.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, November 13, 2011

Cuntooyinka Wadaniga Ah Oo Ceegaaga Suuqyada Caasimada iyo Dadweyne Ku Mamay Bariis Iyo Baasto, Iyo Xukuumadda Oo Kaalinteedii Ka Gaabisay


''Cuntooyin ay ka mid yihiin Garow, Shuuro, Digir iwm oo wadani ah ayaa ceegaaga meel kasta hadana dadkii....''

- Bulshada Somaliland ee ku dhaqan gobolada dalka, gaar ahaana magaalooyinka waaweyn ayaan laga isticmaalin cuntada wadaniga ah ee ka soo goda meelo dalka ka mid ah, kuwaas oo ka doorbida Isticmaalka Raashinka dibadaha laga soo Waarido.

Isticmaalka Raashinka wadaniga ah ayaa goobo tiro yar oo ka mid ah Hargeysa lagu sameeyaa, iyadoo ay Isticmaalaan Cunistiisa qaar ka mid ah dadka Waaweyn oo la dhacsan faa’iidada caafimaad ee ay u leedahay dadkaasi, halka dadka intiisa badan, gaar ahaana dhalinyaradu ay isticmaalaan Cuntooyinka wadamada shisheeye ay beertaan oo ay ka mid yihiin Bariiska iyo Baastadu.

Goob ka mid ah Maqaaxiyaha lagu sameeyo cuntada Wadaniga ah ee dalka ka soo go’a oo wariye ka tirsan Haatuf uu shalay booqday, ayaa mid ka mid ah dhalinyaradii ka shaqaynaysay karinta Cuntadaasi uu u sheegay inay maalintii kariyaan lix ilaa todoba Disti oo waaweyn oo si xaami ah looga iibsado xiliyada Qadada iyo Cashada.

Distiyadan Waaweyn ayaa lagu karinayey xiligaasi Cuntooyin wadani ah oo ay ka mid ahaayeen, Galay, Digir, Garow iyo Shuuro laga ridqay Galay.

Dadka reer Somaliland ayaa muddo aad u dheer caan ku ah cunista cunto aanay beeran, halka ganacsatada Somaliland ee ka soo waarida Raashinkaasi dalalka dibadu ay awoodi waayeen inay dhiiri galiyaan sidii dhulka looga beeri lahaa cuntooyinka wadaniga ah iyo noocyadaa ay dibada ka keenaan laftooda, isla markaana lacag adag laga soo siiyaa, iyaga oo dadkana kaga iibiya qiimo sare.

Suuqa lagu kala iibsado Raashinka wadaniga ah ee Xero Hadhuudha Hargeysa ayaad ku arki kartaa Gadbado Raashinkaas ah oo tuulan Suuqaasi, iyadoo ay aad u yartahay dadka ka soo adeegsanaya si ay u isticmaalaan cuntooyinkaa wadaniga ah, halka bakhaarada Bariiska iyo Baastada Lagu Iibiyaa ay Camiran yihiin xili kasta, iyadoo gaadiidka lagu qaadayo ay laba dhigayaan Bariis iyo Baasto.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka gaabisay doorkii wacyigalineed ee ku wajahnaa inay shacabka Somaliland ku dhiirigaliso isticmaalka iyo Soosaarka Raashinka wadaniga ah, isla markaana ay yareeyaan isticmaalka raashinka faraha badan ee dibadaha laga Keeno, xiliyada qaarna ku bedelaan ka wadaniga ah oo la sheegay in tayo ahaan uu ka wanaagsan yahay.

Wasaarada Beeraha oo dalka uga xil saaran dhiirigalinta iyo taageerida Beeralayda wadaniga si ay u badiyaan una soo saaraan Raashin wadani ah oo farabadan, lagana taageero dhinacyada Siidhka, Bacarimidnta iyo Qalab soo saara xadi badan.

Dhul Beereedka Somaliland ayaan inta badan laga soo saarin raashin, balse qoysaska Beeralayda ahi ay beertaan oo kaliya wax yar oo ka mid ah Beerahooda si ugu daboolaan noloshooda, iska markaana u waaweyey awood iyo maalgalin u saamaxda inay wax ka badan Afkooda ay soo saaraan.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland ayaad uga dambaysa Dhinaca wax soo saarka Beeraha Wadamada Dariska, iska markaana Madaxdeeda iyo Shacabkeeduba ay ku mashquulsan yihiin Siyaasad, Qabyaalad iyo Xisbi Hebel, kuwaas oo lagaga mashquulay in la horumari Beeraha oo wadamada Caalamka looga keeno Qalab Casri ah oo wax soo saarka Dalaga Kordhiya, iyadoo dadka Masaakiinta ah ee Beeralayda ahi ay wali ku shaqaystaan hab laga guuray xiligan oo ah Dibi iyo Cagafyo hore oo saacad kali ah ku qodaya wakhti dheer.

Ahmed Cali Cige (Haatuf )

No comments: