"Waar hooy, Schoolka Abaarso-Tech ha la taageero!" C/Raxmaan Cadami
- Waxa
soo dhaw sanad guuradii 10-aad ee Abaarso School oo ku beegan 10-ka
bishan Julay School-ka waxa aasaasay dad samafaleyaal Maraykan ah oo uu
hormood ka ahaa Jonathan Starr oo dadaal badan galiyay, duruufo adagna
kala soo dabaashay hirgelinta School-ka.Todobadii
sannadood ee ugu horeeyay isaga ayaa gacanta ku hayay toosna u
maamulayay oo wakhtigiisa oo dhan u huray laakiin, markii school-ku
taabbo galay ee uu hubsaday wuxuu si dadban uga maamula magaalada New
York oo fadhigiisu yahay, sanadkiiba 3-4 jeer ayuu kormeer iyo qiimayn
ugu yimaadda.
Imaatinka
dalka iyo dhismaha School-ka waxa ku dhiiri geliyay, gacanna ku siiyay
muwaadiniin Maraykan ah oo Somaliland ka soo jeeda iyo dadweynaha
tuulada Abaarso oo soo dhaweeyay. Waxbarashada
tayadeedu sarayso ka sakow ardayga waxa laga raba in uu noqdo arday
dhammaystiran oo dhinac walba ka dhisan (squire student), waxa lagu
barbaariya in uu ahaado qof jira oo isku kalsoon, jidh ahaan dhisan,
akhlaaq wacan, dhaqan wanaagsan, Diinta ku fiican oo aammin ah,
wakhtigiisa firaaqadana bulshada u adeega.
Si kastaba ha ahaatee Abaarso School waxa lagu tilmaami kara johorad ka dhex ifaysa Somaliland. Lixdii
sannadood ee u dambeeyay waxa deeq waxbarasho ka helay 130 arday oo
isugu jira gabdho iyo wiilal, waxa loo ogolaaday in ay galaan
jaamacadaha ugu magaca weyn uguna qaalisan Maraykanka ( The most
prestigious universities) oo arday badan oo Maraykanka u dhalatay aanay
gali Karin ama aanay kharashkooda bixin Karin, markaa bal qiimeeya arday
kasta lacagta ku bixi karta sanadkii.
Ardayda
Somaliland ee waxbarashada u taga Masar, Sudan, Saudi Arabia, Pakistan,
Turkey, Malesia ama India waxa lagu khasba in ay soo qaataan basaboorka
Soomaaliya laakiin, ardayda Abaarso School waxay ku safraan oo ay
Maraykanka ku galaan basaboorka JSL.
Haddaba
Muwaadin Abaarso School ma wax loo dhigo ayaa jira. Ardaydu marka ay
Maraykan u dhoofayaan arday waliba wuxuu sii qaata calanka JSL oo weyn,
waxay ku soo bandhigaan ama ka taaggan hoolka Jaamacadda marka xafladaha
ama doodaha lagu qabanayo, waxaanay si aftahannimo ah khudbado ugu
jeediyaan kumanaan kun oo qof iyaga oo u sharraxaya qaddiyadda
Jamhuuriyadda Somaliland iyo guulaha Abaarso School iyo waxa uu ugu
fadhiyo Somaliland.
Ardayda
Abaarso School waxa xiiseeya oo waraysiyo iyo barmaamijyo ka qabta
TV-yada ugu caansan Maraykanka sida: CNN, CBS, ABC iyo qaar kale. Sidaas
daraadeed ardayda Abaarso School ee Maraykanka jooga waxay isu
xilqaameen in ay dhankooda ka qayb qaataan ololaha loogu jiro citiraaf
raadinta JSL, waxaanan u malaynaya waa sabab ka mid ah waxaanay dadka
qaar u jeclayn Abaarso School.
Ardayda
wacdaraha ka dhigay jaamacadaha ee soo jiitay indhaha bulshada
Maraykanka waxa ka mid ah Deeqa Aadan, Nimco Ismaaciil, Mubaarik,
Nadiira Yuusuf iyo qaar kale oo badan.
