.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, June 21, 2018

Deeq-bixiyayaasha Caalamka Ayaa Ganafka Ku dhuftay Hindise Soomaaliya ku Carqaladaynaysay Gargaarka Dhaqaale ee J.Somaliland La Siiyo.

"....waxa Soomaaliya loo caddeeyey in aan Caalamku isku si ula macaamilaynin Somaliland iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya."

- Beesha caalamka ayaa si adag uga jawaabtay qoraal ay dhowaan u gudbisay dawladda taagta daran ee  Soomaaliya,  taas oo ay ku doonaysay in la hoos keeno deeqihii  ay Somaliland ka heli jirtay bulshada caalamka.  Waxa kaloo beesha caalamku ay   daadifaysay in aan dib loo cusboonaysiin heshiiskii laba geesoodka ahaa ee New Deal  oo ay Somaliland, Soomaaliya iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku  ku kala saxeexdeen shirkii London  sannadkii 2013-kii.

Warsaxaafadeedkan ay soo saartay Beesha caalamka oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhey wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in  aanay suurto-gal ahayn in isku si loola dhaqmo Somaliland iyo Soomaliya, waxaanay  Bulshada caalamku intaas ku daray in aanay isku duruuf ahayn  labada dal.

 
Waxa kaloo  qaadhaan-bixiyeyaashu sheegeen  in ay Somaliland awood u leedahay in ay dib u cusboonaysiiso nidaamkii  ay Somaliland sida tooska  ah uga heli jirtay mucaawimooyinka  ay bixiyaan Beesha caalamku, waxa kale oo war-murtiyeedkaas lagu caddeeyey in aan isku si loola macaamilaynin Somaliland iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Geesta kale Beesha caalamku waxay u iftiimiyeen  dawladda Muqdisho in loo baahan yahay in Somaliland  si cadaalad iyo sinaan ah u hesho mucaawimooyinka caalamiga ah, si ay ugu fulinayso  horumarinta baahiyaheeda gaarka ah.

Waxa kale oo ay sheegeen  Qaadhaan bixiyeyaasha caalamiga ahi in ay Somaliland tahay meel ay ka heli karaan isla xisaabtan, taasina ay tahay sababta aanay mucaawimooyinka  ay siiyaan Somaliland u hoos geynaynin Soomaaliya. War-saxaafadeedka beesha caalamka waxa lagu xusay in aanay doonaynin in la siyaasadeeyo arrimaha mucaawimooyinka Soomaalida dhexdooda.

Qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa ku saxeexnaa  Phil Evans oo ah u qaybsamaha  hay’adda DFID ee Somaliland iyo Per Karlsson oo ah u qaybsamaha Somaliland iyo Soomaaliya  ee Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah u qaabilsan  safaaradda dalka Sweden, waxa kale oo isna ku saxeexnaa Guglielmo Giordano oo ah u qaybsamaha ee wakaaladda mucaawimooyinka Talyaaniga ee Somaliland iyo Soomaaliya.

F.G: Halkan hoose ka akhri JAWAABTII caalamku bixiyay;
http://www.horndiplomat.com/2018/06/21/renewal-of-the-somaliland-special-arrangement/ 

No comments: