Safaaradaha iyo xafiisyada
diplomaasiyadeed ee joogtada ah, ee dalalka dunidan danwadaaga ku ahi is
waydaarsadaan waxa ay ka koobanyihiin unugyo ama qaybo ay ugu
muhiimsanyihiin;
1. Qaybta ganacsiga.
2. Qaybta militaryga.
3. Qaybta dhaqanka
Xafiisyadan waxa ka hawlgala
diplomaasiyiin loogu yeedho ku-qaybsanayaal, iyaga oo ka tirsan
sifaaradda, haddana waa diplomaasiyiin u madax banaan hawlahooda shaqo
si toos ahna u hoos taga madaxda ay shaqooyinkooda ku qaybsanyihiin
sida, Wasiirka Ganacsiga, Gaashaandhiga, ama hiddaha iyo dhaqanka
Qaybta ganacsi ama xafiiska
ganacsi waxa uu jaan gooyaa oo ku sidkan shaqadiisa heerka xidhiidhka
diplomaasiyadeed ee laba dal yeelan karaan, Tusaale ahaan Hadii
xidhiidhka ganacsi ee laba dal ka dhexeeyaa wanaagsanyahay, xaddiga
lacagta ee la is waydaarsanayaana aad u badanyahay, xidhiidhkooda
diplomaasiyadeed waxa uu noqonayaa mid aad u sareey.
saraynta heerka xidhiidhka
diplomaasiyadeed waxa uu sahlayaa isku soo dhawaanshaha labada dal iyo
is ku socod ka dadkooda, sidan si la mid ah xidhiidhka milliraty waxa uu
dhex maraa laba dal oo xidhiidhkooda diplomaasiyadeed aad u
wanaagsanyahay ama, danwadaag ah, ha wadaagaan dano dhaqaale, mid bulsho
oo ah, tusaale ahaan dad is xiga sida Carabta, ama leh cadaw mid ah
(common enemy).
Saddexdaa xafiis
hormuudkooda oo ah Xafiiska Ganacsiga waa mid gaar ahaantii u shaqayn
kara kali ahaantiina waddamo is dhaafsan karaan, iyaga oo aan Safaarado
is waydaarsan, waana Xafiiska heer ahaan ugu sareeya ee waddan aan la
aqoonsanayn ka furto waddan kale.
Taiwan case (xaalada Taywan)
Taiwan waa
Waddan yar oo aqoonsi raadis ah, waliba kuwa ugu dadaalka badan, kana
mid ah waddan waynaha China sida sharciyada caalamiga ahi dhigayaan,
Taiwan oo ah waddan aan la aqoonsanayn, hadal haynta dunida ee goor
walba ahi waa mid tusaale nool u ah in aan aqoonsi ka maqnayn, Haddana
waddan kan yar waxa uu Culays aad u badan kala kulmay abuuridda xidhiidh
diplomaasiyadeed oo uu dunida kula xidhiidho.
waddankan waxa u suurto
gashay in uu dunida kula xidhiidho hab diplomaasiyadeed ka duwan is
waydaarsi Safaaradeed ama xafiis diplomaasiyadeed oo joogto ah loona
yaqaan Trade Office, Xafiiskan ku qaybsanimadiisa Ganacsani waxa uu dheeryahay jiridda danaha waddan ka leeyahay wadan kale.
Taiwan waxa
ay badi waddamada waawayn ee dunida ku leedahay Xafiisyo Ganacsi halka
qaarkoodna ay ku leedahayba Xafiisyo Dilplomaasiyadeed oo joogto ah,
sidan si la mid ah ayaa Waddamada waawayn iyo kuwa kale oo Taiwan
danwadaag la ahi ugu leeyihiin Taipei oo ah caasimada Taiwan.
W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi
No comments:
Post a Comment