.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, June 6, 2011

“Somaliland ma Leedahay Qorshe Shidaal oo ku Dhisan Aragti Fog”


Hargaysa:  Eng. Yuusuf Sheekh Muuse oo ka mid ah aqoonyahanadda reer Somaliland ee ku xeel dheer arimaha la xidhiidha shidaalka ayaa isagu ka waramay dariiqooyinka sharci ee loo maro arimaha ku saabsan ganacsiga shidaalka iyo qaabka loola heshiiyo shirkaddaha ku shaqadda leh. Waxaanu sidaas ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey xarunta wargeyska Haatuf, isaga oo dhamaystirana u dhignaa sidan:-

“Sida la wada ogyahay Somaliland ma laha haba yaraatee siyaasad shidaal oo qoto dheer oo qaran. Si gaar ahaana shidaalku caalamka waa badeecad daruuri iyo muhiimba ah (strategic commodity) oo marka la kala iibsanayo ay weheliyaan ama ay ku ladhan yihiin xasaasiyado iyo xiisadu badan (sida hubka oo kale). Ganacsiga shidaalku maaha sida bariiska oo kale oo ay fududtahay in cid walba shirkadaha shidaalku ay ka iibinayaan. Shidaalku waxa uu la xidhiidhaa nabadgalyada qaranka wadan walba oo jira aduunka.

Qiimaha shidaalkuna aduunka kor ayuu u sii kacayaa. Shidaalka sifaysan ee aynu isticmaalno suuqa bariga dhexe aad iyo aad ayuu uga yaraanayaa, sababta oo ah waxa aad u yar warshadaha shidaalka sifeeya ee gobolka ku yaala oo wax soosaarkoodu ku filanyahay baahida gobolka.

Maamulka Somaliland waxa ku waajiba inuu fahmo in wadanku u baahanyahay qorshe shidaal oo tafatiran oo ku saleesan aragti fog oo qoto dheer si loo helo dhinac kale oo lagu kalsoonyahay oo si joogta ah u daboola baahida shidaalk ee wadankeena, sababta oo ah shidaalku waa waxyaalaha daruuriga ah ee xidhiidhka laleh amaanka qaranka.

Siyaasada qaranka ee shidaalku waa in lagu saleeyaa:

1. Xadiga shidaalka aynu imika iyo mustaqbalka dhaw iyo ka fogba aynu u baahannahay.

2. Shirkadaha shidaalka ee shisheeye ee shidaalka laga soo iibsan karo.

3. Cida ka mas'uul ah kaydka shidaalka qaranka iyo xadiga loo baahanyahay.

4. Cida ka mas'uul ah ilaalinta tayada, qarada iyo sicirka shidaalka la keenayo.

5. Cida ka mas'uul ah ilaalinta iyo dayactirka haamaha shidaalka iyo wixii la xidhiidha.

6. Iyo wixii kale.

Sida aynu wada fahamsanahay Somaliland ma laha shirkado wadani ah oo khibrad farsamo u leh ganacsida shidaalka. Sidaa darteed waa gaf weyn hadii rukhsada shidaalka la siiyo cid walba oo ganacsade shidaal sheegta.

Maamulka Somaliland marka la fiiriyo xilka wadanka uu u qaaday waxa ku waajiba ah inuu ilaaliyo maslaxadda wadanka oo uu dibadda ka raadiyo shirkad ka mid ah shirkadaha shildaal aduunka ka ganacsada oo kibrad dheer u leh shidaalka oo ay heshiish ganacsi la gasho sidii shidaal wadanka loo keeni lahaa. Waxa kale oo haboon dawladda Somaliland inay abuurto shirkad shidaalka keenta oo wadani ah oo madaxbanaan oo dawladda Somaliland iyo ganacsatada Somaliland shuraaku ku yihiin oo loo xilsaaro fulinta qorshaha shidaalka ee qaranka.

Shirkaddaasi waxay tahay farsamada kaliya ee maamulku ku ilaalin karo waajibka wadanka iyo xuquuqda dadweynaha ka saaran isla markaana fursad siinaya ganacsadata Somaliland inay wadanka maalgashadaan. Dawladda somaliland waxay noqonasaa qabta iska leh haamaha shidaalka iyo wixii la xidhiidha isla markaana bixinaya damaanadda rasmiga ah ee shirkadaha shidaalka ee shisheeye ay rabaan.

Ganacsatada Somaliland waxa ay noqonayaa qabta lacagta leh ee maalgashiga ku sameenasa shirkadda la abuurayo. Shirkaddu waxay noqonasa cida kaliya ee wadanka shidaalka keenasa si toosana heshiish ula galasa dhinaca kale oo ah shirkad ka mid ah shirkadaha caalamiga ah ee leh khibrad farsamo ee shidaalka ka ganacsada.  Farsamadaasi waa sida kaliya ee maamulku ku ilaalin karo waajibka wadanka iyo xuquuqda dadweynaha isla markaana fursad siinayo ganacsadata Somaliland siiba kuwa kobcaya si ay ila dhaqaale ay u helaan.

Sida la wada ogyahay ummaduhu Sooyaalkooda iyo taariikhaha ay soo mareen, farxad iyo murugo midkay doontaba ha ahaatee, waxay ku calaamadiyaan ama ay ku kaydiyaan maalmahii ay dhaceen oo taariikhda ka tilmaamaan si loo xasuusto oo aan loo ilaawin dadka da'da yarna garaadkooga lagu xardho. Shacab walba waxa lagu qiimeeyaa sida ay u qadariyaan madaxdoodii iyo geesiyadoodii abaalka ku lahaa ee geeriyowday.

Bishan May 3dii oo aynu soo dhaafnay waxay ahayd sagaal sano ka hor maalintii uu geeriyowday Alla ha u naxareestee M/weynihii hore MAXAMED XAJI IBRAHIM CIGAL. Cigal waxa uu ahaa RAISU-WASARE hii u horayey ee Somaliland markii xornimada ay qaadatay 1960 taasoo ahayd dawladdii somaliyeed ee ugu horaysay ee xorta noqota aduunka. Inkasta oo taariikhda marxuumka la koobikarin siyaasadihii xukumkiisiina aynaan heshiish ku ahayn , hase ahaatee Cigal waxa uu ahaa nin taariikh iyo saamayn qoto dheer ku lahaa jiritaanka somaliland iyo nolasha dadka ku nool.

Waxa uu ahaa ninkii jiritaanka somaliland aasaaska u dhigay mana garankaro somaliland waxa ay ku dambeen lahayd hadii aanu dalka kusoo laaban oo aanu xalin mashaakilkii baaxada weynaa ee somalilland soo waajahay markii wadanka aynu ku soo noqonay 1991 kadib markii aynu ka qaxnay.

Cigal waxa uu mudanyahay in xasuus weyn loo sameeyo sanad walba maalintii uu geeriyowday si heer qaran iyo heer shacab ah. Maaha aadanaha xaqa kugu leh in la qadariyo ama la maamuuso marka uu noolyahay la iska ilaawana marka uu dhinto. Waxa ay tahay in Cigal loo sameeyo xasuus ku haboon sanad-guurada geeridiisii sanad walba si rasmi ah. Cigal ma ahayn nin reer ka dhintay ee waxa ahaa nin qaran ka dhintay. Waa fadeexad iyo gaf hadii aynan qadarin dadkii abaalka inagu lahaa ee geeriyooday.

Xasuusta iyo qadarinta hormoodkii qarankan ka dhintay waxa ay dardar galin u tahay kuwa maanta nool ee xilka haya si ay dalka iyo dadkaba wax ugu qabtaan”.


Xigasho: Haatuf

No comments: