Dagaal wata heeso Hidday u lahayde
Hargeysi ma toostay Hogaanka ma diiday
Harqoodka ma tuurtay Inaanay hummaaga
Hadoodilan yeelin Sidii hebed geel ah
Heshii Nebi Saalax(CS) Horaadada dhiibin
Hankeedu ma siiyey. Waxay hibanayso
Ninkay la hadlayso Hagaag ma u sheegtay
Hadday sama weydo Inay hantideeda
Nafteeda hurayso Hubaal ma caddaysay
(Abwaan Maxamed Ibraahin”Hadraawi” Maansadii Hambaabir)
Bishii juun 27di,1989kii ayaa diyaaaradii ka soo hayaantay garoonka Muuqdisho soo cagadhigatey garoonka magaalada Jibuuti. Duuliyihii ayaa socdaalayaashii wargaliyey inay iska furi karaan suunka ka dib markuu damiyey tilmaantii sun xidhashada.Si lama filaan ah ayey laba ka mid ah socdaalayaashii iskugu soo boodeen, iskuguna dhegdhegeen diyaarada dhexdeeda.Dadkii ayaa yaabey,garan waayey waxa ku dhacey labadan dhalinyarada waayeelka ah.Hase yeeshee waa kaaf iyo kala maan, labadani muddo ku dhaw dhawr saacadood ayey ku jireen xaalad adag oo aanay cidna dareensaneyn. Garoonka diyaaradaha Muuqdisho ayey si dhuumasho ah ku soo galeen.Alaabtooda garoonka gudihiisa hore ayaa loogu keenay.
Waraaqaha lagu dhoofo ee baasaboorka iyo tigidhada inay helaan waxaa kaalmeeyey musuqa iyo laaluushka dalkii Soomaaliya hadheeyey.Aqoon fiican ayey isku lahaayeen.Ismay Salaami kareyn.In ay is yaqaanaan in la ogaado ayaa aheyd danbi ay ku mudan karayeen xadhig iyo dilba. Isha ayey iskaga war hayeen oo ay isku xadayeen marmar.
Muuqaalkooga oo aan la garaneyn ayaa gargaarayey.Haddii la ogaan lahaa kuwa ay yihiin xadhig inay dib u galaan ayey u eekayd.Arintaasina iyaga caad kama saarneyn.Waxaa markan wajiyadooda laga dareemayey farxad iyo raynrayn.Markay diyaaradi ka soo degeen ee ay yimaadeen qolka laanta socdaalka ee garoonka diyaarada ee Jibuuti ayey mar kaliya xasuustooda hadheysay dareen ka duwan kan ay iskugu dhagdhageen. Wajigoodaa is badaley,oo laga dareemayey midab-doorsoon.
Laanta socdaalka Jibuuti ayaa u dhago-nuglayd safaarada dawladii Siyaad Barre(Afweyne) ku laheyd dalka Jibuuti.Dadka loo tilmaamo ayay dib diyaarada ugu celin jireen,una diidi jireen inay siiyaan dal-ku-gal(Visa).Hase yeeshee guul kale waxay u dhalatey labada dhalinyaro markii magacdoodii laga waayey magacda in dib lo celiyo ay aheyd ee dal-ku-gal la siiyey. Waxaa dibada garoonka ku sugnaa dad u diyaar ahaa soo dhaweyntooda.Markay dadkii arkeen inay labadiiba soo nabad-baxeen ayuu wahab saarnaa ka duulay,iyagoon is-ogayna ku ordeen, kuna dhagdhageen.Lays wada salaam, laysna wareysay waxaa loo dhaqaaey dhinacii baabuurka.
Labadaa dhalinayaro ee dhibtaas soo maray waxay kala ahaayeen Maxamed Baaruud Cali iyo Xuseen Maxamed Ducaale(Berberaawi)..Waxay ka mid ahaayeen kooxdii dhiidhiday ee ku dhaqaaqdey hawshii “Iskaa waxa u qabso”.Baahida taalay dalka iminka ah SOomaliland ayaa damaqdey, waaaney u adkaysan waayeen.Dhalinyaro shaqeysata, nolol maalmoodkooga iyo wax ka badanba hela ayey ahaayeen.Waxay diideen oo la wanaagsanaan wayday in ay iyagu nolol wanaagsan ku noolaan karaan, dad iyo dalna baaba’o.Naftooda ayey halis galiyeen,waaney u badheedheen. Dawladii Siyaad Barre (Afweyne) iyo inankuu adeerka u ahaa Gaani way ka soo horeedeen in degaanka iminka ah Soomaaliland wax loo qabto,cid ka soo jeedana waxtar loo fidiyo.Bulshada degaanku waxay Gaani ula baxdey Diiriye oo magac sarbeeba ahaa.
Kooxda ay labadaa dhalinyaro ka tirsanaayeen waa kooxdii UFFO.Xuska sannad-guuradii 32aad ee ka soo wareegtay ayeynu xusaynaa.Qoraalkan waxay qaadaa dhigi doonaa mujaahid Maxamed Baaruud Cali.Mar kasta oo aynu guulaha kooxdan ka warameyno waxaa inala gudboon inaynu xus-milgeed u fidino ardaydii iyo hooyooyinkii suurtogaliyey Ilaahay(SWT) ka sokow inay dil ka badbaadaan kooxda UFFO.Waxaa halgankii UFFO loogu hiilinayey ee dilka looga badbaadinayey ku dhintay:
1-Barre Xaaji (Badho) oo ahaa ardey dhalinyaro, markaana dhiganayey dugsiga Gacan Libaax.Sidoo kale ayuu markii horena ka mid ahaa ardeyda dugsigii 26 Juun.Wuxuu ardey dhiiran oo milgaha nolosha in la dhaawaco ay damqi jirtay.Wuu u heelanaa inuu gargaar u fidiyo dadka hankiisa iyo himiladiisa la wadaagey oo ay kooxdan UFFO ka mid ahaayeen. Waxay Barre xabada cadawgii uu hogaanka u hayey Gaani(Dhiigyo-cab) ku haleeshay baaniyaalada hortooda oo ah badhtamaha faras magaalaha Hargeysa…Ilaahay ha u naxariisto Jannatu Fardawsana ha ugu deeqo.
2- Xuseen Cabaase Axmed(Qawdhan) oo ahaa macalin shaqo qaran oo ka dhigi jiray dugsigii sare ee Gacan Libaax.Markuu dhameystay dugsigii sare ee Banaadir Muqdisho ayuu nafta la eclaystay inuu shaqadiisa qaran ku qaato degaankuu ku dhashay ee iminka ah Soomaaliland. Waxaanu shaqo-qaran ahaan loogu qoray dugsigii sare ee Gacan Libaax. Marxuunka oo mar dhakhtarka lagu booqday ka waramaya xaaladiisu wuxuu yidhi: “Meel kulul ayay i dhigeen oo dheymihiina way iga joojiyeen, sayloonkii way iga tureen, gacantii waataa oo dirxi ayaa iga galay eegi kari maysaan si aanu u sii noolaanba Illaahay ayaa og”. Xuseen Cabaase muddo lagu qiyaasay sagaal cisho ka dib ayuu u geeriyooday dhaawac fudud oo ka soo gaadhey gacanta bidix. Ilaahay ha u naxariisto Jannatu Fardawsana ha ugu deeqo. Waxaa ku dhaawacmay dad badan,halka tiro kale oo badan lagu xareeyey jeelka magaalada Madheera.
Qofka kasta oo dunida ku nool waxaa si gaar ah ugu tirsan laba maalmood.labada maalmood ee la tirsado dadka kaala qayb galaana ay mudnaanta dheer leeyihiin waa maalinta arooska (Farxada) iyo maalinta geerida (Naxdin).Maalmahaa dadka yimaada waxay ku hawlanaadaan inay si gaar ah hadalka iyo waqtiga ugu hibeeyaan hawlaha u gaarka ah maalintaa. Bishii Maayo dabayaaqadeedii ee 1981kii ayaa magaalada Hargeysa waxaa ka dhacey arooska Maxamed Baaruud Cali iyo Ismahaan Aadan Qormeeye.Halkay aheyd in la xuso maalintaa oo farxadaa lala wadaago labadaa caruus ayaa waxaa la guda-galay in laga waramo xaalada dalku marayo iyo sida loogu hawlgali lahaa waxqabadka bulshada.Kulankani wuxuu ka mid noqday kulamo kale oo arinta dhalinta UFFO lagu qaadaa dhigay,waana xaflad arooseed isku badashey gole laga arinsado waxbaqadka dalka iyo dayactirka baahiyaha ku baahsan adeega caafimaadka iyo waxbarashada.Waa milgo loo hayo labada is-calafsadey ee farxadoodii ugu hiiliyey danta guud ee bulshada reer Soomaaliland.
Bishii Noofember ee isla gu’gaa ayaa waxaan la filayn ku habsadey dhalintaa. Bulshada reer Soomaliland-na saameyn weyn ayuu ku yeeshay. Waxaa Noofember 4dii, 1981kii xilli ay ku beegnayd 2dii habeenimo(saqdhexe) xabsiga xaruntii nabad-sugida loo kaxeeyey Maxamed Baaruud Cali. “Albaabka ayaa la garaacey 2:00 habeenimo xilli ay ku beegan tahay.Inkastoon filayey in la igu soo socdo waxaa igu habsadey argagax iyo baqdin.Wadnaha ayaa kordhiyey garaacista. Intay guriga gawda ku hayeen ayaan ka gaadhsiiyey xidhashada surwaal jiinis ah, shaadh iyo kabo.Waxaa sii kordhay codka ka dhalanaya garaacista albaabka awooda loo sheegtay.” ayuu yidhi Maxamed Baaruud oo habeenkii xadhigiisa inala wadaagaya.
Dareen jiray ayaa Marwo Ismahaan maanta horteeda loogu wanqalayaa.Awood sheegasho aaney waxba ka qaban kareyn ayaa gurigeeda dhexdeeda lagu soo bandhigayaa.Indhaha Maxamed Baaruud ayaa ku dhacey waji doorsoonka ka muuqda xaaskiisa Ismahaan. “Muuqaalka igu soo noqnoqoshada badan een ka xasuusto dhacdadaa (xadhigii iyo dhibtii) waa argagaxa ka muuqday indhaha xaaskeyga. Waxaanu guri laheyn shan bilood oo kaliya,hadana si ay ahaatayba waxey dareen ahaan ku muujinaysay in arin aan la mahadin igu dhici doonto.Indhaheedu waxay ahaayeen weelkii kalgacalka, waxaase wiiqayey baqdin iyo tamar daro” ayuu yidhi Maxamed Baaruud oo tilmaan inaga siinayey habeenkaa la xidhayey iyo wixii ku gadaanaa........
Dhawr jeer ayey u hinqantey inay furto albaabka,inkastoo lamaanuhu ay albaabka wada fureen.Waxaa albaabka u awood sheeganayey afar askari oo ku hubaysan qoriga Ak47, xidhnaana dharka shicibka iyo mid shanaad oo watey baastoolad ahaana hogaanka kooxdaa. “Soo bax xafiiska nabad-sugida ayaa lagaa rabaayee” ayaa ka mid aheyd weedhihii ugu horeeyey ee ka soo baxey afka hogaamiyahaa. Waa la filayee falkaas..
Waydiinta qoraalkani u banbaxayo ka warcelinteedu waxaa weeye maxay galabsadeen Mujaahid Maxamed Baaruud iyo kooxdii UFFO, maxaase intaasoo argagaxa ku keenay Marwo Ismahaan Aadan Qormeeye?
Halgankii Qarsoonaa:
Mujaahid Aadan Sh.Maxamed (Aadan Shiine) –IHUN-wuxuu had iyo jeer dedaal ugu jiray sidii loo bilaabi lahaa halgan hubaysan. Mujaahid Ibraahin Maygaag oo arintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi: “Intii aanu gudbin wuxu door fir-fircoon ka qaatay isku-xidhkii qarsoodiga ahaa ee saraakiisha ciidammadii reer woqooyiga, shir kasta oo SNM qabsatana wuxu ka qaadan jiray kaalin muuqata. Wuxu caan ku ahaa isu-soo-dhoweynta kooxa sarakiisha”.
Boobe Yuusuf Ducaale oo dhaqdhaqaaqyadii xilliyadaa goob-joog u ahaa, ayaa sheegay:
“Xilliyadaa abaabulka hoose socday gaar ahaan 1979kii iyo 1980kiiba, waxa aan iman jiray Hargeysa, Burco iyo meelo kaleba. Inta badan Hargeysa waxa aan kula kulmi jiray Maxamed Kaahin Axmed iyo Aadan Sheekh Maxamed oo labaduba Qaybta 26aad ay ka tirsanaayeen. Waxa aan xusuustaa in aan xataa Xabsiga Dhexe ee Mandheera ku booqan jiray Mujaahid Shahiid Maxamuud Xaaji Xasan oo Hurre loo yaqaannay iyo xertii la xidhnayd oo si hoose oo qarsoodiya ugu jiray abaabulka loo dhammaa”.
Qof xidhan oo abaabulka hoose kaalin mug leh kaga jiraa waxay xilliyadaa aheyd mid aan lala yaabin. Dadkii fuliyey hawlgalkii badjeex ee ka dhacey xaruntii saraakiisha ee Birjeex waxaa ka mid ahaa Biixi Xaaji Xasan(IHUN) oo ku xidhnaa Gurigii (Fooqa) ee qaybta ciidamada.
Maxamed Baaruud Cali wuxuu ka hawlgali jiray warshadii Pebsi Cola ee ku taaley agagaarka dugsigii Farsamada Gacanta kuna taala xaafada Shacabka.Waxaa xilligaa ku soo guryo-noqday magaalada Hargeysa dhalinyaro aqoonyahano ah.Waxay la kulmeen dhalinyaro ay ardeynimo iyo barasho horeba ka dhaxeysay oo Hargeysa ka shaqeynayey.Iswareysi dabadii waxaa laysku tilmaamey dayacnaanta ka muuqata xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka oo ugu darnaa.
Halgankaa qarsoon waxaa ka mid ahaa koox dawladii Siyaad Barre u taqaaney RUDM(Ragga U Dhashay Magaalada).Waa dhalinyaro aqoon hore isku lahaa,dugsiyadii Sheekh iyo Camuud waxbarashadoodii ku soo qaatey. Inta badan way ku cusbaayeen degaanka ay ka soo jeedaan oo Muuqdisho iyo agagaarkeeda ay ka hawlgali jireen.Waxay arkeen xaalada dalku siday tahay. Waxay warbixin ka heleen saaxiibadoodii sii joogay.Waxaa la isla gartey dhibta jirta ka warankeeda uun ku jiri maynee waxqabad baa la inooga baahan yahay.Go’aankana ay gaadheen dhalinyaradan waxaa markiiba taageeray ganacsadayaashii iyo odayaashii.Waxaa kaalmo la garab joogsaday kooxdiii ciidamada ee ku jiray halganka qarsoon.
Taladii waxay markaa iskugu soo biyo-shubatey in la hawlgalo lagana bilaabo dayactirka Dhakhtarka Hargeysa.Waxaa markaa agaasimaha guud ee dhakhtarka ahaa Dr.Aadan Yuusuf Abokor.Tani ayaa dhakhtarka ka dhigtay inuu noqdo meesha ugu horeysa ee waxqabadka laga fuliyo.Dr.Aadan dhalinyaradan ayuu aragtida waxqabadka kala midaysnaa,lana hawlgalayey. Sidaa darteed ayey xidhiidh arintan ku saabsan uu la yeeshay Cabdikariin A.Guuleed oo la shaqeyn jiray hay’ad kaalmeysa qaxootiga Hargeysa ku xeersan.
Aqoonyahan sare Cabdikariim A. Guuleed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland,hase yeeshee ku barbaarey dalkaa Itoobiya oo uu ciidamada Itoobiya ka tagey ,waxbarasho jaamicadeedna ka galay wadankaa Jarmalka xilligana soo dhameystay. Markan Cabdikariin wuxuu la shaqeynayey hay’addaa Jarmaka l aheyd oo daryeelaysay qaxootiga degan daafaha Hargeysa.
Cabdulkariin wuxuu sameeyey xidhiidh midho dhalay oo uu ka dhexeeysiiyey aqoonyahanada uu hormoodka u ahaa Dr.Aadan Abokor iyo Dr.R. Nuedeck oo hogaanka u hayey hay’adaa Jarmalka aheyd(The German Emergency Doctors-GED-) ee caawinaysay qaxootigii Soomaaliyeedee ka soo qaxey Itoobiya. Ka dib markaa ayey Dr.Aadan,Dr.Taani,iyo dhakhaatiir kale u cadeeyeen si hufan in qaxootigu isticmaalaan dhakhtarkaa,uuna dhamaan gobolada woqooyi oo dhan u ahaa gundhig oo cisbitaalada kale ku wada tiirsan yihiin.
Waxaa xilligaa waddanka ku sugnaa Urur dhakhaatiir ah oo la odhan jiray Germany Emergency Doctors(GED) oo adeegyo caafimaad u fidin jiray dadkii ku jiray xeryaha qaxoontiga ee Hargeysa u dhawaa. Waxaana Dr. Aadan iyo qolyihii la shaqaynayay ay ururkaas dhakhaatiirta ah ka codsadeen in dadka xanuunsanaya ee xeryaha qaxoontiga la keeno cusbitaalka oo lagu daaweeyo, iyagiina way ka ogolaadeen.Tani waxay aheyd qorshe lagu meelmarinayo in hay’adani oo ku xadidnayd ka hawlgalida xeryaha qaxootigu ay ka hawlgali karto dhakhtarkana kol haddii ay qaxootigana lagu daweeyo.
Germany Emergency Doctors(GED) markii ay xaalada cusbitaalka qiimeeyeen waxay ogaadeen inay wax ka qaban karaan. Waxaana ay xilligaa cusbitaalka u qoondeeyeen miisaaniyad dhan 2 milyan oo lacagta Jarmalka ah, iyaga oo mar kasta keeni jiray dhakhaatiir mutadawiciin ah oo bil ilaa laba bilood amma sannad-ba cusbitaalka joogi-jiray. Waxaa hogaankii hay’adaa Dr.R. Nuedeck uu ogolaadey inuu qalabeeyo dhakhtarka keenayna sariiro, koronto dhaliye, dhakhtarka caruurta (Pediatrician), dhakhtarka ilkaha(Dentist),dhakhtarka suuxdinta (Anesthesiologist), Ingineer dibuhabeyn ku sameeya qaab dhismeedka dhakhtarka,iwm.Markii cusbitaalka qalab cusub la keenay, dhaqaale la galiyey ee qoladii Jarmarka ahayd dawooyinkii keeneen, ayuu cusbitaalkii noqday mid u qalma in dad lagu daweeyo,dadna u soo doonan karaan daaweyn.
Dhalintii UFFO-na waxay bilaabeen inay qaadhaan ururiyaan, nadiifiyaan dhakhtarka, waliba ranjiyeeyaan.Waxaa kor u kacdey bilicdii dhakhtarka iyo nadaafadii dhakhtarka.Waxaa la dareemay daryeelka caafimaad iyo dawooyinka laga heli karo dhakhtarka oo mid loo bogay noqday. Guushani dadka degaanku aad ayey u soo dhaweeyeen,odayaashii iyo ganacsatadii way u riyaaqeen.Kooxdii ciidamada ee halganka qarsoon wadey guul hor leh oo indhuhu ku doogsadaan ayey u noqotay.Hase yeeshee dawladii uu dhiigyacab Gaani degaanka uga wakiilka ahaa may jeclaysan,waxaney u hawlgaleen sidii hawshan loo curyaamin lahaa, dhalinyaradaa dhiiran ee wadana dil loola beegsan lahaa.
Wargeyska UFFO:
Magaca UFFO ayaa ugu tilmaaman dadka qawmiyada Soomaaliya hordhac guul dabasocota. Waa neecaw qabow kuna ladhan ur udgoon oo ka soo horeysa roobka. Sidaa darteed ayuu wargeyskaasi ka mid ahaa hordhicii guusha maanta dalka Soomaaliland lagu naaloonayo. M agacu iskama bixinee dareen durugsan iyo himilo fog ayaa hagayey.Sidaa darteed ayaa Maxamed Baaruud ugu suntay magacaa UFFO wargeyskaa qarsoodiga ahaa ee baahida bulshada iyo wacyigalinta siyaasiga soo bandhigayey.Waxaa ku taageeray aragtidaa oo ku garab galay Axmed Maxamed Yuusuf(Jabane) iyo Ismahaan Aadan Qormeeye oo u dhaxdey Maxamed Baaruud.Dhambaalka uu wargeysku siday, hawsha iskaa wax u qabso ee bilaabmantay, iyo hawlaha halgankii qarsoonaa ayuu wargeyska ku sheegayey inay hordhac lagu diirsado u yihiin xoriyada loo halgamayey.Xoriyadaasi waxay dhaboowdey Bishii May 18dii,1991kii.
Wargeyska tirsigiisii ugu horeeyey wuxuu Maxamed Baaruud u adeegsadey teeb yaalay xafiiska xaruntii Pebsi Cola ee shacabka. Hase yeeshe tirsiyadii kale waxaa xarun u noqotay guriga mudane Maxamed Baaruud iyo Marwo Ismahaan Aadan Qormeeye.Waxaana suurtogaliyey markii uu Maxamed ka soo ergistay teeb saaxiibkii Cabdiraxmaan oo ka shaqeyn jiray baanka ganacsiga ee magaalada Hargeysa.
Waxaa hoosta kaga xardhanaan jirtay wargeyskaa UFFO odhaahda ah “Wargeyska UFFO wuxuu ka soo baxaa guriga xisbiga ee qabyada ah”. Waa guriga qabyada ah ee ka soo horjeeda xarunat idaacada raadyow Hargeysa.Waa weedh xambaarsan fariin dadan.Waa weedh warbixin kaa siinaysa xaalada dalka iminka ah Soomaliland mareyey xilliyadaa.Waa dhisme u ah bartilmaameed baahida taalay dhulka iyo sida aan loola jeclayn wanaag.Dhalinyaradani weedhaasay u xuleen inay ka mid noqoto fariimaha uu gudbinayo wargeyskaasi.
Wargeyskaasi waxaa kaloo ku xardhanaa weedh qof kasta oo akhriya fareysay inuu sii badiyo.Waxaa suurtogaleysay xilligaa in xidhmoilaa shan ah uun la sameyn karayey.Sidaa darteed ayaa qof kasta oo hela looga codsanayey inuu sii badiyo si ay bulshada dibada iyo gudahaba u gaadho.Waana lagu guuleystay inkastoo in lagu kalsoon yahay waxqabadna diyaar u aheyd uun ay gacantooda gali jirtay.Waxay ka warami jirtay baahiyaha baahsan ee dhulka ka jiray, waxaaney ku ladhi jirtay xalka ugu haboon ee lala iman karo.
Dalka iminka ah Soomaaliand ayaa laysla dhex maray in dhalintani muujiyeen waxqabad, wargeysna leeyihiin.Dawlada ayaa dhagahooga ku soo dhaceen weedhaha tilmaamaya wargeyska iyo qoraalada ku xardhani.Xubnihii u dirnaa dawladii Afweyne siiba Gaani ayaa codsadey in wargeyskaa la soo helo.
Golihii ciidamada ee halganka qarsoon ku jiray ayaa ka warhelay baadidoonkaa iyo ujeedada laga lahaa.Waxay go’aan ku gaadheen in dhalinyarada looga digo haysashada wargeyskaa iyo sii wadidiisaba.Sarkaal sare Cabdilaahi Cige Obsi oo ka tirsanaa halgankaa qarsoon ayaa fariin soo gaadhsiiyey dhalinyaradan ku saabsan wargeyska iyo hagardaamada uu u soo jiidi karayo.Si aan gabasho laheyn ayuu Cabdilaahi Cige Obsi ugu sheegay dhalinyaradaa in Mujaahid Maxamed Xaashi Lixle(IHUN) u soo dhiibay fariintaa. Wuxuu ahaa halgan lays garabsanayey. Dhalinyaradiina way joojiyeen wargeyskaa dhawr tirsi ka dib.Waaney iska fogeeyeen.
Waxaa aad loogu kulmi jiray guriga Axmed Maxamed Yuusuf(Jabane) oo ku yaaley guryaha Indiyalaynka.Furaha waa la haystay .Hadduu joogo iyo hadduu maqan yahayba wuxuu ahaa guri u furan dhalinyarada magaalada ee halgankaa ku jiray.Wuxuu Axmed socdaal gaaban oo booqasho ahaa ku gaadhey magaalada Kaalgacayo.Maalmahaa waxaa xidhiidh dhalinyaradan la soo sameeyey Cabdi Laangadhe oo dawladana si hoose ula shaqeyn jiray.Sidii qof og halkuu yaalo wargeysku ayuu Cabdi Laangadhe hal wargeys oo ku qarsanaa meel leexsan si aan cidina dareemin jeebkiisa ugu hubsadey.Waxaa isku hagaagey fariinta loo soo gudbiyey dhalinyarada iyo Axmed oo socdaalkaa ku maqan.Maqnaanshaha Axmed Maxamed Yuusuf(Jabane) ayaa guul u noqotay kooxdii u dirnayd Gaani dhiigyacab.Waxaana Cabdi Laangadhe iyo Gaani dhiigyacab isbarey Faysal Cali Waraabe.
Wargeyskaasi wuxuu gacanta u galay taliyihii ciidamadii Hangash ee Daahir Ciid kana soo jeeday beesha Afweyne.Guusha uu gaadhey Daahir Ciid wuxuu markiiba la wadaagey inaadeerkii Gaani dhiigyacab.Socdaal degdeg ah ayuu Gaani dhiigyacab ugu tagey Afweyne si uu uga wargeliyo inuu warbixintiisii u helay marag.Warbixintu waxay aheyd inay dhalinyaradani wadeen afganbi oo Gaani dhiigyacab u gudbiyey adeerkii Afweyne mudo ka hor.
Wargeyskani wuxuu ahaa cadeynta kaliya ee la hayey maxkamad ku sheegii Afweynena la horkeenay si loo sugo inay dhalinyaradani dil toogasho ah in la xukumo mudnaayeen.Markay dhalinyaradani ku xidhnaayeen xarunta Nabad-sugida ayaa Ismahaan Aadan oo aqoon u laheyd xeerarka ciqaabta ee jiray xilligaasi uu Dr.Maxamed Cali Sulub u sheegay in lagu qaadayo Xeer 54. Waa hiilkii ugu horeeyey ee ardeyda iyo hooyooyinku ay heleen si ay gurmad iyo gargaar ku hubaysan dhagax ugu fidiyaan dhalinyarada dilka loo qorsheeyey.Aroornimadii hore oo la keenayey Maxkamad ku sheegii Afweyne si xukunka dilka ah loogu dhawaaqo ayaa ardeydii iyo hooyoonkii oo isgarabsanayaa dhagax ku harqiyeen,guul la taaban karana soo hooyeen.Waxaa maalintaa lagu doogsadey loogu wanqaley maalinta dhalinyarada oo ah 20ka Febraayo si loo xuso dhacdadaa taariikhiga ah ee 20ka Febraayo,1982kii.
Waa kuma Maxamed Baaruud:
Gu’gii 1950kii ayaa reerku u faadhumaystay safar loogu rarayoo meel biyo iyo baad leh. Baaruud Cali (IHUN) wuxuu ku foogana diyaarinta reerka.Baaruud waxaa u dhaxdey Cudbi Cali . Baaruud wuxuu maalintaa ogaa in hawsha reerku keligii dusha ka saarneyd.Waxaa ka maqneyd kaalintii ay hawshaa ka geysan jirtay marwadiisa Cudbi Aw Xuseen. Waxaa la filayey in mar kasta iyo goor kasta ay fooshu qaban karto oo hawsha umay madax banaaneyn. Markuu Baaruud hayaamid u diyaar garoobey ee uu reerkii isku dubariday ayey indhihiisu qaban waayeen marwadiisii.
Xanuunkii foosha ayaa soofdaran habaabiyey hoyoo Cudbi,una hayaamiyey meel yara durugsan. Waxay ku umushay geed jirid weyn hoostii hooyo Cudbi .Cadceedu kaalmo may fidineyn oo godkeeda ayey ku sii ordeysay, dayax soo badalaana muu muuqan.Raadco dheer dabadeed ayaa Baaruud oo uu wehelinayo Jibriil Bootaan oo ay isxigaan indhaha ku dhufteen koox shimbirka Galeydh ah. Waa tilmaan muujinaysa inay tahay meel raq iyo raad lagu hubo. Baaruud oo lugtu kaalmo dheeraada u fidisay ayaa meel aan ka durugsaneyn ka dareemay dhaqdhaqaaq qofeed.Waa hooyo Cudbi oo gacant ku haysa ilmihii ay umushay oo geed hoostiina hadhsaneysa. Islamarkiiba waxay kuna dhawaaqdey “ Waa wiil” .
Geedkaa waxaa la yidhaa Weerane,wuxuuna u dhaw yahay magaalada Awaare.Waa geedkii lagu qabtey tababarkii ciidamada SNM.Waxaase ku ladhan geedkan sheeko kale oo la yaab leh. Labada reer ee Maxamed Baaruud abti iyo adeer u kala ah ayaa xurguf dhex martey.Gu’ga dhibta dhacda ee keenta geeri ayaa had iyo jeer reer miyigu la sugaan aargoosigeeda gu’ga danbe.Sidii ayaa dhacdey oo gu’gan ayaa aargoosigi hirgaley, lana dilay laba nin oo ka soo jeeda reerka adeerka u ah Maxamed Baaruud, si ay guushaasu u noqoto mid la dareemana intay dharkoogii ka saareen maydadka ayey sudheen geedka dushiisa.Tani waxay socdaalayaasha meesha maraya ku khasbeysaa inay ka sheekeeyaan guusha reer u soo hoyatey iyo guuldarada reer ku dhacdey.Ayaandaradu waxay tahay dilkaa waxaa geystay koox ka soo jeeda reerka abtiga u ah Maxamed Baaruud.
Dhalashada Maxamed Baaruud ee isla geedkaa ka dhacdey ayaa u ah caqli-celin,baraarujin iyo wax-ku qaadasho dhamaan qoomiyada Soomaaliyeed gaar ahaan labada reer oo dhalashadani farxadda gaarka ah u tahay.Labaduba geedkii ay kooxina godobta lagaga galay ku xusuusanayeen, kooxina guusha ay gaadheen ku xusuusanayeen ayey maanta si isku mid ah ugu faraxsan yihiin, soona dhaweynayaan dhalashada wiilka ay labaduba tirsanayaan. Maxamed Baaruud waxaa la dhashay afar carrur ah.Saddex wiil iyo hal gabadh ah. Magacdooduna waxay kala yihiin Faadumo,Xasan, Jaamac, iyo Aadan.
“Aabahay oon xoolo miyi laheyn ayaa ii suurtogalisay inaan u hayaamo dhinaca magaalada Hargeysa oon wax barto” weedhaasi kor ku xusan oo ku xardhaneyd Buugga uu qoray Maxamed Baaruud ee Weerane ayaa xambaarsan aragti fog.Waxaa maanka qofka aqoonta qiimeeya uu dareemayaa dadaalka iyo kartida u qofku(ardeygu) la yimaado inay dabooli karto baahida dhaqaale ee waalidka.Maxamed Baaruud oo dareenkaa qaba ayaa gargaar ka beegsadey inuu ka mid noqdo ardeyda ugu sareeya si looga dhaafo lacagta ardeyda laga qaado.Dadaalkaasi markii danbena wuxuu u suurtogaliyey inaynu maanta qalin iyo buugba u qaadano sidaynu uga sheekayno wuxuu bulshada iyo dalka u qabtey.
Waxabarshadii Maxamed Baaruud:
Baaruud muu laheyn xoolo miyi oo dirqiya inuu sii joogo.Tani waxay suurtogalisay in Maxamed Baaruud la keeno magaalo.Maxamed wuxuu la noolaa oo gacan weyn ka geysatey korniimadiisii iyo waxbarashadiisii hooseba Eedadii Caasha Cali oo ka mid aheyd laba iyo tobanka caruura ee uu dhalay Cali. Caashii caruurtaa ayey ugu waynayd,halka uu Baaruud ugu yaraa.Waxaa loogu yeedhi jiray Xaajiyo Caasha, inkastoo aaney Xajka tagin waxay saddex jeer booqasho ku tagtey qubdiga Sheekh Yuusuf Kawnayn.Waa aragti ilaa iminka dadka qaarkii qabaan oo kali kumay aheyn dareenka sidaas ah.
Haynteedu way yareyd,hase yeeshee hankeega ayaa sareeyey.May ogoleyn in Maxamed dareemo dan-yaradida reerka,intii kartideeda kaalmadii lama huraanka aheyd way geysatey iyadoo gargaar ka helaysay saddex digaagadood oo ay laheyd.Maaweelo iyo sheeko caruureed ayey gosha u galin jiray Maxamed marka hayntu saamixi waydo inay saddexda waqti cunto buuxin kari waydo.
Maxamed dugsiga hoose wuxuu ku dhameeyey Hargeysa.Gu’gii 1966kii ayuu u baqoolay dhinaca magaalada Sheekh oo uu ka galay dugsigaa oo hoy lahaan jiray.Ardeyda dugsigaasi waxay ka kala yimaadeed dhamaan santa qaybood ee qoomiyada Soomaalida loo qaybiyey. Macalimiinta dugsigaasi waxay isku jireen Ingiriis, Hindi iyo Soomaali,waxaana xusid mudan Mr.R.R.Darlington oo loo yaqaaney gacmo dheere,gayiga Soomaliland-na caan ka ah ilaa iminka, Qaalib Muuse oo maamulae ka ahaa, Axmed Sheekh Aadan, iyo Cali Cabdiqaadir.
Maxamed Baaruud wuxuu kaalin firfircoon ka galay hawlihii dugsiyadaa.Wuxuu ciyaari jiray kubada Cagta,wuxuu ka mid noqday gudida dugsiga,iwm.Kooxaha kubada ee muuqday waxaa ka mid ahaa Somali Youth Association iyo Music & Sport Association.Waxayaalaha al yaabka lahaa waxaa ak mid inayna kooxahani kubadda uun ciyaari jirin ee ay ruwaayadaha dhigi jireen, kaalin muuqatana ka qaadan waxbarashada dadka waaweyn.Labadii gu’ ee ka horeeyey waxaa deeq waxbarasho wadanka Ingiriiska ah loogu diray 10 ardey mar kasta, hase yeeshee gu’gan 1971kii oo noqday kii ugu danbeeyey waxaa la diray 12 ardey. Waxaa la yaab laheyd in deeqaha waxbarashada ee Ingiriiska iyo Mareykanka la joojiyey kol haddii xidhiidhka loo jarey reer galbeed sida lagu sababeeyey, hase yeeshee reer Soomaaliya(Italian Soomaaliya) oo iyaga loo diri jiray Talyaaniga aan la joojin.Gu’gii kastana waxaa la diri jiray ilaa 300 oo ardey.Wuxuu Maxamed ka mid noqday 12kii ardey ee ugu sareeyey dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray.Tani waxay mar kale u suurtogalisay inuu helo deeq waxbarasho, loona qaado dalka Ingiriiska. Ardeyda ay israaceen waxaa ak mid ahaa:
Axmed Xaaji Cabdilaahi(Suufi),Maxamed Maxamuud (kitaable), Ibraahim Maxamed Sh.Muuse, Cabdiwahaab Sayid Cismaan,Cali Aadan Maxamed, Maxamed Cumar Cabdala, Sh.Cismaan Maxamuud, IBraahin Cali Saleebaan,Maxamed Xaaji Askar Cabdilaahi,Axmed Cadaani Yuusuf iyo Siciid Sh.Cumar.
Waxaa la dajiyey Brighton and Hove oo ay ka galeen dugsiga Davis si ayaqoonta afka Ingiriisiga u sii xoojiyaan. Gu’gii 1971 ,bishii Sebtember ayaa look ala qabiyey magaalooyinka cariga Ingiriiska.Afar uu ka mid yahay Maxamed ayaa loo qoondeeyey inay imtixaanka G.C.E ka galaan magaalada Bath, kana mid noqday ardeyda waxbarashada “A Leve l”ee kuliyada Farsamada ee Bath(Bath Technical College), waxaaney kala ahaayeen Axmed Xaaji Cabdilaahi(Suufi),Maxamed Maxamuud (kitaable),Ibraahim Maxamed Sh.Muuse iyo Maxamed Baaruud Cali.
Maxamed Baaruud markuu dhameeyey waxbarashadii A Level ayuu tagey Sunderland gu’gii 1973kii.Halkaas ayuu Maxamed Baaruud ka qaatey shahaadadii heerka koowaad kuna qaatey aqoonta Geology and Chemistry hilaadii 1977kii.Waxaanu soo guryo-noqday dhamaadkii 1978kii.
Shaqo-Tagistii Maxamed Baaruud:
Maxamed Baaruud wuxuu shaqadiisii ugu hireysay ka bilaabey mashruucii sonkorta ee Juba ee Mareeray aan sidaana uga fogeyn Kismaayo.Waxaa mashruucaa maamula ka ahaa Cali Khaliif Galeydh. Dadka aqoonta loo baahan yahay oo xilligaa aad u yareyd ayaa u suurtogalisay Maxamed inuu markiiba noqdo horjooge kooxeed,sidoo kale aqoonta af-Ingiriisiga oo aad baahi loogu qabey kol haddii shirkada qandaraaska dhismaha warshada amreeray ay shirkad Ingiriis ah Booker McConnell..Shaqaalaha ka shaqeynayey waxay u badnaayeen ardey dugsiyada sare oo loo tababarayey inay ka hawlgalaan mashruuca Sonkorta ee Jawhar oon Xamar ka fogeyn.
Lix bilood ka dib ayuu Maxamed helay deeq waxbarasho oo loogu qaaday Warshada Sonkorta ee Komombo oo u dhaw magaalada Aswan ee dalka Masar.Hase yeeshee intaanu u anbobixin ayaa hilaadii Janaayo 4, 1980 uu Maxamed Baaruud u hawlgaley reer-dhisid, mehersadeyna xaaskiisa Ismahaan Aadan,waxaana minxiis u ahaa saaxiibkii Cismaan Aadan Rooble.
Bishii Luulyo 4,1981 ayuu ku soo noqday magaalada Muuqdisho,hase yeeshee intaanu shaqadiisii magaalada Mareerley ku noqon ayuu fasax gaaban ku tgeen isaga iyo xaaskiisa Ismaahaan magaalada Hargeysa . Socdaalkii gaabnaa wuxuu isku badaley digo-rogasho buuxda.Waxaa la kulmay Maxamed Abu-site oo madax ka ahaa shirkadii Pebsi-Cola,una fidiyey shaqo. Ka dib la tashi uu la sameeyey xaaskiisa, Maxamed wuxuu codsadey shaqo ka tagis.Markii loo soo ogolaadey shaqo ka tagistii ayuu Sebtember 1, 1980 bilaabey shaqadii shirkadii Pebsi-Cola.
Bishii April 6, 1981 ayaa lagu dhawaaqey ururkii xornimo-doonka ee SNM.Sidoo kale xilligana waxaa ka socday magaalada Hargeysa in dhalinyaro uu ka mid ahaa Maxamed Baaruud daryeel ku salaysan iskaa wax u qabso ka wadeen dhakhtarka weyn ee Hargeysa oo maamulkii dawladii Afweynene dhibsanayey.Sidoo kale ayaa dareenkii saraakiishii ka soo jeeday degaanka iminka ah dalka Soomaaliland lala beegsadey in la duudsiyo xaqooga,oo markii danbe cadaawadaasi isku badashey in dil loola badheedho laguna hor-fuliyey mujaahid kornayl Cabdilaahi Xaaji Siciid(IHUN) bishii Janaayo 27dii, 1982kii. Si loo xoogeeyo,awood la taaban karana loogu sameeyo ururka London lagaga dhawaaqey ayaa jabhadii Afraad oo uu hogaanka hayey mujaahid Maxamed Cali (IHUN).Tani oo ka dhigtay tusbax furmay qulqulkii saraakiisha, ardeyda, shicibka,iwm.
Bishii Janaayo 30dii ee gu’gii 1982kii Mujaahid Aadan Shiine (IHUN) iyo Mujaahid Axmed Daahir Nuur (Axmed Dhagax) (IHUN) ayaa noqday saraakiishii ugu horreysay ee u tallaaba dhinacaa Itoobiya, kuna biirya guutadii 4 oo gogol-xaadh u noqday ururkii SNM. Waxaa markaa ku xigay Mujaahid Aadan Saleebaan (IHUN) iyo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo haatana ah afhayeenka Xisbiga Kulmiye iyo Korneyl Muuse Nadiif Allaale. Intaa ka dib waxaa oodda jabiyay saraakiishii, siyaasiyiintii, aqoonyahannadi i iyo dad badano o kale oo ka mid noqday xubnihii ururka SNM.
Xadhigii iyo Sii-dayntii Maxamed:
Hawshii iskaa wax u qabso ee dhakhtarka Hargeysa ayaa laga gaadhey guul la taaban karo,l aguna diirsadey.Waxaa ka biyo diiday maamulkii dawladii Afweyne siiba Gaani gacan-ku-dhiigle .Waxaa markaa dawladii Afweyne u hawlgaleen inay guushaa boqno-goyn karaan haddey dil-toogasho la beegsadaan hormoodka hawshaa iskaa wax-u-qabso.
Dabayaaqadii bishii Noofember ayaa waxaa bilaabmey xadhigii dhalinyaradaa,kuna bilaabmey Axmed Maxamed Yuusuf(Jabane) –Nofember 2,1981- iyo Maxamed Baaruud Cali- Nofember 4,1981- .Waxaa la xidhxidhay tiro gaadhey ilaa 28 qof.Bishii Febraayo 20dii,1982 ayaa la go’aansadey in lagu dhawaaqo xukunkii dilka ahaa ee la soo qorsheeyey,waxaase hal-bacaad lagu lisay ka dhigay ardeydii dugsiyada iyo hooyooyinkii oo dhagax ku muquuniyey awoodii ciidan ee dawladii Afweyne.
Maxamed Baaruud Cali iyo Axmed Maxamed Yuusuf (Jabane) waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.Sidii loo kala xukumay oo faahfaahsan waa sidan:
Tirada Xadhiga lagu Xukumay
Laba Xabsi Daa’in
Laba 30 Sanno
Hal 25 Sanno
Sagaal 20 Sanno
Saddex 8 Sanno
Saddex 3 Sanno
Sideed La sii daayey
Tirada guud ee la xidhay 28 dhalinayaro
Waxaa la soo daayey ka dib markii aduun weynuhu u dooday dabayaaqadii 1989.Maxamed Baaruud iyo Xaaskiisa wuxuu Ilaahay ugu deeqay saddex caruur ah.dhamaantoodna waxay degan yihiin iminka cariga Ingiriiska.
Xusid:
Waxaa dhalinyaradan la hawlgaley koox kale oo qaarkood reernimo looga reebay, qaarna ay Jabuuti u baxsadeen,halka qaar kalena u baxsadeen Itoobiya oo ay ku biireen ururkii SNM. Koox aheyd Isu-duwayaalna buulka ayaa la galiyey oo waliba la mastaafuriyey.Waxaa ka mid ahaa kooxahaa kor ku xusan :
-Dr. Maxamed Xadi Sidci - Xasan Aboolo . - Dr.Bashiir Aleel. –Axmed Ruush. -Maxamed Cali Caateeye. -Iid Cali-Salaan. –Siciid Shukri. –Xasan Cabdi Ducaale. –Maxamed X.Cali Bootaan. –Cabdiraxmaan Muxumed Cabdi . –Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray). –Yuusuf Kirix. –Daahir Faarax Jire. – Sulub Cali Amaan. - Cabdilaahi Saleebaan Bidde. –Axmed Galaas Jaamac. –Maxamed Bulaale -Bashiir Maxamed Aleel
Baadi-goob:
Shil baa dunidii ka dhacay
Daacuun halisaa ku fiday
Duufaan simay baa la tegay
Doofaarrada aan gudnayn
Diinlaawaha gaalku dhalay
Maxay dulin faafiyeen
Maxay samo duudsiyeen
Maxay godob daaqsadeen
Maxay denbi xoogsadeen
Maxay dabar soo xardheen
Maxay dabin soo shaqleen
Danbeed maran soo asleen
Waxay dumiyeen aqoon
Ilaa dura soo taxnayd
Waxay damiyeen ilays
U daaran qof meel lahaa
Waxay kala daadiyeen
Waryeel isu dheellitiran
Waf daahira bay legdeen
Oocdeeda xun dhiiriyeen
Dan bay canlabeebiyeen
Dawgeedu xidhiidhsanaa
(Dabahuwan- Abwaan Maxamed Ibraahin Hadraawi)
Waxaa bulshada reer Soomaliland iyo qof kasta oo ka soo horjeedaa gardarada iyo gefka lagu dhaco xuquuqda bani’aadamka la gudboon inuu ka qayb qaato baadi-goobka dadkii geystay godobta boqno-goysay guushii laga soo hooyey dhakhtarka Hargeysa iyo curyaamisayan mustaqbalkii iyo kartidii dhalinyaradaa UFFO, sidoo kale geystay dilkii, dhaawacii , iyo xadhigii ardeyda iyo hooyooyinka dulmiga ka biyo-diiday loo geysanayo aqoonyahanadooda. Waxaa ka mid ah godob-falayaashaa oo iskugu jira markhaati beenaalayaashii la soo shaqaaleeyey,danbiilayaashii gefka gacantooda ku geystay,iwm
-Daahir Ciid Elmi oo haystay xafiiska Hangash. –Kornayl Xasan Maxamed Nuur Shaatiguduud –Taliye Nabad-sugid ah. –Laba-xiddigle Qaasim Yuusuf Cali –Sarkaal Nabad-sugid ah. –Cabdirashiid Yaasiin Maxamed. – Saddex-Xidigle Cali Gaani Axmed. –Muxumed Sh. Cabdilaahi Jibriil. -Laba-xiddigle Maxamed Axmed Dooli. –Axmed Cali Jaamac. -Kornayl Cali Xasan Diinle –Taliye Bileyska-. –Shariif Sheekhuna Maye-Hogaanka Maxkamad ku sheega-. –Garyaqaan Yuusuf Cabdi Xaaji-La Taliye-. -Kornayl Axmed Cabdi Cawaale-La Taliye-. –Cali Xuseen Diinle - NSS_Hogaan kooxeedkii Xamar laga soo diray
Mahadnaq iyo Hambalyeyn:
Waxaa hanbalyo iyo bogaadinleh dhamaan xaasaskii dusha u ritay xilalkii ku soo banaanaadey .Sidoo kale waxaa hambalyeyn mudan garyaqaanadii dhiiradey iyagoo ogaa inayna waxba ka badali kareyn go’aanka hore loo soo gaadhey, hase yeeshee aan isdhiibin,kuna hafiyey waydiimaha ilaa maanta la tirsado si ay aduunka ugu cadeeyaan garta sida gefka ah loo qaadey.Waxaaney kala ahaayeen garyaqaanadaasi Faysal Xaaji Jaamac, Ismaaciil Jiumcaale, Xasan Sh. Ibraahim,Bashiir Cartan, iyo Xuseen Bille.Waxaa kaloon u mahadnaqeynaa dhamaan dadkii gacan ka geystay in warbixintani waarto oo qalinka lagu duugo.
Tixraac:
-Book: A Note to My Teachers’ Group by Jama Musse Jama
-Book : The Morning Tree by Mohamed Barud Cali
-Wareysi Maxamed Baaruud Cali
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
- Wareysi Ismahaan Aadan Qulumbe
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
- Wareysi Dr.Maxamuud Sh.Xasan Taani
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi Cabdiraxmaan Baqdaadi
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
- Wareysi Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
Qalinkii iyo Tifatirkii:
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org
No comments:
Post a Comment