.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, April 10, 2019

BBC: "Maxay tahay Sababta diblumaasiyiin caalami ahi ugu qulqulayaan Hargeysa?

- Akhriste, shaki kuma jiro in dheg-samaantii ay Idaacada BBC-Somali, ku dhex-lahaan jirtay dadka Soomaalida ahi uu hoos u dhacay! Sababo dhawr ah dartood sida; Qabyaalad aad u saamaysa qaabka ay Idaacadu u shaqayso, Af-Soomaaliga wax lagu baahiyo oo aad u-tayo-xun, necbaansho badan oo si gaar ah ugu wajahan Qadiyadda J.Somaliland iwm. Hadaba, dhawaan, BBC-Somali, waxa loo raray magaaladda Nayroobi (Kenya), sababtaas darteed-na, wariyayaashii hore badankoodu way ka tageen shaqadii! Halkoodii dhalin-yaro cusub  ayaa buuxisay oo makarafoonka qabtay ee, Tolloow, ma waxbaa is-bedlay, oo Cadaaladdii ayaa soo noqotay? Akhriste, bal na la arag oo isha mari Faalo aan loogabaran BBC-Somali, oo ay dhawaan ku qortay bogeeda wararka oo ku saabsan J.Somaliland!  Guji halkan hoose;
https://www.bbc.com/somali/war-47867561

No comments: