.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, August 31, 2018

Dr. Sacad Cali Shire, Waa Colin Pawell-ka J.Somaliland!

 "Waar hooy, Dr. Sacad Cali Shire iyo dadka kale ee kooban ee la midka ah ee labeenteena ah aan dhawrano, si aan cadawgeena iskaga celino!" Cali

- Ummadi hadii ay garan-waydo oo ay qadarin waydo qofkeeda tayada wanaagsan leh, waxa dhab ah inaanay ummadaasi daacad ahayn! 1990kii, markii ay dalka Maraykanka iyo Xulafadii uu watay dagaalkii la odhan jiray "Golf war" ku qaadeen wadanka Ciraaq  ee aduunku uu khalkhalka galay, ayaa waxa maqaal aad u xiiso-badan oo uu ku badheedhayo kuna garab-joogsanayo dalkiisa (USA) qoray nin shacab ah oo Maraykan ah! Maqaalkaasi oo uu ciwaan uga dhigay "Colin Pawell" is my hero, waxa uu qorahaasi si fiican ugu faaqiday sababta uu u taageeray gulufka uu dalkiisu ku jiro! Weedho aad ii cajab galiyay (aniga qof ahaan) oo ninkaas Maraykanka ah xaashidiisa ku jiray ayaa ahaa tusaal ahaan; " inkasta oo aanan xog-siyaasi ah oo badan oo igu khasbi karta in aan la safto xukuumada President Bush hayn hadana, dareenkayga wadaniga ahi waxa aanu marnaba ka adkaysan karayn ee uu usoo joogsanayaa Xikmadda iyo gola-joogsiga General Colin Pawell.

Isaga oo hadalka sii wata ninkaa qoraha ahi ayuu lahaa; "Colin Pawell, hadii aanu ka mid ahayn maamulka President Bush, waxa dhab ah inaan dalkeenu kasbadeen gaashaan-buurta badan ee Caalamiga ah ee haatan dhufayska inagula jirta, ee xabada isku-dhigaysa". Ninkaas Maraykanka ahi waxa uu ku soo gabogabeeyay sheekadiisii, " inta dalkeenu uu Colin Pawell haysto guushu waa xageena, Colin Pawell waa halyaygayga!

Maxaan uga socdaa hadaba arartaa?

Waa cawo-daro-e, waxa beryahan ku batay dhegaha dadka hadallo aan dux lahayn oo lagu baahiyo baraha bulshada iyo meelaha kale ee wax lagu qorqoro. Kuwaas oo lagu sadhaynayo sumcadda hal-doorka dalka J.Somaliland, oo uu ugu horeeyo Dr. Sacad Cali Shire. Waxan anigu qof ahaan aaminsanahay, in Allah ku galaday dalka J.Somaliland dad badan oo aqoon leh, daacad ah, wadaniyiin ah, karti leh oo hadh iyo habeen u xaydan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadkooda iyo dalkooda. Xaqiiqdu sida ay tahay, halyay-yadaa xil-kaska ah ee aan ka seexan u-adeega bulshadeena ayuu hadaba Dr. Sacad-na safka ugu horeeya kaga jiraa. Dr. Sacad, intii uu ku dhex-jiray siyaasada iyo talada dalkeena oo ah qiyaastii ku dhawaad 8sano, waxa aan la dafiri karin inuu muujiyay tayo aad u-badan oo uu ku mutaystay in lagu amaano, taasoo Dr. Sacad ka soocday dad badan oo kale oo xilal Wasiirnimo ka qabtay ama haatan-ba ka haya J.Somaliland.

Labada wasaaradood ee kala ah "Wasaarada Qorshaynta iyo Wasaarada A/dibada," oo labadaba madax looga dhigay Dr. Sacad, waxa intii uu wasiirka ka ahaa gaadhsiiyay labadaba  heer aad u sareeya oo aanay hore u gaadhin. Sida uu u qaabeeyay iyo qorshayaasha shaqo ee uu u dhigay wasaaradahaas ayaa runtii noqday mid dad badani ay majeertaan! Qof ahaan, anigu waxan ogahay, in dad u dhashay dal jaarkeena ahi ay Koobiyaysteen qoraalo iyo xoggo uu Wasiir Dr. Sacad Cali Shirer u sameeyay in lagu maamulo Wasaarada Qorshaynta J.Somaliland, tusaale ahaan qorshaha 5ta ama 30ka sano ee uu u dhigay inay ku hawl-galayso Wasaarada Qorshaynta J.Somaliland. Waxa taasi kuu muujinaysaa aqoonta iyo waayo-aragnimada naadirka ah ee uu ku galadan yahay Wasiir Dr. Sacad Cali Shire.

Intaas uun ma ahee, saamaynta togan ee uu Dr. Sacad Cali Shire ku leeyahay dawladnimada J.Somaliland waa mid aan cidina il-duufi karayn. Bal u fiirso doodaha uu la-wadaago dadka ka soo hor-jeeda Qadiyadda J.Somaliland iyo sida la yaabka leh ee uu had iyo jeer libinta isaga ula hoydo! Bal dhuux jawaabaha uu ka bixinayo su'aalaha la waydiiyo marka la waraysanyo. Bal ka bogo deganaanshaha iyo sida miyirku ku jiro ee uu u-hadlayo. Waxa hubaal ah, in hadaad tahay muwaadin xalaal ah oo rajo ka qaba dalkiisa aanad marna saluugayn Dr. Sacad Cali Shire iyo kartidiisa uu ku maaraynayo xilka uu garbaha u ritay ee uu u-sido dalkiisa iyo dadkiisa-toona, taas bedelkeedana aad uguba ducayni inuu Allah ku garab-galo.

Gabogabo: Anigu qof ahaan ma aqaan Dr. Sacad Cali shire oo weligay lama kulmin. Haseyeeshee, waxan akhriyay qoraal xirfadaysan oo badan oo uu ugu deeqay dalkiisa hooyo (J.Somaliland). Intaas uun ma ahee, waxan Dr. Sacad Cali Shire ka daawaday/dhagaystay war-baahinta dalkeena iyo ta Caalamkaba oo si kooba iyo si faahfaahsanba aan uga bogtay. Intaas marka aan isku gaysto hadaba, waxa ii soo baxday oo aan halkan-na ka qirayaa inuu Dr. Sacad Cali Shire yahay nin bilay Qaranka J.Somaliland, dalkeenuna aanu sinaba iyo marnaba ka maarmi karayn. Hadaba su'aasha mudan in uu qof kastaa is-waydiiyaa waxa ay tahay, reer Somaliland-oow, goormaynu ka waynaan doonaan oo joojin doonaa inaynu xagxagano oo xajiimayo hadba ruuxa inoogu wanaagsan? Walee waa yaab.

Waar hooy, Dr. Sacad Cali Shire iyo dadka kale ee kooban ee la midka ah ee labeenteena ah aan dhawrano, si aan cadawgeena iskaga celino!

Ha jirto J.Somaliland oo ha Joogto Weligeed.

Cali Cumar Xasan

No comments: