.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, July 30, 2011

Dhankaad eegtaba ishaa ku doogsanaysa!


Bartilmaameed kasta oo qoraal leeyahay, waxaa duluc u ah ama nuxur u ah, waxa uu qofkaasi aaminsahay oo uu ku gudbinayo qoraalkaas. Anniga waxaa halbeegsigaygu yahay in aan fariintayda aragtiyeed gundhig uga dhigo waxqabadka xukuumada Somaliland oo aan ku qanacsanahay in ay tahay wax jira oo dhab ah. Waxaan qabbaa in xukuumada Somaliland ay fulisay mudadii koobanayd wax badan oo muuqda. Maxaan ku sababeeyey?

Marka aynu qiimaynayno xukuumada maanta Somaliland ka jirta ee xisbiga talada haya ee Kulmiye ee gadh-wadeenka uu ka yahay Xaaji Axmed Siilaanyo, waxaan qabbaa in aynu sadex masalo ku eegno;

- Halkaynu shalay joognay.
- Maxaa maanta qabsoomay.
- Maxaynu hiigsanaynaa oo aan weli la gaadhin. 

Halkaynu shalay joognay

Dhacdada noloshu waa unkaha taariikhda, waxa ay qayb ka noqotaa jaangooynta taariikheed ee is daba ooli doona, markaas in shalay aynu wax qabsanay oo weliba nabada oo shacbigu hormuud ka yahay aynu qabsanay, waa markhaati ma doon. In aynu unugnay innaga oo ah shacabka iyo hormuudkii xukuumaduba nidaam dimoqraadiyadeed waa mid jirta. Waxaase aan la is waydiinayn in dhinaca waxqabadka iyo dib u dhiska dadka dayac badan ka muuqday. In hantidii ummada lagu takri fali jiray oo aan tudhaale jirin. Midaasi waa taariikh is qortay, taariikhduse ma waydo in si kala geddisan loo turjumo. Waxaase midhaas u dhaafaynaa ummada iyo halka ay ku uruuriso gunaanadka taariikhdaas.

Maxaa maanta qabsoomay

Weli waa curdin xukuumada Somaliland ee Siilaanyo oo waxqabadkeedii iyo himilooyinkii ay hiigsanaysay iyo buqshadii ay codka innagaga heshay ee aynu taageerada ku siinay, intuba hirgelintoodii, ma soo afjarmin. Waayo sanado badan ayaa u hadhay, arrinkaasi wuxuu ina tusayaa in weli aanay is qorin taariikhda ay ka tegi lahayd xukuumada Siilaanyo weli.

Midbaase hubaal ah, in wax badan qabsoomeen ayaa hubaal ah, ha ahaato kordhinta mushahaaraadka, ha ahaato kobcinta dhaqaalaha dalka, ha ahaato dhismaha wadooyinka yo biriijyada. Waxaa intaas dheer wax ka qabashadii bedelaada lacagta Giinbaarka ahayd ee Togdheer. Sidoo kale ma illaawi karno dhismayaasha loo dhisay gollayaasha qaran, wasaaradaha iyo xarumaha agoomaha danyarta ah ee qabyo beelay. Ku darsoo biyo gelinta, abuurista wax soo saarka beeraha, sida Bariiska iyo raashinka kale, intuba waa jiraan oo hubaal ah.

Kolay Insaan ayaynu nahay oo ilowshiinyo la innagama waayee, waxaad ku dartaa waxbarashada oo tayowday, Iskoolarshiibyo ayaa la helay, hankii dadkeena ayaa kor u kacay, aqoontii oo lagu baratamay ayaa meel walba taala. Nabadii ayaa noqotay mid gogosheedii taalo, mid geeddigeeda iyo helistii ay ka hirgeli lahayd meel walba aan marnaba laga nasan. Wax ka bedel ayaa lagu sameeyey cadaalada iyo garsoorka, iska daayo wasaaradii diinta ayaa orodkeedii, fadalka ay dhigayso, isku soo dhawaynta culimada iyo ladagaalanka fusuqu yahay mid aan hore loo arag. Dhankaad eegtaba ishaa ku doogsanaysa.

Xidhiidhka caalamiga ah ee xukuumadani la samaysay gollayaasha caalamka, kalsoonida ay ka kasbatay bulshada caalamka, taageerada ay ka heshay aduunka, wufuuda iska soo daba-dhacaya, intuba waa sansaan wanaagsan, odhan maayo waa ictiraaf, waxaanse leeyahay ictiraafku kama duwana tubta toosan oo la qaado. Ma soo koobi karayno waxqabadka qabsoomay, waxaan nin aqoonyahan ah oo Soomaaliyeed oo aan la sheekaystay ii sheegay, kalsoonida shacabku u qaado hoggaankooda ayaa ka hormuud noqota wax qabadka, waana midhaas midda aanu annagu haddaanu nahay reer koonfur waynay ama Somaliya.

Waaxaa markhaati ma doona in sanad wax weyn qabsoomeen. Waa aragtidayda iyo inta illa wadaagta, waase la iga aragti duwanaan karaa. Waxaanse annigu ku soo koobayaa intaas waxqabadka aan xusuusnahay, illaahna ha inoo siyaadiyo.

Maxaynu hiigsanaynaa oo aan weli la gaadhin.

Waxa hubaal ah in hiigsigeenu yahay, waxkastoo bulsho yeelato, in hiigsigeenu yahay, helista xuquuqdeena bulsho, in aynu helno ka mid noqoshada bulshada caalamka. Hoggaanka ama hoggaan kasta oo la doorto, middaas ayaynu kula balamaynaa, inta laga gaadhayo. Bulsho geesta kasta ka qabyo beeshay. Macluumaadka qabyada bulshada ee dhinacyada kala duwan ee u baahan in wax laga qabto, waa mid aan u baahnayn fasiraad iyo sharax, waxaase loo baahan yahay in loo wada hawlgalo, laguna barbar istaago xukuumada waxqabadka iyo himilooyinka aynu u igmanay. Iyagana waa in ay hawsha waxba ka hagran.

Gunaanad

Intaas oo dhan oo jirta, waxqabadka la taaban karo oo xukuumadu ku talaabsatay, haddana waxaa lagama maarmaan ah in lahjada lagu soo bandhigayaa noqoto mid aan ahayn afmiishaarnimo iyo cabqariyad lug-goynaysa waxqabadka muuqda. Waa in ay tahay mid ay ka muuqato masuulnimo iyo halbeegsi cad oo qeexaya siyaasada wacan ee xukuumada. Wacnaan lahaydaa iyadoo hab kale loo soo bandhigo waxqabadkaas muuqda.

Kolay xilli kale ayaan tilmaami doonaa habkaas, waxaanse leeyahay halgan hirgalay dheh geeddigii isbedelka ee ay bulshadeenu u fooday.

Axmed Cali Kildhi (Liverpool/ UK)

No comments: