.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, August 15, 2018

Maamulka Dekeda Berbera oo diiday eedaymo loo jeediyay. BBC-Somali

- Berbera (J.Somaliland): Maamulka Dekadda qadiimiga ah ee ku taal magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa waxa uu gaashaanka u daruuray cabashada ka soo yeertay darawaliinta iyo ganacsatada wax kala soo dega dekaddaasi. Sida uu sheegay Maareeyaha Dekedaa Berbera ee xilligan Siciid Xasan Cabdillaahi, kaas oo markii ugu horeysay aan la yeelannay wareysi gaar ah oo dhinacya badan taabanaya, dekadda waxaa loo sameeyay nidaam wanaagsan oo ay ku shaqeyso.
Wariyaha BBC-Somali ee Axmed Saciid Cige, oo maareeyaha wareystay ayaa marka hore waxa uu waydiiyay inta ay la eg tahay xaddiga badeecadaha ka soo dega Dekeda Berbera ilaa iyo intii ay maamulka dekeda la wareegtay sharikada DP World?

No comments: