Dadku wax kuma wada Qoslo, wax kuma wada ooyo, dareenkoodana wax isku mid ahi ma wada kiciyo, inkasta oo ay jiraan waxyaalo badan oo laga siman yahay hadana siyaalaaha/qaababka kala duwan ee loo kala nool yahay ayaa saamaayn wayn ku yeesha kala duwanaanta dareenka dadka. Bal ila dhuux oo ila dhadhanso waxyaalaha u gaarka ah ee ay aadka ugu Qoslaan dadka Qodaalka ah ee reer Somaliland.
Bal dhadhanso! Suugaantan mucda leh,-
A- Gabadh hayaan ah oo soo degtay soona ceel fadhisatay Riiga/ Ceelka ku yaal magaalada Geed-balaadh, xili abaari Gayiga kale ee Somaliland badankiisa ragaadisay, hayeeshee uu dhulka qodaalka ahi aad u wanaagsanaa oo biyo iyo baadba buuxeen, dadka iyo duunyada ku dhaqanina aad u qurux badnaayeen. Ayaa ay gabadhu la ashqaraartay quruxda wiilasha Barbaarka iyo Doobabka ah ee Qodaalada jooga iyo weliba xoolahooda gashiga iyo aawanidaba leh siiba, Awrta qodaalka ku dhaqan ee Kuruska la kici wayday Jiilaal cadaadiga. iyada oo hadaba gabadhu tirtirsiyaysa oo hoosna wax labadaba (wiilasha iyo awrta) ugu sheegaysa oo leh, magaciin ba' ye meesha ka kaca oo quruxdiinan wax ku qabsada, ayaa waxay Gole lagu ciyaarayay oo ay ka booday ka tidhi, erayada dhaxal galka ah,-
Awrta Qaranka loo dhigo
iyo Inamada Qodaalada
Midna quruxi kuma yara
Wax-se ku qabsan maayaan.
B- Mar hadaad beer qodayso oo aad joogto Qodaalada Somaliland, ee beerahoodu cirka uun ku baxaan, jeclidaa inaad adigu daruurta laftarkeedaba gacantaada ku hayso, oo aad Ibaheeda furto markay beertu yara oonto ee ay biyo u baahatoba, hadii kalese xaalku waa Halis.
Bal u fiirso! abwaankii waynaa ee Dalal Buux Cigaal(boodhlay,gabiiley), sida far-shaxanimada yaabka ah leh, ee isaga oo muujinaya baahida ay beertiisu u qabtay biyo iyo Itaal daradiisa inoogu dhigay.
Cirka meel dushaada ah ilayn
dooxis lama gaadhid.
Oo looma Doog-dhabo Hadhuudh
Roob aan kugu daadan
- Bal tan hosena ila eeg!
C- Abwaankii waynaa ee Xasan Caloolaad ayaa arkay isaga oo Jaad meel ku iibinaya goor galab ah, Gabadh si fiican u laafyonaysa oo Jaadlayaashii iyo dadki kaleba indhaha la wada raaceen, markaasuu yidhi isaga oo muujinaya inuu jeclaan lahaa inuu calfado Quruxdaa, balse uu u baahan yahay in uu marka hore wax hubiyo, erayadan qiimaha leh,-
Hadaan "Dooni-shaxar-kii ku dhicin
Dumarka laynaayay
Diintaan ku dhaaartee yartaa
waan isku dayi lahaa.
