.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, July 20, 2011

Shir beeleedyadu waxay shaasho iyo shuush ku yihiin Shacniga qarinnimo ee Somaliland maanta lagu mildhanayo.


Horta, Waa Allah mahadii mar hadaan maanta xor nahay, oo aynu inagu meel aan ka joogno gayigeenaba, danteena iyo ta dalkeena gadhwadeen ka nahay aan cidna u daba fadhiisanayn. Hadaba, iyada oo dadka reer Somaliland labaatankii gu' ee ay Somaliland qaranka ahaydba muujiyay karti iyo dadaal dheeraad ah oo lagu majiirto, loogana sacab tumo caalamka meel kasta oo lagu soo qaado arimaha geeska Afrika iyo Dunida sedexaadba, laguna tirtirsiyo dadyawga kale ee qayrkeena ahi inay sida ay Somaliland isku maamushay ee ay keligeed iskugu tashatay kaga daydaan, oo aad iyo aad maanta Somaliland caalamku ugu han-wayn yahay, hubantina ay tahay inaanay hore u soo marin Somaliland fursad la mid ah tan ay maanta haysataa, oo ay dhab tahay inuu aqoonsigeenii si balaadhan u soo af-yeeshay! Ayaa hadana in-dhawaydba waxad yara moodaa si ay wax yihiinba, in dadka reer Somaliland qaar, ay aragti kale oo aan aayatiinkeedu wanaagsanayn dalka iyo dadka ku dhex abqaalayaan! Aragtidaasi waa maxay? Waa aragtida aan godolka badan dhiiqayn ee xaga danbe ka riixaysa, shir beeleedyo doco doco ah in dalka gabigiisa laga abaabulo!

Bal aan is waydiino-e muwaadanka reer Somaliland ee xalaasha ahoow, miyaan u baahanahay inaga oo Qaranka Somaliland haysana, oo danteena gaarka ah iyo ta guudba ka dhex arkayna, kana helayna (haba yaraato waayaha ku gadaaman dartoode) inaynu Beel dib ugu noqono? Jawaabtu laba iyo sedex iyo in ka badan toona maahee waa hal kali ah, oo waa maya. Uma baahnin beel, jilib iyo reer toona in la isku urursado, iyada oo la leeyahay waxanu ka tashanaynaa aayatiinkayaga. Hadii ay aayatiin ka-tashi dhab ah tahay waxa la abaabulayaa, oo tabashooyin guud oo garawshiiyo waayay ay jiraan, ku doono oo ku raadso xaqaaga si ay ku dheehan tahay wadaniyadi, adiga oo Qarankaagu si aanu wiiqmin u maraya daw-yada toosan, ee badan ee aan samaysanay ee ka taabo-galay dalkeena. Daw-yadaasi waa kuwee ayaa mudan in la is waydiiyo? Waa,-

1- Haday tabashadaadu tahay mid heer tuulo, degmo ama gobolba ah, marka ugu horaysaba dadka degaanka oo isku duuban oo beel kastaaba ka dhexmuuqato si wada jir ah u doonta, idinka oo xil-dhibaanada aad u soo doorateen heerarka maamul ee kala duwan ee aan soo sheegay, gartiina u naqanaya! Kuna dirqiyaya inay degaamada laga soo doortay waxii laga filayay u qabtaan. Si kastaabase badane hadii ay gudan waayaan waajibkii aad idinku u igmateen xildhibaanadaasi, si hufan oon huube lahayn xilka uga xayuubiya, oo muwaadiniin kale oo aad si xalaal ah u doorataan, kuna xulataan xirfadooda iyo xil-kasnimadooda madasha talada laga gooyo gaysta idinka oo u maraya sifo xeerka qaranka u yaalaa ogol yahay.

2- Waaba ay suurtowdaaye, hadii ay tabashadu mid heer qaran ah tahay, si xisbinimo u doono dantaada iyo aayatiinkaaga, adoo xisbigaad bido inuu kuu fooga tirayo daldalaoolkaad saluugsana tahay, xabad xaashi ah ugu deeqaya, kuna xardhaya magaca muwaadinkaad filayso inuu u qalmo jagada laga jaan-gooynayo hogaanka dalka. Taasi oo ah ta aad ku gaadhayso waxad doonayso, si kastaaba badane hadii aad ku hungowdo oo uu ku hoodo xumaysto ayaankaagii, oo uu xisbigaasi ka bixi waayo balamahaad wada gasheen, ka digo rogo aayartii dhalatay! Oo ka dooro ilaahay kuma ciilina xisbiyada kale ee midba midka kale la loolamayo. Sidaasi ku doon hore-u-marka aad habka guracan ee shir-beeleedka ah ku doonayso, waa hadii ay taasi uun tahay, Hadiise wax kale oo la hadoodilayaa jiraan oo niman siyaasiyeen isku sheegayaa, food saar ka dhiganayaan shir-beelkana waxan leeyahay, Adeeroow Qarankan Curdinka ah ha Shaashaynina!

-Bal Caalamka Shacniga iyo Ayniga qurxoon ee ay Somaliland ku leedahay halkan hoose ka yara mildho! Markaana dib iskugu noqo oo is waydii miyay gar tahay adoo qarankaa loo bogay haystaa inad shir-beeleed ku curdan dhadhisaa? Jawaabta markaad report/analysis-ka aan ku lifaaqay maqaalkan akhrido isa sii!

Waxan hoosta kuugu soo lifaaqayaa war-bixino si qoto-dheer ay dad aqoon durugsan lihi ugu lafo gureen, Bal inay Somaliland Qaran noqon karto mudan in la aqoonsado iyo in kale! Iyaga oo dhan kastaba ka rogay arintaasi oo weliba dhib iyo dheef waxa ugu jira guud ahaan caalamka gaar ahaan dadka reer Somaliland, si balaadhan u saafay. Gunaanadka iyo gabogaboda warbixinahoodaasi waxay aqoonyahanadaasi kale duwani, inooga marag kacayaan oo ay inoo qirayaan, inaynu nahay qaran buuxa oo la tirsan karo, lagu tashan karo, oo hiil iyo hooba lagu tuhmi karo.

- Aan ugu horaysiiyo nin arday ah oo magaciisa la yidhaa mr Nicholas Eubank, oo ka diyaariyay Somaliland iyo sida ay iskugu tashatay shahaada aqoonta sare ee la yidhaa PhD. Waxa uu ka qoray Somaliland warbixin uu u bixiyay magaceeda,- Taxation, Political Accountability, and Foreign Aid; oo ciifo iyo hirar doodeed ka dhalisay aduun waynaha!

Halkan hoose fur lifaaqa aan ku nuday oo ka bogo akhriska war bixintaasi:

- Dhawaan brofuseero iyo aqoonyahano badan oo kala jooga dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Koonfur-Afrika, Denmarka iyo meelo kale oo badan ayaa daraasad dheer oo ay ka sameeyeen Somaliland. iyo Ictraafi siinteeda/diidisteedu saamaynta ay ku yeelanayso reer Somaliland iyo dunida kaleba si tafaqyotiran u qoray, uguna faafiyay war-baahinta aduunka, daraasadaasi oo ay magaceeda u bixiyeen aqoonyahanadaasi, ''The Consequences of Somaliland’s International (Non) Recognition''

Waa tan daraasadii ee halkan ka daalaco:

Lama qiyaasi karo falanqaynta iyo hadal haynta Somaliland ee caalamka maalmahan iyo bilahanba ay ka dhaliyeen, daraasadahan ama warbixinaha iyio kuwa kale oo badan oo aad hada ugu jiraa war-baahintta aduunka. Taasina waxa ay ku timid, waa maamulkaa hufan ee Diimuqraadiga ah ee ay dadka reer Somaliland samaysteen. Waxa Guulaha u soo hooyday reer Somaliland ay hada marayaan, meel midho dhal ah oo ay weliba wadamada dagaaladu halakeeyeen ama dib u dhaca siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ku habsaday, furdaamis iyo taxliil in looga doono lagu taliyo !

Bal hadaba tiiyoo Somaliland ay dheg samidaa qaayaha leh ka kasbatay Caalamka oo in abaal maris looga dhigo aqoonsiagana ay dadyoow iyo dawlada badani u xusul duuban yihiin, miyaa ay qabataa qaranka Somaliland, in wax labaatan Sano ka hore uu ka soo tagay oo ka koray lagu xagal daaciyaa? Allaylehe waa maya..

Waxan hadaba ku soo gabagabaynayaa, Somaliland iyo inta caalamka ku filiqsan ee nasteexeeda ahi toona idinkama mudna inad maanta maqashiisaan qabiil, jilib, habar-habar iyo bah-bah ayaa loo shirayaa!.

Waxan leeyahay,- Reer Somalilandoow,-

Shir beeleedku wada Shara!
Waa Shuushe wada shara!
Shantii buu wadaaye Shara!
Shaydaanbaa sitee Shara!
Sharafi kuma jirtee Shara!

W/q, Cali Cumar Xasan (Somaliland ha jirto oo ha joogto weligeed)

N.B; Hadii aad rabto inad akhrido maqaalo iyo warbixino hufan oo  ku saabsan Somaliland, si qoto dheerna  u lafa guraya dallkeena iyo waayahiisa oo wada xul ah, ha moogaanin inad marmar yara hoomaydo, websiteka/blogga magaciisa la yidhaa, http://www.waayeelnews.blogspot.com/.
Oo ay ku kaydsan yihiin warbixinahan dusha iyo boqiolaal la mid ah oo kale.

No comments: