.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, January 27, 2013

Dugsiga Sare ee Abarso Tech iyo Dugsiga Sare ee SOS ee Sheikh waxay metalan taya ahaan Dugiyadii hore ee Sheikh iyo Camud

 
''Dadweynaha reer S/land waa inay ilaashadan dugsiyada SOS-Sheikh & Abaarso-Tech''. Adan Jama
 
- Waxa beryahan danbe wararka ku soo noqnoqanayay khilaaf hadheeyay Dugiga Sare ee la yidhaa Abarso-Tech. Dugsiga waxa maamula sidaan la soconaba Mr. Johntar oo ah nin maraykan ah waxana weheliya macalimiin kale oo maraykan ah. Dugsigii habkuu ku shaqeya waa habka tacliinta ee lagaga barto marykanka, macalimiinta maraykanka ahi kuma eka oo keliya dhigitaankooda Dugsiga ee sidoo kale waxay qaarkood wax ka dhigaan qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka. Waxa sidoo kale ka dhiga iskuulka macalin Masaariya oo ardayda u dhiga maadada Carabiga iyo Diintaba.
 
Dugsigu waxbarashada mooyane waxa kale uu leeyahay meelo la jiifto (Boarding School) waxanu ku yaala sida la sheegay meel adigu u jirta magaalada Hargeysa qiyaastii ila adigu 30 Mayl. Ardayda Dugsiga dhigata waxa laga soo kala qaata dugsiyada ,Somaliland iyo Geeska Afrikaba ardayda kuwa ugu dhibcaha saraysa imtixaanadka Dugsiyadooda.
 
Waxa isna la mid Dugsiga Sare Xananada Xoolaha ee Sheikh (SOS), kaso ardayda wadanka ugu saraysa iyo Geeska Afrikaba ay galaan. Wuxu hoos yimada Jamacada Dalka Uganda ee Mecrery University laguna wado inuu noqdo mustaqbalka Facult of Viternary Science ayaa hadana waxa maamusha urur goboleedka (IGAD).
 
Sida daraadeed halkaa waxad ka arki karta ardayda iskuulka dhigata inay mustaqbalka noqondoonan aqoon yahano, professors, Engineers am Scientists. Waxanad mood in uu Dugsigu ardaydiisu dhinac ka metelan, ardaydii barigii horeba ka soo bixi jirtay Dugsiyadii Sheikh iyo Camuud kuwaas aan wada ognahay raggii ka soo baxay in ay ahaayeen arday ay aad aqoontoodu u saraysay, qaar ka mid ahna inay xitaa ka dhigi jireen Jaamacada badan oo Caalamka ah.
 
Hadaan tusaale u soo qaato ardaydii caynkaa ahayd intaan ka xasuusto waxa ka mid aha Professor Ibrahim Maygag Samatar (Ala ha u naxariiste eh) oo ka dhigi jiray Jaamacada ku kala yaala Marykanka iyo Japan. Professor Ahmed Said Samater oo ka dhiga Jamacad ku taala dalka Maraykanka isla markaana ka noqday Madaxa Qaybta Dhaqaalaha (Dean of facult of Economic). Professor Abdi Ismail Samatar oo isna wax ka dhiga Jaamacad ku taala dalka Marykanka ah, Sidoo kale waxa ka mid ah ardayda bariga ka baxday Sheikh Secondary Professor Ali Khalif Galayr oo isna ka dhigi jiray Jaamacad ku taala magaalada Minosoto ee dalka maraykanka iyo waliba Professor Ismail Hurre Buba oo ka kala dhigay Jamacadaha Lafole, Michigan University iyo Jamacada AbdulAziz ee ku taala magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia.
 
Waxan halkan tusale ugu soo bixiyay raggii ka baxay Dugsiyadii Sheikh iyo Camuud sida ay uga faaiideen waxbarashadii ay halka ka barteen isla markaana ay ka noqdeen macalimiin ama Professor qaar ka mid ah Jaamcadaha aduunka. Waxa dugsiyadaa maamulkooda gacanta ku haysay waqtiga dawlada Ingriiska oo uu uga ahaa maamule ninkii loo yaqaan Mr. Edliton oo ay Somalidu u taqaanay Gacmadheere.
 
