- Buugga
cusub ee The Strange Death of Europe: Immigration, Identity, Islam ee
uu qoray Douglas Murray waan xiisaynayaa in aan akhriyo. Yurub mashaqo
weyn baa ka taagan. Waa qaaradda dunida u gu horumarsan u guna nolol
wanaagsan. Sidaa darteed waxaa looga baahan yahay xoogsato badan oo
shaqaysa. Wax kaleba haddii la daayo waxaa shaqaale badan loo ga baahan
yahay daryeelka dadka gabgaboobay ee ciidda ka batay. Haa, dadka
gabgaboobay ee daryeelka u baahani qaaradda aad ayay u gu badan yihiin,
waayo Yurub waa qaaradda dunida u gu dhimasho yar gabowga hortii, sidaa
darteed dadka gaadha da’da raqaye aad bay u badan yihiin. Dhanka kalena
Yurub qofka gabooba ma hayaan carruurtiisa iyo kuwa uu awowga iyo
ayeyada u yahay, waxaa se daryeelkiisa u xilsaaran bulshada uu isaguba u soo shaqeeyay ee weligii cashuurta soo siinayay.
Iyada
oo ay sidaa tahay ayay dumarka Yurub muddo dheer diiddanaayeen in ay
dhalaan carruurtii dalku u baahnaa. Maxay dumarku u dhali waayeen
carruurtii dalku u baahnaa? Sababta oo ah ilaa sidii Yurub u
warshadowday ee u magaalowday ee ay fududaatay in qof waliba helo shaqo
uu iskii u gu noolaan karo isaga oo aan cid kale u baahan, is la markaa
haweenku heleen xorriyad iyo in ay noloshooda ku filnaan karaan, dumar
badani dhalista carruurta wax ay u arkeen caqabad xayiraysa ama dhimaysa
horumarka ay doonayaan in ay ka gaadhaan shaqooyinkooda. Dabadeed ilmo
dhalista intii ay yarayn karaan ayay yareeyeen.
Dhanka kalena guud
ahaanba bulshada Yurub ee dhaqaale ahaan, nabad ahaan iyo xorriyad ahaan
barwaaqowday, dabadeed u iilatay ku raaxaysiga dunida iyo raalligelinta
baahida nafta ka dib markii ay ka tageen Masiixinnimadii adkayd ee
raaxada nolosha u diidi jirtay, waxaa aad u daciifay xilkii iyo
dadaalkii la gelin lahaa qoyska iyo ilmo dhalista. Halkaas bay ka timid
mashaqada maanta Yurub ka taagan ee ah taran yaridu.
Muddo
aad u dheer dawladuhu wax ay ku dadaalayeen dhiirrigelinta dhalista
carruurta, xeelado iyo fursado aad u badan baana dantaa loo sameeyay oo
loo sharciyeeyay. Tusaale ahaan ilmo wal oo dhashaa ilaa uu siddeed iyo
toban jir gaadhayo lacag joogto ah baa loo qoray. Hooyo wal oo ilmo
dhasha waxaa la siiyay fasax dheer oo shaqadu u sii xidhnaato lacagtuna u
socoto. Waxaa kale oo dalalka qaarkood la siiyay muddo dheer oo kale oo
ay fasax lacag ku qaadato haynta ilmaha. Dalal ay Iswiidhan ka mid
tahay xitaa aabbaha ayaa la siiyaa sannad fasax ah oo uu haynta ilmaha
lacag ku qaato. Dhammaan kharashaadka dabiiciga ah ee ilmaha ku baxa
dawladda ayaa dammaanad qaadday sida tacliinta, caafimaadka, daryeelka
ilkaha iyo muraayadaha indhaha. Waxaas oo dhan iyo wax kale oo la
sameeyay bulshadu weli waa ay ka soo taagan tahay in ay dhasho ilmo
dabooli kara baahida taranka ee horumarka dalku u baahan yahay. Dalaka u
gu daran ee dadkiisu dabargo’a ku socdaan waxaa ka mid ah Talyaaniga.
Taas
oo sidaas ah ayay arrin kale meesha soo gashay. Yurub waxaa aad u gu
soo batay soogalootiga, siiba dadka muslinka ah. Caadi ahaan dadka
muslinka ahi waa ay dhalmo badan yihiin iyada oo ku xidhan arrimo badan
oo reer Yurub ka maqan. Waa mar ee muslinku sida reer Yurub diintoodii
ka ma ay tagin oo weli macne weyn bay ku lee dahay, is la markaa waxaa
jira xadiis aad loo yaqaanno oo dhalmada dhiirrigeliya. Marka labaad
dhulalka muslinku sida Yurub u ma warshadoobin oo dadku ma wada noqon
xoogsato qof waliba is ku filan yahay oo mushahar ku nool, gaar ahaan
dumarka badankoodu weli waa gurijoog u diyaarsan in ninku masruufo.
Sidaa darteed qofku baahi ahaan si adag buu u gu xidhan yahay bulshada
kale, waxaana macno weyn leh qoyska iyo carruurta. Taa waxaa dheer
bulshooyinka muslinka ah badankooda oo weli ku jira dhaqanka qabiilka ee
la gu dadaalo in qoladaada la badiyo. Haddaba muslinka Yurub ku batay
is la markaa carruurta badan dhalayaa welwel aad u weyn bay ku haysaa
reer Yurub badan. Xarumaha daraasadaha iyo tirakoobka waxaa si joogto ah
u ga soo baxa saadaal ah in haddii arrintu sida ay maanta tahay ku sii
socoto in waqti aan fogayn dalal badan Islaamku noqon doono diinta
aqlabiyadda ah, taas oo macnaheedu yahay in dalkaasi islaamoobay.
Dalalka u gu horreeya ee carrabka ku soo noqnoqda waxaa ka mid ah
Holland.
Haddaba
imika cabsidan waxaa siyaasad ahaan u ga faa’iidaysta kooxaha iyo
xisbiyada xagjirka ah ee midabtakoorka ah ama muslinka neceb amaba
doonaya in ay Yurub ku ilaaliyaan in ay ahaato qaarad u gaar ah
caddaanka masiixiga ah, iyo dhanka kale dadka masiixinnimada ku adag oo
iyaguna u dhiidhayaya diintoodii la ga tagay iyo Islaamka dardarta qaba
ee tarmaya. Durba Yurub wax aad ka arkaysaa muuqaallo iyo dhawaaqyo
firfircoon oo aan caadi ahaan jirin oo dadka u gu baaqaya ku noqoshada
Masiixiyaddii gabbalkeedu dhacay. Waxaa se yaab leh sida la isu
qabadsiin karo maskaxda dadka Yurub ee diinta u ga tagtay koritaanka
garaadka iyo aqoonta, iyo in mar kale la gu qancin karo in ay xinka
muslinka dartii dib u gu xaroodaan kiniisaddii ay qarni hore ka
dareereen? Waa wax aan suuragal ahayn.
Dalalka
Yurub xisbiyada iyo ururrada caynkaas ahi beryahan waa ay ku
xoogaysteen. Tusaale ahaan Iswiidhan oo ka mid ah dalalka Yurub u gu
furfuran qaadashada qaxootiga iyo la dagaallanka takoorka waxaa ka soo
baxay xisbi si degdeg ah baarlamaanka u galay kaas oo doorashadii u gu
dambaysay ee kalhore codka bulshada ka helay sagaal iyo toban
boqolkiiba. Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Hangari, Finland,
Danmarka… waa la wada mid. Aad bay suuragal u tahay xisbiyadaasi in ay
waqti aan fogayn talada dalalka Yurub qabtaan, waayo dadkii bay cabsi
badan ku abuureen oo xintan geliyeen. Shisheeye nacaybka iyo cadaawadda
cidda kaa duwan oo Yurub aad loo ga la dagaallami jiray haddii ay
silsiladdeedu mar uun xidhanto la ma sii sheegi karo natiijooyinka
halist ah ee ka dhalan kara iyo ilaa heerka ay taasi jiitami karto.
Si
cunsuriga xagjirka ah ee dadka kale neceb loo cidleeyo, dawladaha Yurub
wax ay aad u ga shaqeeyaan yaraynta cabsida bulshooyinkoodu ka qabaan
muslinka, iyo dhanka kale in ay muslinkooda ka dhilaan oo ka ridaan
qolofta saaran ee cabsida keenaysa oo ka dhigaan dad cadi ah oo
mujtamaca ka mid ah. Laakiin labada jeerba hawshu ma fududa, waayo
labada qolaba qolofta saarani waa mid qallafsan oo aan si fudud u
fuqayn. Sida cunsurigu u raadiyo wax kasta iyo sabab walba oo dadkiisa
argagax gelin karta oo muslinka nacsiin karta si uu isagu u taageero u
helo, si la mid ah ayuu badowga muslinka ahi u sameeyaa waxyaalo uu
moodayo in uu Islaamka wax u gu tarayo laakiin dhab ahaantii bulshada ku
diraya oo kaa hore taageero u noqonaya. Halkaas bay ku jirtaa halista
dhabta ahi.
Waxan
oo dhan waxaa keenaya Yurub oo ah qaarad dimuqraaddi ah oo dadku lee
yihiin xorriyad dastuuri ah iyo xuquuq dhawrsan. Tusaale ahaan dalalka
Imaaraadka iyo Gadar shisheeyaha ayaa ka badan dhaladka, sidoo kale
Sacuudiga waxaa jooga soogalooti aan ka yarayn saddex meelood oo meel
dadka dalka u dhashay. Laakiin waxaas oo dhami macno ma leh ka mana
duwana xoolo la dhaqdo, dalka iyo dadkana ku ma laha wax saamayn ah oo
dhaafsan in sida addoonta loo gu shaqaysto, goortii la doono ayaana
maraakiib iyo dayuurado la gu guri karaa sida xoolaha oo dhulkoodii la
gu qubi karaa. Xitaa dumarka dalka u dhashay ma guursan karaan oo
bulshada ku ma milmi karaan, sinaba. Laakiin Yurub qofku si buuxda ayuu
dadka u ga mid noqdaa oo dalka ayuu yeeshaa: jinsiyadda ayuu qaataa, wuu
ka guursadaa oo ka dhalaa, tacliin bilaash ah buu ka helaa heerka uu
doono, siyaasadda ayuu galaa oo doorashada ka codeeyaa oo is sharraxaa
oo xil walba qabtaa, diintiisa sida uu doono ayuu u gu dhaqmaa oo weliba
u faafiyaa, arrimahaas oo dhan oo ka dhalanaya qawaaniinta horumarsan
ee Yurub iyo tasaamuxa ama dulqaadka ay wada noolaanshaha u yeesheen
Dagaalkii Labaad ka dib.
Taas baa keenaysa muslinku in ay noqon karaan
aqlabiyadda dalalka qaarkood, haddii ay noqdaanna natiijada
doorashooyinka ku yeelanayaan saamayn asaasi ah oo gaadhsiisan in ay
dastuurka beddeli karaan, taasina markeeda ay keento in xorriyadda iyo
dimuqraadiyadda Yurub waxyeelloobaan oo noloshu halkii beri fog la ga
soo hayaamiyay dib u gu noqoto. Taasi haddii aanay dhicin dhanka kale
wax ay keeni kartaa in cabsida badan ee dadka Yurub saadaashaa ka qabaan
ay u didiso dhanka xisbiyada xagjirka ah ee nacaybka badan, kuwaas oo
iyaguna markooda beddeli doona dastuurka dammaanad qaadaya xorriyadda
diimaha iyo wada noolaanshaha dadyowga ka la duwan, amaba guud ahaan
adkaynta in ay Yurub ku noolaan karaan dad aan ahayn caddaan masiixi ah.
Halkaa wax aad ka aragtaa madaxwareerka haysta siyaasiga Yurub iyo
dadkooda inta wanaagsan oo noqday midho tib iyo mooyo ku dhex jira.
Muslinka
Yurub oo xilkas noqda oo qolofta ku dahaadhan is ka fujiya, oo
bulshooyinka ay ka midka yihiin nabad ku la noolaada, kuna yeesha kaalin
muwaaddinnimo oo khayr leh, oo garta in ay qaaradda iyagu lee yihiin,
xorriyadda iyo horumarsanaanta dawladeed ee ay halkan u gu yimaaddeenna
ilaashada oo horumarinteeda ka qaybqaata, halkaas buu ku jiraa xalka
dhabta ahi. Halkaas bay dadka wanaagsan ee Yurub ka heli karaan awood ay
ku joojiyaan xagjirka halista ah ee haddii uu fursad helo socon karaa
ilaa heerkii bahalnimada ahaa ee Hitler iyo Nazi kii Jarmal.
Sababahaas baan buuggaa u xiisaynayaa, oo aan ka filayaa in uu sidaa iyo si la mid ah wax u gorfeeyo.
Ibraahim Hawd
No comments:
Post a Comment