D- Nin Oday ah oo xaaskiisa kula dardaarmayay inay yaryarayso Hadhuudhka, oo ay in ku filan uun kariso, isaga oo weliba xasusinayay Abaarti iyo wax la-aantii ay soo mareen, ayaa dhegta u saaray oo yidhi,-
Waxii ina gaadhay waad garane
Galaan iyo Daasad uun kari
E- Doob isku tuntay oo Qodaal-nimadiisa ku dhaadanaya, shegayana inuu yahay nin indheer garada, oo aan isagu cidna u joojinayn, muujinayana noloshiisaa macaan, madasha waa kii kaga booday erayadan culus,-
Dhashaaqo nin cunay ma dhaayo yaree
Markaan dhergo Dhiisi baan ahayee
F- Nin Qodaal ah oo isna u bogay qaabka uu u nool yahay, welibana dadka kale aan ka xaasidayn ama aan ka qarsanayn waxan uu haysto ee ugu yeedhaya ayaa ku tiraabay,-
Garaw iyo Xasiid baan hafnaa
Goor iyo ayaane
Aalo gooray baan hadhkii
xubinta goonaaye
Galadiyo kaalaya Nimcada
nagula Goowsaasa
G- Qofku waxa uu ku nool yahay inuu dhadhansado weeyi, oo haduu u bogo ku lexejecloodo, hadii uu saluugana waxii kale ee la gudboon yeelo, hadaba nin Qodaala oo qiimaha beertiisu leedahay muujinaya, ayaa si fiican ugu saafay dadkiisa oo yidhi sidan,-
Beertaadoo baaday(aan bixin) Baadhashadedaa
Boqol jeer ka roon Bahdaa Gacanteed
H- Hadaad beer qodisteed soo hadal qaado waxa markaaba maskaxdaada ku soo dhcaysa, Qalabka lagu qodo oo ay hada calanka u sido Cagaf-cagaftu, beryihii hore waxa ugu mudan ee loo miciinsadaa dhul qodista waxay qajeel ahaayeen Dibida, oo aad gabayo iyo heesaba loogu maashayn jiray, bal hadaba ila eeg nin isagu Cagaf uu nin ay Xigto yihiin iibsaday qiimaheeda ku dhaadanaya, waxa uu Madal sacabku is qabsaday kaga booday,-
Cagaf- tuu Cabdi-dheere iibsaday iyo
Cadareey Cay-la Kooshin baan nahayeey
I- Xiliga dayrta ah ayaa si ka duwan xiliyada kale ugu suntan dadka Qodaalka ah, Dayrtu waa Marka ay beeruhu soo go, aan, ee hawshii iyo dhibtii gu-ga la galay dheefteeda la bilaabo in la maalo, waa marka ay Dobka iyo Gashaantida Qodaalka ahi ku kulmaan Gegada ciyaaraha, waa marka Raga raga ahi badka soo dhigaan waxay isla hayaan, Waxa uu yidhi isaga oo hablihii u sheegaya ninkan la hadlayaa in uu Inan-rag ka soo mudhay.-
Bisha Maasiyaad baan shinida
Magane tuuraaye
Ma miigeeyee Cawl-baan meeraraa
Milay dharaareede
Miraalaha habeenaad markuu arlada
Daad ku mulacyeeyo
Een Madaxa Amadkaan ka tumay
Miiso Bohoshayda
In Madasha anuun lay maraa
Waa midh soo baxaye
J- Nin kastaaba si buu quruxda Dumarka u tilmaamaa, weliba dhaqankeena xoolaha, dhirta, shimbiraha iwm ayaan ka maqnaan jirin in lagu sifeeyo quruxda hablaha, ninka qodaalka ahi meel kale ayuu isna ka fad kudiyay oo Dalaga beertiisa ka baxa ayaa uu ku tilmaansadaa quruxda dumarka, isaga oo afkii iyo erayadii qodaalka adeegsanaya ayaa uu yidhi, Gabadhu sidan ha ahaaato,-
Marka hore Shinideedu ha fiicnaato
Marka xigana Qardo ha ka biqisho
Marka xigona ha ka dalganaato Naxliga, Haramaha iwm
Marka xigana biyo ku bax Laqan u dhashay oo xubnaheedu kala yaalaan ha ahaato
Marka xigana Qadar-jabka ha laga ilaaliyo
Marka xigona Doonishaxar- ka iyo intii dulin ah ha laga hiro
Marka xiga Udgoonka Xasiida ha lahaato
Marka xiga hadalkeedu sida Aalaha ha u macaanaado
Marka xiga Talaabadeeda hala moodo Hadhuudhdka oo laasin ah oo laydha ku xadraynaya
Intaa haday gabadhi yeelato , markay bislaato ninkii Calfada ayaa Cawaale ah, waxaban is idhi
Heestii Cabdi-qayse ee jawaabta u ahayd heesta Baladweyn ee Hadraawi, Banka gabadh dhex joogta iyo beeraha Waajaale, ma ilowday Boorame, malaha gabadha ninka qodaalka ahi sheegay buu Cabdi-qays soo arkay !!!
K- Gabgabadii maqaalkan yaree gaaban aan idinku xasusiyo, eraydii Guunka ahaa, ee uu tiriyay nin kale oo isna qodaal ahaa, oo dadku inta badan wada maqlay,-
Anoo Aale Gooray soo cunay
Ka dig dheh Dubadiina ii taal
Qarkaana qar dheh, sidaa iyo Dhamaad.
Hataatu hanaatu, Arligeenu ha noqdo.
F,G dhulka ha laga shaqaysto, shidaalka noloshu waxa uu ku jiraa Qodaalka
Ha jirto Somaliland oo ha Joogto.
W/q Cali Cumar Xasan
W/q Cali Cumar Xasan
No comments:
Post a Comment