.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, June 22, 2012

Heshiiska Somaliland & Somalia *Dhegta Maal*


- Somali-Voa: Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Dawlada Somaliland ayaa maanta gaadhay heshiis kaddib markii la soo afjaray wadahadal duleedka London uga socday ergooyin ka kala socday dowladda iyo Somaliland. War-Murtiyeed ka kooban 8 qodob ayaa laga soo saaray gaba-gabadii wadahadahaasi oo muddo laba cisho ah ka socday duleedka London, waxaana ka mid ahaa qodobada ay gaadheen labada dhinac.

1: In wadahadallo ay sii socdaan oo u dhaxeeya DKMG (ama ciddii baddasha) iyo Somaliland iyadoo la tixraacayo shirarkii magaalooyinka London iyo Istanbul.

2: In la qaato hannaan mideysan oo ka hortagaya wax alle wixii caqabad ku noqon kara in labada dhinca ay wadahadalkooda sii wataan.

3: Inay labada dhinac ka go’an tahay sii socoshada wadahadalka iyadoo labada madaxweyne loogu baaqayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan u kulmaan si ay dib ugu eegaan horumarka wadahadallada.

4: In beesha caalamka ay labada dhinac ugu baaqeen inay sii wadaan fududeynta wadahadalada, iyadoo ay ku jirto inay labada dhinac ka taageeraanm khubarro dhinaca sharciga, dhaqaalaha iyo aarrimaha amniga isugu jira.

5: Inay labada dhinac is weydaarsato khibaraddaha dhexdooda ah, si si wanaagsan ay ula shaqeeyaan beesha caalamka, gaar ahaan horumarka iyo gar-gaarka bini’aadanimo ee ladaba dhinac la siinayo, iyagoo ku baaqay in gargaarkaasi la kordhiyo.

6: Inay labada dhinac iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada, xagjirka iyo danbiyada waaweyn,

7: Inay labada dhinac iska kaashadaan la dagaallanka burca-badeedda, badda iyo bariga ah, danbiyada baddaha, kaluumaysiga sharcidarada ah iyo suntan lagu daadinayo badda.

8: Waxay labada dhinac ku celiyeen taageerrada ay u hayaan ina la soo afjaro xilliga KMG ee Soomaaliya.

War-murtiyeedkaasi kaddib ayaa VOA wareysi la yeelatay, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee DKM, C/samad Macalin Max’uud iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Dr. C/laahi Max’ed Cumar

*Dhegta maal*

No comments: