.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, December 17, 2012

Madaxwaynayaasha Somaliland & Somali Oo La Filayo Inay Djibouti Ku Kulmaan

 
Toloow, Djibouti ma noqon doontaa halkii Somaliland iyo Somalia ay si milgo iyo xurmo leh ugu kala baxayeen, Djibouti-na doorkeeda  ma ka qaadan doontaa arintaa ? Wyl-News

- Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii ugu horreysay madaarka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu horkacayo oo gelinkii dambe ee shalay gaadhay dalkaas oo uu kaga qaybgalayo munaasibad xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti u samaynayso xuska 40-guurada ka soo wareegtay markii la qoray Afsoomaaliga.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirradiisa Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Waxbarashada iyo marwada 1aad waxa la dejiyey hudheelka Kambiski oo ku yaal caasimadda Jabuuti, halkaas oo casho-sharaf loogu sameeyey xalay. Madaxweyne Siilaanyo oo shalay saxaafadda ugu warramay qolka nasashada Madaarka Egal ee Hargeysa, waxa uu sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jabuuti, isla markaana ka qaybgeli doonaan xuska 40-guurada qoristii afka Soomaaliga.

“Aniga iyo weftiga ila socdaa waxaannu tegaynaa dalka Jabuuti, annagoo martiqaad ka helay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaannu kaga qaybgalaynaa xuska 40-guurada ka soo wareegtay qoristii far Soomaaliga, markaa shirkaas ayaannu ka qaybgalaynaa, waanuna madaxda Jabuuti ka wadahadli doonnaa wixii daño ah ee labada dal ee jaarka ah ka dhexeeya,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda ka qaybgalaya xuska munaasibadda qorista Afsoomaaliga, ayaa isaguna gaadhay isla shalay dalka Jabuuti, iyadoo la filayo inay markii ugu horreysay halkaas isku arkaan Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu horkacayo oo iyaguna ku sugan Jabuuti.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: