.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, November 12, 2012

C/raxmaan C/qaadir Oo Ka Dagay Muqdisho Halka Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Iyo Agaasimihii Hore

 
- Guddoomiye ku xigeenkii 2-aad ee xisbiga Kulmiye ee xilka lagaga Xayuubiyey shirkii golaha dhexe ee Xisbigaasi ee ugu dambeeyey C/raxmaan C/qaadir Faarax ayaa la sheegay inuu ka dagay caasimada Somalia ee Muqdisho kadib markii uu muddo dhawr todobaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo la sheegay inuu quudaraynayo in xil looga magacaabo dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ee dhawaan lagu dhisay Muqdisho.
 
Sidoo kale Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka Somaliland Xuseen Kiiniyaati iyo Agaasimihii Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland iska casilay Mr Maxamuud Raage ayaa iyagana la sheegay in xilal looga magacaabay maamulka dawlada Somalia. Sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun daloola oo ka cudur-daartey in magacooda la shaaciyo ayaa xusay in Madaxwaynaha Somalia iyo Raysal Wasaarihiisuba Mr Saacid ay isla qaateen inay xilal ku tolaan dhamaan Siyaasiyiinta ka cadhoota Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.  Waxay ilo wareedyadu intaasi ku dareen in C/raxmaan C/qaadir loo magacaabi doono Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Somalia, halka ay ilo wareedyadu tibaaxayaan in Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka Somaliland Mr Xuseen Kiiniyaati la sheegay in loo magacaabi doono Agaasime ku xigeenka Sirdoonka Somalia, halka Agaasimihii hore ee Arrimaha dibadda Somaliland lagu wado in loo magacaabo Agaasimaha Wasaaradda adeega bulshada.

 
Dhamaan xubnahan reer Somaliland ee la sheegay in xilal looga magacaabi doono dawlada Somalia ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa ka cadhooday habdhaqanada hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana qaar ka mid ah lagula kacay gacan ka hadal iyo xoriyada oo laga qaaday, taas oo keentay inay hungureeyaan inay u suudalaan dalkaasi Somalia, isla markaana xilal u raadsadaan. Maaha markii ugu horaysay ee Masuuliyiin xukuumada Siilaanyo xilal ka hayey iyo xubno reer Somaliland ah oo ka cadhooday Siyaasada xukuumada Siilaanyo ay ku socoto ay xilal ka qabtaan Somalia, iyadoo horena xilal loogu magacaabay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ahayd gudoomiyihii urur siyaasadeedkii NDB, oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada, isla markaana ah Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia ayaa sidoo kale Agaasimihii guud ee hore ee Wasaarada Maaliyada ee xukuumada Siilaanyo Mr Jaamac Maxamuud (Jaamac Oday) ayaa isagana kursi Baarlamaan laga siiyey Baarlamaanka Somalia, waxa kale oo isaguna magaalada Muqdisho labadii bilood ee ugu dambeeyey ku sugnaa guddoomiyihii urur siyaasadeedka Gurmad ee ku hadhay qiimayntii ururada Mr Nuur Faarax oo isaguna quudaraynaya in xil looga magacaabo dawlada Somalia.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: