- Waxa
hore loo yidhi” Taariikhdu iyada ayaa dib isu soo celisa”, taasi maanta si cad
ayey u muuqataa. Haddii ay SNM ka adkaaty Faqash-ta muddo haatan laga joogo 31
sanno (1988-2019), waxa mar kale bilaabmay dagaal Siyaasadeed oo weji cusub leh
oo ay soo qaaday dhashii Faqash-tu. Haddii uu dagaal xabbad ahi muddo sagaal
sannadood ah uu dhexmarayey taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Afweyne iyo xoogagii
xaq-u-dirirka ahaa ee SNM, maanta isla dagaalkaasi oo weji dublamaasiyadeed leh
ayaa ka dhexqarxay SNM uu madaxweyne Muuse Biixi ka wakiil yahay iyo taliskii
Afweyne oo uu Farmaajo ka wakiil yahay.
Dagaalkan dublamaasiyada ee ay soo
qaaday dawladda Farmaajo wuxuu ka duulayaa halku dhig ah "Waxaad burburiseen dawladdii
adeerkay”. Waxa se ay maanta dhaadan yihiin in Soomaalilaan ay wada
ilaashanayaan beelihii wada degayey. Waxa aynu qormadan guud mar ku sameyn
doonaa inta dagaal ee ay taariikhaha qorni diiwaangeliyeen ee ay xoogagii SNM
adhaxda kaga jebiyeen taliskii Maxamed Siyaad. Waxa se la tabayaa kaalintii USC
ay dagaalka dublamaasiyadeed kaga jirto.
Dagaalladii Xabbada ee Dhexmaray SNM
iyo Faqash-ta:
=Sannadkii
1982 waxa ay dagaallo goosgoos ahi xuduudda ku dhexmari jireen ciidamadii SNM,
kuwii aasaaskoodu bilaaby wakhtigaasi.
=
Sannadkii 1983 ayey dagaalyahanno ka tirsan SNM fuliyeen hawlgal si fiican
looga soo shaqeeyey, waxa aanay jeelka Mandheera ka jebiyeen maxaabiis tiro
badan. Jeelka Mandheera waxa si weyn gaadh uga hayey ciidan xoogan, waxa aanay
anfariir ku noqotay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad.
=
Hawgalkii miiska Saraakiisha April 1983: dagaalyahanno ka tirsan SNM ayaa si la
yaab leh hawgal uga fuliyey xaruntii miiska saraakiisha ee Hargaysa. Waxa aanay
hawgalkaasi kula baxeen Kornayl C/laahi Askar ‘AHN’ oo maxbuus ahaan ay
goobtasi ugu xidheen ciidankii MSBarre.
=
Sannadkii 1983 illaa 1987 ciidamadii SNM waxa ay dagaallo toos ah ku qaadi
jireen ciidamadii Maxamed Siyaad ee fadhiyey xuduudaha Soomaalilaan-ta maanta
iyo Itoobiya.
=
Dagaalkii Buuraha ee 1984: Ciidamadii SNM ayaa hawgal ay ku tijaabinayaan
cududooda ciidan ku galay dhawr goobood oo ka tirsan gudaha Soomaalilaan-ta
maanta. Ciidanka waxa loo qaybiyey afar aagga oo ay ka dagaalamaan oo kala
ahaa, - Galbeed, Aagga dhexe, Gubad daalaco, Buuraha Sheekh iyo buurdhaab iyo
Saraar. Ciidamadaasi waxa ay mitidnimo tuseen askartii Maxamed Siyaad, waxaana dhexmaray dagaal qadhaadh.
=
Xasuuqii saraakiishii Nabadsugida gobolladda waqooyi: Sannadkii 1986
dabayaaqadiisii ayey dagaalyahanno ka tirsan SNM fuliyeen hawlgal cajiib ahaa
oo ka yaabiyey dawladii Maxamed Siyaad. Waxa Hargaysa badhtankeeda goor habeen
ah lagu xasuuqay madaxii sirdoonka gobollada Waqooyi oo la odhan jiray Axmed
Aadan, ku xigeenkiisii Ilyaas iyo madaxii sirdoonka degmada Hargaysa oo la
odhan jiray Degmo Laqas. Dhammaan ragaasi waxa lagu khaarajiyey hawgal mucjiso
ahaa.
=
Dagaalladii gudogalka ee 1988: Guutooyinkii ka tirsanaa ciidamadii SNM ayaa
weeraro qorshaysan ku soo qaaday magaallooyink waaeyne ee Soomaalilaan-ta
maanta. Burco ayey weerar ku qaadeen 27/5/1988 waanay qabsadeen, Hargaysa ayey
weerar la mid ah ku soo galeen 31/5/1988, waxaanu dagaal faraha lagaga gubtay
dhexmaray ciidankii Maxamed Siyaad iyo xoogagii SNM ee mitidiinta ahaa.
Dhammaan dagaaladaasi waxa lagu gumaaday guutooyinkii xoogga weyna ee Maxamed
Siyaad Barre. Halgamayaashii SNM waxa ay gacanta ku dhigeen Soomaalilaan-ta
maanta horraantii sannadkii 1991
F.G= SNM waxa ay la dagaalamaysay
taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad muddo dhan 9 sannadood. 1982
illaa 1991. Xaqiiqo ahaan marka la dhugto taxanaha sooyaalka cida rasmiga ah ee
jabisay taliskii macangaga ahaa waa jabhadii SNM.
Dhammaan
dagaaladaasi waa lagu kala baxay oo waxa ay guushu raacday xoogagii SNM ee
xaq-u-dirirka ahaa, waxaana si xarago leh looga adkaaday taliskii Maxamed
Siyaad iyo kuwii garabka siinaayey.
Dagaalka Dublamaasiyadeed ee socda.
Laga
soo bilaabo intii uu xilka qabtay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa
saraakiishii sarsare ee ururkii SNM, sidoo kale uu madaxweyne ka ahaa Farmaajo
Soomaaliya. Waxa uu Farmaajo arkay fursada aqoonsi ee ay haysato dawladiisu iyo
Soomaalilaan oo aan aqoonsi haysan, waxaanu is-tusay fursada halkaa ku jirta ee
ah inuu dib u soo nooleeyo dagaalkii u dhexeeyey SNM iyo Faqash-ta. Wuxuu soo
goconayaa burburkii ay SNM u geystay dawladii adeerkii Afweyne, waxaanu
dagaalkan dublamaasiyadeed u soo qaaday aargoosi ahaan. Waxa aynu halkan ku soo ururin doonaa ilaa
hadda dagaallada dublamaasiyadeed ee uu qaaday Farmaajo oo Afweyne ka wakiil ah
iyo jawaabta ay ka bixisay dawladda Muuse Biixi oo ka wakiil ah SNM.
=
Joojinta wadahadalladii Soomaalilaand iyo Soomaaliya: Farmaajo wuxuu si
xeeladaysan u joojiyey wadahadallo u hore ugu socday Soomaalilaan iyo Soomaaliya
oo ay soo bilaabmeen madaxweyneyaashii isaga ka horreeyey iyo kuwii
Soomaalilaan ee wakhtigaasi. Ilaa hadda muu qabsoom xittaa hal kulan oo
dhexmaray Soomaalilaan iyo Soomaaliya intii uu joogay Farmaajo.
=
Joojintii mucaawimada (Special Arrangement): Waraaq ku taariikhaysanayd
9/6/2018 oo ka soo baxday xafiiska wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal M.
Xasan oo uu ku socdiiyey qaadhaan-bixiyeyaasha ayuu si cad ugu qeexay in ay ka
soo horjeedaan mucaawimada ay dawladahaasi toos u siiyaan Soomaalilaan. Wuxuu
waraaqdiisa ku sheegay in Soomaalilaan ay tahay qayb ka mid ah
maamul-goboleedyada Soomaaliya oo wixii la siinaayo iyagu ay maamulaan.
=
Waraaqdii cabashada ahayd: Madaxweyne Muuse Biixi waa kii safar ku tegay dalka
Imaaraadka Carabta ee sida meeqaamka sare ah loo soo dhaweeyey. Ka dib dawladda
Farmaajo ayaa waraaq cabasho ah u gudbisay qaramada midoobay, oo ay ku
sheegayso in Imaaraadku uu faragelin ku hayo waxa ay ugu yeedheen gudahooda.
=
Dalbashadii Dhoofinta Xoolaha: Dhawaan ayuu wasiirka xannaanada xoolaha
Soomaaliya shir jaraa’id ku sheegay in boqortooyada Sucuudigu ay dhoofinta
xoolaha iyaga ogolaansho u siisay in la soo marayo oo ogolaansho laga soo
qaato.
=
Xidhiidh u Jaristii dalk Gini: Waa arrin ka dhalatay booqashadii uu madaxweyne
Biixi ku tegay dalka Gini ee sida la yaab leh loogu soo dhaweeyey.
=
Kulankii safiirada Soomaaliya adduunka u joogay: Waxa la yidhi " Meyd waxa u
dambeeyey kaa la sii sido”. Dagaallada dublamaasiyadeed waxa ugu dambeeyey
kulan ay si wad jir ah ula yeeshee safiirada Soomaaliya adduunka u kala fadhiya
Farmaajo iyo wasiirkii arrimaha dibada Cawad. Waxa ay fareen safiirada oo u
badan beesha Farmaajo inay ka dagaalamaan ololaha xoogan ee Soomaalilaan u
qaaday inay caalamka kaga raadsato ictiraaf. Safiir kastaana uu shaqadiisa ka
soo dhalaalo.
=
Shirkii Wakiillada Muqdisho: Farmaajo iyo wasiirka arrimaha dibada ayaa ugu
dambayntii kulan la qaatay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Muqdisho,
waxanay uga cawdeen inay kala shaqeeyeen sidii dalalka dunidu aanay arrinta Soomaalilaan
u taageerin.
Dhammaan
toddobo dagaal siyaasadeed lama hayo mid guulaystay, intooda badan madaxda
Soomaalilaan way ka daba-tageen oo qaarkood way fashiliyeen, kuwa kalena way ku
dhex jiraan. Waxa se ay su’aashu fadhidaa ma u suurtageli doontaa in dagaalka
dublamaasiyadeed ee bilaabmay Soomaalilaan laga gacan sarreyn doono, mise sidii
Fashaq-ta lagu yaqaanay ayaa afka ciida loo dari doonaa?
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
No comments:
Post a Comment