Dr J. Peter Pham, oo ah aqoonyahan/xeel dheere Maraykan ah, madaxna ka ah hay' ad ku taal dalka maraykanka oo kala talisa dawlada Maraykanka arimaha dhanka siyaasada dalalka Afrik iyo Carabta, oo dhawaan aqalka Cogress-ka ee dalka Maraykanka ka akhriyay, talo uu si faahfaahsan ugu saafay aayaha Somaliland iyo Somaliya. Ayaa dhawaan waraysi uu siiyay qurbajoog.com waxa uu Dr Pham ku nuuxnuuxsaday horumarka ay dadka reer Somaliland gaadheen mudadii yarayd ee ay jireen, waxa hadalkiisii ka mid ahaa oo kale, inaanay u muuqan isaga, wax mar danbe ku khasbayaa dadka reer Somaliland oo wanaag aan la qiyaasi karin samaystay, inay Soomaaliya oo dhib maahee aan wax kale ka jirin, dib ula midoowbaan.
*Dhegta maal*
xigasho qurbajoog
No comments:
Post a Comment