Hadaba haddii aan ku soo noqdo Dugsiga Abarso oo raga qaar ay ku doodayan , in muranku ku salaysan yahay in Dugsiga laga maamulo Marykan iyo in laga maamulo Somaliland iyagoo ku gabanaya dhaqan. Waxa la wada ogyahay in ardayda iskulkaasi waxbarasho iyo dhaqanba ay yihin dad loo carbiyay xaga diinta iyo carabiga waxa bara macalin masariya, dhaqankana wadankoodi bay dhex joogan oo taasi dood kama taagna.
 
Waxan maanta sugayay in amaan iyo boogaadin loo jeediyo Maamulaha Dugsiga Mr. Johntar oo maanta inoo keenay deeqda noocaas oo kale iyadoo ay caalamki maanta Somaliland ka sii jeedaan waxqabadkooda. Waxana nasiib darra ah in maanta qofka sidaasoo kala ah laga daba qaato isla markaana halka lagu ilaawo mustaqbalkii ardayda iskuulka dhigata.
 
Waar wixii khilaafka ku gabanayaw umadan ka dhexbaxa oo adigu waxad u qabanaysid dadka u soo bandhig. Xaasidnimo iyo qof la xasdaya wuxu qabtay meela cid ma gaadhsiinmayso eh. Waxana kugu filan cadayn wuxu yidhi Eng. Mohamed Hashi oo runtii ah shakhsi aad loo qadariyo, oo ka mara kacay waxtarka uu Dugsiga Abarso Tech bulshada u leeyahay.
 
Waxad arkaysa dawlada badan oo leh Jaamacad Marykan ah Sida Masar, Imaaratka Carabta , Lebnan , Qatar, Oman iyo qaar kale oo badanba intaaso dhana lama hayo wali qaar Dugsiyada ama Jaamacadaha reer galbeedka wax ka sheegaya. Faaiidaday ku qaban waxa weeye horta qofka meesha jooga dhaqankii iyo afkiisiba wuu haysta, aqoontii uu dibada ku heli lahaana ayuunbuu wadankiisa ku helaya. Somalilandna waxay la mid tahay uun dawlada Islaamka ah ama carabta ah ee leh Dugsiya Sare ama Jamacado maraykan ama reer Galbeed ah.
 
Waxan leeyahay hawshan uu wado Mr. Johntar ee uu ku maamulaayo iskuulka waxay u keentay iskuulka aqoon tayo leh, sumcad Somaliland ku heshay iyo tacliin caalamiya. Waliba waxan inta ku daray markii ay dawlada Qatar aragtay Dugsiga Abarso ayaa waxaa martiqaad u fidiyay maamulahood qolada loo yaqaan Qadar Foundation qaybteeda waxbarashada ee dalka Qatar. Waxay marka kala saxeexdeen Qatar Foundation iyo Mr. Johntar oo ka wakiil ah Abarso Tech inay xidhiidh fiican wada yeeshaan Jaamacada Qatar iyo Dugsigu walibana ay mustaqbal ka gaysan doonan taakulayn wax ku ool ah. Taasina waa guul.
 
Halka waxad ka arkaysa akhristaw sida fiican uu u shaqaynayo iskuulku. Waxanan dadweynaha u sheegi laha inay ilaashadaan hantidan waxbarashada ah oo la mid ah tii barigii hore ka jiri jirtay Dugsigadii Sheikh iyo Camuud. Wixii isku daya inay tashuush ku furan iyago ku gabanaya habka maamulka waxa laga maamula maraykan ama ku salaysan dhaqan oo aan jirinba. Waxad ogaataan in dadkaasi dana gaara leeyihin , waana inaad kuwa noocaas oo kala ah aad iska qabataan intaanay ardaydiina waxbarasho tirin.
 
Ugu danbayntii waxan ku soo gunaanudaya qoraalkaygan , dadka reer somailand aw maanta waxbarasho caalamiya aya caruurtiina ku haysta dalkii oo bilaasha, meesha kuwa la midka ah ee ku yaal Dubai ama Qaahira aan lacagta lagu galo cidiba goynayn. Sidaan hore idinku sheegayna iska qabta oo ha ka aamusina dadka doonaya in ay daacayada been ah iskuulka ka sheegan. Waxan ilaahay uga baryaya inuu Dugiga Abarso Tech uu horu maro isla markaana gaadho heer Jaamacadeed, si ay dadkeenu caalamka ula jaanqaadaan. Dadka reer Somalilandna waxan leeyahay ilaahay ha garad siiyo Qiimaha iskuulku uu ku fadhiyo iyo daacadnimada maamulahooda Mr. Johntar.
 
Qalinkii
 
Adan Jama Kahin
Milton keynes, UK
 
-- Posted by A/risak Ahmed/UK

No comments: