dhawaaqida ururka SNM. “Horaantii bishii Janaayo ee gu’gii 1981 ayaanu tagney London. Waxaa martigalin wanaagsan noo fidiyey rag ay ka mid ahaayeen dhalinyaro ardey aheyd oo deeq waxbarasho London wax ku baranayey” ayuu yidhi Cabdisalaan Yaasiin.

 Waxaa dhalinyaradaa deeqda waxbarsho halkaa ku joogay ay ahaayeen Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ,Axmed X.Cabadilaahi(Axmed Suufi),Ibraahin Cali Wayrax, iyo Ibraahin Maxamuud Yaasiin Sh.Muuse.Waxaa xusid mudan in dhalinyaradani ay noqdeen afartii qof ee ugu horeeyey ee dalka Ingiriisku siiyo magangalyo siyaasadeed si aan loogu celin dalkii uu maamulayey Afweyne oo qoorta u dheerayn lahaa.

 Cabdisalaan Yaasiin oo sii wada hadalka ayaa mar kale yidhi : “Gurigiisa(Cabdiraxmaan Cabdiqaadir) ayaan anigu ku soo degay waananu wada galnay hawsha, halkaas ayaanu gogoldhigii,qorshihii siyaasiga(ee ururka SNM),qoraaladii iyo waxaas oo dhan ku soo samaynay”.
 
Bishii Ogoosto 2009kii ayaa waxaa dalka ku soo noqday Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa markaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.Dhaawac fudud  oo soo gaadhey ayaa Axmed Siilaanyo loogu qaadey  dalka Kiiniya. Waxaa  soo dhaweynta  Axmed Siilaanyo  u anbobaxey  haldoorka ay ka mid ahaayeen Cali Maarshaal, Cabdiraxmaan Cabdilqaadir  iyo Maxamed Xaashi Cilmi. Hase yeeshee maalintaa waxaa dhacey shil baabuur oo ku habsadey mudanayaasha  oo hiil iyo hooba kala hortageyey gudoomiyahooga. Axmed Siilaanyo oo maalintaa ka hadlaya shilkaa ayaa yidhi:

“Walaalayaal Waxaan ka Xumay in rag aan halgan dheer soo wada galnay oo abaal badan aan u hayo ay soo dhawayntaydii Shil u galeen Illaahay ha u naxariisto Muj Cali Maarshaal oo halyay Cilmiga dhaqaalaha bartay wax badanna ku hamiyayey inuu dalkiisa isbeddel u horseedo,Si taas la mid ah waxaan ka xumahay Dhaawaca Xun ee ka soo gaadhay Walaalkayga Qaaliga ah ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkaygii Labaad waxaan ku jirnaa sidii dalka dibeddiisa aan ugu  diri  lahayn maaddaama uu dhaawiciisa aan halkan waxba lagaga  qaban karin oo uu dhabarka ka jabay, si taas la mid ah Walaalkay Maxamed Xaashi oo isaga dhaawiciisu sahlan yahay oo gacan ka jabay meel kasta oo ay madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye joogaan waan ka tacsiyadaynayaa.”

Xilligaa waxaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir la dhigay dhakhtarka  “St Thomas’s Hospital” ee ku yaala  wadanka Ingiriiska.Muddo dheer ayuu halkaa ku jiray.Waxaa xusuus leh inuu sariirta dusheeda halganka qaybtiisa kaga qaadan jiray.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan inaaney marna habooneyn in awood la sheeganayo darteed lagu  qodo Booraan hadimo.Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka waramaya siduu ku helay dhaliilihii u xukuumada Siilaanyo u soo jeediyeyna wuxuu yidhi: ““Waxaan Dhaar Kuugu Marayaa In Wasiiradii Maanta Codaynayey, Waxan Xukuumadda Ka Dhex Socda Iyaga Ayuunbaa Iiga Soo Warami Jiray Ilayn Anigu Xil Kama Hayee, Ceebtaas La Igula Kacay Maanta Waxa Ka Danbeeyey Wararkii Ay Ii Keeni Jireen Ee Aan Xukuumada Ku Dhaleecayn Jiray”.

 Cabdiraxmaan waa Naafo, Axmed Siilaanyo oo Berbera ka soo degaya ayuu isaga, Maxamed Xaashi iyo Marxuum Cali Maarshaal gaadhi la qalibmay, saddexdaa nin waxa nasiib badnaa Cali Maarshaal oo aan arag Axmed Siilaanyo oo Madaxwayne ah.” ayuu yidhi Cali Guray

Bahda Mareegta Farshaxan ( April,2012)

No comments: