.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, May 11, 2011

Sweden: Macdanta Somaliland Oo Markii U Horraysay Lagu soo Bandhigay Carwo Caalami Ah Oo Lagu Qabtay Dalka Sweden


'' Noocyada Macdanta Somaliland Oo La Jaad Noqday Macdanta qaaliga ah ee Musambique ''

Sweden: Carwaddii u horraysay ee lagu soo bandhigo noocyada macdanta Somaliland, ayaa Sabtidii todobaadkan lagu qabtay Magaalada Varnamo ee gobolka Jonkooing ee koonfurta dalka Sweden, waxaana khubaradii caalamiga ahayd ee ka soo qeyb gashay ay ka Marag kaceen in macdanta Somaliland ay tahay mid qaaliya oo badankeedu gabaabsi ku sii ah adduunka.

Carwadan waxa soo qaban qaabisay khubaro ajanabi ah oo kaashanayay Ururka Macdanaha Somaliland ee (Somaliland gemstone Center) , waxaana ka soo qeyb galay 1500 oo qof, waxaana lagu soo marti qaaday dad ka kala yimid wadamo badan oo yurub ah oo ay ka mid ahaayeen Dalalka Jarmalka, Sweden, Demark, Finland iyo wadamo kale, waxaanna madashii bandhiga carwadaasi goob joog ka ahaa khuburro badan oo aqoon u leh macdanaha iyo Dahableyaal badan oo caalamiya (Jewelry Stores).

Waxa madashaasi ka hadlay oo tafaasiil ka bixiyay noocyada macdanta kala duwan iyo khayraadka dihin ee Somaliland ILAAHAY ku manaystay Guddoomiyaha Xarunta Somaliland gemstone Center, Cali Xasan Xoorre, Madaxa Ururkaas u qaabilsan suuqgeynta Mubaarig Daa’uud Ismaaciil iyo wakiilka Ururka u qaabilsan arrimaha carwooyinka ee wadamada Faransiiska iyo Biljam.

Goobta lagu qabtay carwadan waxa lagu nashqadeeyay calanka Somaliland oo meel kasta gudaha hoolka iyo dibadiisaba ka babanayay waxaana masuuliyiintaasi ay marti sharaftii warbixin ka siiyeen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland iyo horumarka ka tisqaaday wadanka. Waxaanay sheegeen inay Somaliland u dabaal degayso sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida qaranimadooda.

Masuuliyiintaasi waxay u mahad celiyeen khubaro ajanabi ah oo ay wada jir u soo agaasimeen carwadan waxaana ka mid ahaa Mr Hasse Carlbom, oo kaalin weyn ku lahaa isku dubo ridka madashan, MR Linton walllia, oo qaabilsan qodista macdanaha iyo Mr BENGT KARLISON, oo La Taliye dhinaca suuq geynta u ah ururkan.

Waxa kale oo ay u mahad naqeen Khdat Mohamee Dahiirr iyo xubnaha jaaliyada Somaliland ee wadanka Sweden

Khurbaradii iyo dadkii ka soo qey galay carwadaasi waxay sheegeen inay aad ula yaabeen macdanta Somaliland oo ay ku sifeeyeen mid naadir ku ah caalamka oo layaab leh, waxaanay intaasi ku dareen inay isku sansaan yihiin macdanta dalka Musambique.


Cumar Maxamed Faarax
Xigasho Somaliland.org

No comments: