.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, September 17, 2011

USA: Tele-conference/ Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar (Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland)- 17/09/2011, Saacada 02:00.

 Baaq-Shir-Telefoon.

Ogaysiis: Dhamaan jaaliyadaha reer Somaliland ee jooga North America waxa lagu marti qaadayaa inay ka soo qayb galaan, conference-call uu marti inoogu yahay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland, Dr. Mohamed Abdillahi Omar, halkaas oo uu wasiirku inooga xog-warami doono xaalada dalka Somaliland ka jirsa sida abaaraha iyo guud ahaanba xaalada waddanka, waxa kale oo uu inoo sharaxi doonaa siyaasada dibada ee dawlada cusub ee hada talada dalka haysa, waxa kale oo uu inoo faahfaahin doonaa ujeedada ka danbaysa socdaalka uu wasiirku ku yimi Maraykanka ee uu hada ku gudo jiro.

Shirkan telephone-ka lagu qabanayaa wuxu dhacayaa Maalinta Sabtida ee bisha September ay tahay 17ka, saacadu marka ay tahay 2pm galabnimo ET (Washington DC wakhtigeeda).

Waxa aad soo garaacda telephone numberkan si aad uga qayb gashid shirkan telephoneka ah: #: (712) 432-1001 Ka dibna waxa aad garaacdaa muftaaxa lagu gelayo shirkan telephoneka (access code): (712) 432-1001 ka dibna garaac calaamadan #.

Haddii aad wax su'aalo ah jeceshahay inaad waydiiso Wasiirka Arimadaha dibada ee Somaliland, fadlan su'aalaha soo dir inta shirka ka horaysa oo ku soo hagaaji e-mailkan su'aalahaaga;- mission@somaliland.us, dadka soo gelaya oo tiro badan awgeed suurto gal noqon mayso in su'aalaha live laga dhigo ee sidaa ha loola socdo.

Allah ayaa Mahadleh.

Mudane Rashid Nur Garuf (rgaruf@gmail.com )
(Somaliland Ambassidor -usa)

No comments: