"Ibeddelkaasi waxuu keenay inuu aduunka ka abuurmo Xaalada Cusub oo
Caalami ah (New World Order) kaas uu hormood ka yahay ururka Iskaashiga
caalamigi ah ee loo yaqaan BRICS." Adam
- Horre ayaa loo yidhi, dhacdooyinka ayaa taariikhda sameeya,
dhacdooynkana dadkaa sameeya, oo Eebe u siiyey maskax mugweyn oo awood u
leh samayntooda iyo hoggaamintooda ba. Sidaas darteed, dhacdooyinka waa
la hoggaamiyaa ama ayagaa ku hoggaamiya. Haddaba, dhacdooynka dunida ka
socda ayaa abuuray isbeddello qoto dheeridooda iyo baaxadooda ku
beddelaya qaababkii fekerka syaasadda iyo dhaqaalaha ee hore kuwo cusub
oo saameeyana keenay Geeskan Africa.
Haddii loo fiirsado waxaa la arki
kara in Isbeddelladan gobol ka socdaa ay xidhiidh toosa la leeyhiin
isbeddelka baaxada weyn ee qotada dheer oo labaatankii sannadood ee ugu
danbeeyey dunida ka socdey. Halka markii hore Maryankanka iyo
xulafadiisu keligood dunida ku amar ku taaglay jireen ayaa laga soo
bilaabo 1998kii, waxaa soo muuqanayey ifafaalaha soo bixitaanka Shiinaha
iyo Ruushka (China and Russia), kuwaas oo horumarkoodu gaadhay heer aan
qarayn karin iftiinka ka soo shaacaya oo si ballaadhan oo degdeg ah
dunida ugu fidaya. Maxaa yeelay waxay noqdeen xoogag caalami ah,
dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo militeri ahaan ba.
Ibeddelkaasi waxuu keenay inuu aduunka ka abuurmo Xaalada Cusub oo
Caalami ah (New World Order) kaas uu hormood ka yahay ururka Iskaashiga
caalamigi ah ee loo yaqaan BRICS, oo ay ku bahoobeen dalalka, Brazil,
Russia, India, China, iyo South Africa, oo metala 3.1 billion oo qof oo
dunida ku nool ama boqolkiiba afartan iyo kow Aadamaha (41 % dadka
dunida ku nool).
Dawladihii dalalka Adduunka Saddexaad oo markii hore aan haysan xoog
kale oo ay ku dano-darsadaan, amase hadday doonaan ku doorsadaan
Maraykayn iyo xulafadiisa ayaa hadda helay dawlado kale oo ay si siman
oo caddaalad iyo isqaderin leh wax u wada qabsan karan kuwaas oo
noqatay xaqiiqo jirta oo ka mid adduunka Cusub (new world order).
Halkaas oo ay hubka iyo daqaale ahaanba kula wadaagi karaan si ku dhisan
iskaashi xushmad leh.
Waxaana si gaara arrinka isbeddelka miisaanka quwadaha caalmka si
weyn ugu badhaadhay dawladaha dunida saddexaad ee dhaqaalaha fiican soo
yeeshay sida Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carbata iyo Qadar oo kale.
Kuwaas oo noqday quwado-goboleed aan la yaraysan karin (Regional Powers)
oo dhaqaale ahaana istaawiyey, oo isbeddelka quwadaha caalamka u arkay
in ay ka dhex kaluumaysan karan.
Dawlado goboleedyada kor ku xusani waxay hadda si toosa iyo si
dadbanba xidhiidh iskaashi oo hirgalay la samaysteen Russia iyo China,
oo Maraykan indhihiisa oo shan ah hadda hub iibsi iyo iskaashi dhaqaale
ba ula yeeshay labada dal.
Dawlada-goboleeyadaasu (Regional Powers) waxay dhaqaale ahaan soo
gaadheen heerkii ay Ingiriiska iyo Faransiisku gaadheen rubicii u
dameeyey ee qarnigii sagaal iyo tobnaad, waqtigaas oo uu dhacay arrinkii
ahaa kala qaybsashada aduunka oo dhan, oo loo kala qaybsaday sida loo
kala xoog weyn yahay (Territorial Division of the whole World) markaasna
dhamman dalalka dunida saddexaad noqdeen Mustacmarado ay ay reer
galbeedku gumaystaan.
Maanta dawlado-goboleedyani (Regional Powers) waxay koritaan ahaan
raacayaan wadada horumarka ee loo yaqaan bilawga isbiirsiga lacagta ama
maalka (Primary Accumulation of Capital) kaas oo ah mid ka mid ah
qawaaniinta koritaanka hantida iyo dawladda. Mitaal ahaan Turkiga
qiyaasta dhaqaalihiiu ama GDP giisu waxuu gaadhay $909 bilion Dollar,
halka Saudi Arabia uu gaadhay $646 billion Dollar, halka Imaaradka
Carabta uu gaadhay $348 billion Dollar.
Dhaqaalahaas xad-dhaafka ah ayaa
keenay damaca ah ku luga fidsiga xaggan Geeska Africa, oo fursado
dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo dhammaystiraya istiratigiyadda militari
oo looga baahday marin-biyoodkan Geeska Africa, oo lagama maarmaan ka
dhigtay istiratijiyad ahaan in si degeg ah loo halqafo. Waa taas sababta inoo keentay Turkiga, UAE, Sacuudiga iyo Qadar in ay
soo qaadaan tallabooyin aad u dhiirran oo ay ku doonayaa inay dhib iyo
dheefba inala qaybsadaan.
Maxa yeelay maanta Adduunka ma jiro mabda’ii
la odhan jirey Madax-bannaani dawleed ee waxaa jira mabd’a kale oo la
yidhaahdo Isku-tiirsanaan (Inter-dependency).
Isbeddelka Itoobiya iyo saamayntiisa dhammaan gobolka. ‘’Itoobiya ma aha tii hore mana aha mid taagan tii hore’’.
la soco qaybaha dambe.
Adam Muuse Jibriil
Email: adamjibril@hotmail.com
No comments:
Post a Comment