Sidaas
oo ay tahay waxa jira dad bulshada ku dhex nool oo wanaagga iyo samaha
ku bukooda, ma tiro badna laakiin, mar kasta waxa u heellan dad waxay
sheegaan ba rumaysta oo shaydaanka u dhego nugul waana kuwa Soomaalidu
tidhaahdo "Hanfade iyo ma hubsade ayaa rag ugu liita.”
Sida
Eebbe iblayska sharkiisa inooga digay munaafaqu muslimiinta wuxuu ugu
soo gabbadaa caqiidada isaga oo iska yeel yeelaya in uu Diinta u
hiilinayo sababta oo ah waa halka ugu jilicsan ee laga abbaaro dadka wax
ma garatada ah.
Akhriste
bal u fiirso labadan tusaale iyo saban kasta in uu jiro Geeddi Baabu
bulshada ka weeciya wanaagga iyo horumarka. Horraantii 1950’s-kii
Boqortooyadii Ingiriisku maxmiyaddii Somaliland waxay ugu deeqday
dhismaha College lagu qaato tacliinta sare hase ahaatee waxa ka hor
yimid oo diiday in la dhiso kuwo Coldoon oo kale ahaa oo wakhtigaa
noola, waxay bulshada la dhex mareen in Ingiriisku doonayo in uu
ardaydeena gaaleeyo kadibna College-kii waxa loo wareejiyay dalka Sudan.
Waxa
xusid mudan in ardaydii Somaliland waxbarasho u tagi jireen Sudan iyo
College-kii Somaliland diiday. Tusaale kale dabayaaqadii 1930’s-kii
Boqortooyadii waxay odayaashii Somaliland u soo jeedisay in la qoro Afka
Soomaaliga markaana waxa la yidhi waynu gaaloobayna haddii xuruufta
afka Soomaaliga lagu qoro farta Latin-ka mana aqbalayno waana laga
noqday soo jeedintii.
Haddaba
tolow imisa qof baa gaaloobay 1972-gii markii Af Soomaaliga lagu qoray
farta latin-ka, imisa se aqoon yahan oo waddamada gaalada wax ku soo
bartay ayaa soo noqday iyaga oo gaalo ah? Waxa la yaab leh ninka ku
eedaysan ceebaynta been abuurka ah ee wax kasta oo xun ba ka sheegay
Abaarso School si uu magaca caan baxay iyo sumcadda wanaagsan uga dilo,
muu arag School-ku meesha uu ku yaallo, xattaa ma sheegi karo jihada uu
Hargeysa ka xigo.
Isaga
iyo kuwa anshax xumada ku taageera haddii la waydiiyo in ay caddaymo u
hayaan aflagaadada iyo meel ka dhaca intaa leeg waxay si fudud kuugu
jawaabayaan maya laakiin, dadkuba way lahaayeen. Runtii anigu u malayn
maayo qof maskaxda ka fayow oo caafimaad qaba in uu sidaa badheedhka ah u
gali karo dambi sidaa u culus.
Haddaba
War Moogow Abaarso School wuxuu leeyahay Masaajid weyn oo 130-150 Arday
ku tukan karaan, waxa jooga macallin School-ka ka dhiga tarbiyadda
Diinta Islaamka, galinka dambena si ‘private’ ah ardayda Qur’aanka ugu
dhiga; waxa jira arday Qur’aanka ku xafiday muddadii ay Abaarso ku
jireen.
School-ku
wuxuu leeyahay guddi sare oo ka kooban waalidiinta ardayda oo si dhaw
ula socda xaaladda School-ka. Waxa iyaguna jira guddi hoosaad
waalidiinta ka mid ah oo u xilsaaran dhiiri gelinta barashada Diinta iyo
Xifdiga Qur’aanka.
Gabo-gabo: inkasta oo laga war hayo qiimaha Abaarso School haddana madaxda Qaranka
kama helin dhiiri gelintii, taageeradii, iyo hiilkii uu uga baahna hase
yeeshee caano daatay ba dabadood la qabay: madaxda dalka waxa aan u soo
jeedinaya in ay si mug iyo miisaan leh uga qayb galaan xuska sanad
guurada 10-aad ee dugsiga oo ku beegan 10-07-2019 si ardayda iyo
macallimiintu u dareemaan in xukuumaddu barbar taaggan tahay.
Dhammaad
Waxa Qaray Cabdiraxmaan Cadami
No comments:
Post a Comment