.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, July 26, 2011

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Waxqabadkeedii sadexdii bilood ee la soo dhaafay

Wax-qabadkayaga Qaran-nimo!

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta mar kale soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha Ha’yadaha dawliga ah ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay. Madaxtooyada Somaliland waxay sidaasi ku sheegtay war saxaafadeed dheer oo ay kaga xog warantay waxqabadkii sadexdii bilood ee la soo dhaafay u qabsoomay dhammaan wasaaradaha dawliga ah. Aan soo qaadano tusaale ahaan Wasaaradda Arimaha Dibada. Qoraalka xukuumaddu soo saartay waxa uu u dhignaa sidan: 1- Wasaarada Arrimaha Dibada:

Waxaa bishii Koowaad ee sanadkan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ka qayb gashay shir-goboleed ay IGAD ku qabatay Adis-abeba oo lagaga hadlay Arimaha mandaqada Geeska Afrika. Waa markii ugu horeeysay ee ay Xukuumad Somaliland ka qayb gasho Shir-goboleed ay IGAD abaabusho, waxaanay Somaliland madashaasi ka soo jeedisay Qorshayaasha iyo Himilooyinka Qaran ee Somaliland ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Nabadgalyada.

Isla Bishii Koowaad ee Sanadkan, waxaa u suurogashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland in ay si dadban aragtideeda siyaasadeed u gudbiso shirwaynihii ururka Midowga Afrika uu ku yeeshay Sanadkan Magaalada Adis-abeba. Somaliland waxay fariinteeda siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ku wajahan Geeska Afrika iyo Himiladeeda Siyaasadeedba u marisay shirwaynaha Masuuliyiinta Urur Goboleedka IGAD oo madasha Shirwaynaha ka dhex-akhriyey, waxaana arintaana ka unkamay xidhiidh cusub oo hor leh oo dhexmara Urur goboleedka IGAD iyo Somaliland.

Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland Booqasho rasmi ah ku yimid wafti ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee fulinta IGAD. Waxay masuuliyiinta IGAD iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ay ku heshiiyeen nidaam iskaashi oo ay Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD ka yeelan doonaan talo-wadaag, iskaashi, iyo xidhiidh dhexmara labada geesood. Waa markii koowaad ee wafti meeqaamkaa leh oo ka socda Urur Goboleedka IGAD uu ku yimaado Somaliland. Waana markii ugu horeysay ee iskaashi iyo wada-shaqayni dhex marto Dawlada Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD.

Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland booqasho hawleed oo rasmi ah ku yimid 17 danjire oo ka kala socda wadamo ka tirsan Yurub, Aasiya iyo Afrika. Dalalka Safiiradan ay ka socdeen waxaa ka mid ahaa wadamada Japan, brazil, Turkiga, Spain, Holland, Belgium, Finland, oo dhamaantood ahayd markii ugu horeysay ee ay wadamadaasi booqasho rasmi ah ku yimaadaan Somaliland. Waxay booqashadani dhalisay xidhiidh ugub ah oo u bilawda Somaliland iyo wadamada ay ka socdeen Danjirayaashaasi.

Dabayaaqadii Bishii labaad ee Sanadkan waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland marti-galisay oo booqasho rasmi ah oo shaqo ku yimid wafti sare oo ka socda Dawlada Norway oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Norway oo ay weheliyaan Masuuliyiinkale oo ka socda Dawlada Norway. Booqashada waftigani ay abuurtay xiiso horleh oo ay Qadiyadda Somaliland ka heshay Wadanka Norway, oo ay ugu horayso iskaashiyo la xidhiidha la dagaalanka Budhcad-badeeda, horumarinta caafimaadka, iyo Nabadgalyada.

Bilawgii Bishii sadexaad ee Sanadkan waxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku guulaysatay codsi ay u jeedisay in Ingiriisku u soo diro Wafti sare Somaliland, waxaana Dalka booqasho rasmi ah ku yimid Wasiirka Wasaaradda Mucaawinada Dibada iyo Iskaashiga ee Dawladda Ingiriiska. Intii uu wasiirku joogay Somaliland waxaa uu daboolka ka qaaday in ay Dawladiisu ay Sadex-jibaartay Mucaawinadii ay siin jirtay Somaliland oo lagu soo daray Dalalka ay Dawlada Ingiriisku sida rasmiga ah u taageerto, waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in ay samayn doonaan Sanduuq Dhaqaale oo ay si wada jir ah Dawlada Ingiriiska iyo Somaliland u wada maamulaan, oo lagu shubo qayb ka mid ah mucaawinada Ingiriiska. Waa masuulkii ugu darajada sareeyey ee abid yimaada Dalka tan iyo intii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

Isla bishii sadexaad ee sanadkan waxaa Somaliland si rasmi ah loogu casuumay oo ay ka qayb gashay shirwayne caalami ah oo ka dhacay Dalka Ingiriiska kana soo qayb galeen wadamo tiradoodu kor u dhaafayso 16 dal, oo lagaga hadlayay nabadgalyo darada ka jirta Geeska Afrika ee ka soo unkamaysa Soomaaliya iyo sidii loo yarayn lahaa Saamaynta ay Nabadgalyo-daradaasi ku leedahay Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamkaba. Waftigii ka socday Somaliland wuxuu shirka ka soo jeediyey Khudbad nuxurkeedu taabanayay Aragtida Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan wax ka qabashada Xasilooni Darada ka aloosan Mandaqada Geeska Afrika.

Waxaa kale oo ka mid ah Hawl-galada fulay Wasaaradda in ay dib u soo celisay xidhiidhkii Diplomaasiyadeed ee wadanka Jabuuti, waxaana dib loo furay xafiiska wakiilka Somaliland ee Jabuuti oo hadda si buuxda u shaqeeya. Waxaa kale oo ay Somaliland markii ugu horeysay taariikhda ay xafiis ku yeelatay Dalka Kenya oo iska dhawaan la furay.

Wasaaradda Arrimaha Debedu waxay hirgelisay inay Somaliland si rasmi ah loogu casuumo looguna sharfo ku dhawaaqidii koonfurta Sudan, taasi oo noqotay fursadii ugu waynayd ee Somaliland ka hesho inay fariinteeda gaadhsiiso waddamo badan oo dunida ah, waxayna arrintaasi wax badan ka bedeshay wadamada Afrika qaarkood, kuwaasoo bedelay mawqifkoodii ay ka haysteen Somaliland, Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadduna waxay halkaasi kula kulmeen wufuudii kala duwanayd ee beesha caalamka ka kala yimi.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu kula kulmay Magaalada Addis Ababa intii uu ku jiray Safarkiisa Koonfurta Suudan Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dalka Ingiriiska Mr. William Hague oo Ethiopia booqasho ku marayay.”

La Soco ......

Weriye Cumar Maxamed Faarax/ Somaliland.Org/Hargeysa

Xigasho: Somaliland.org

No comments: