.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, November 12, 2011

M-weyne Ahmed Silaanyo: Waa Nelson-Mandelaha Dalka iyo Dadka Jamh. Somaliland


''Waxaad tahay hoggaamiyaha keliya ee buuxiyey shuruudaha HALBEEGA (3M): Mujaahid→Mucaarid →Madaxweyne!'' 

Hordhac: Hoggaamiye kastaba isaga ayaa ka taga raad raaca iyo sooyaalka taariikhdiisa ee dadkiisa iyo duniduba ku xasuusan doonaan. Waa hoggaamiyaha ama siyaasiga ka reeba ee ka taga aragtida ama fikirka isaga u meelmara ee taariikhda u gala, sida: inuu yahay nin masuul ah oo qawlkiisa iyo ficilkiisaba lagu kalsoonaan karo wixii uu ku ballanqaadayna sideeda u fuliya intii itaalkiisa ah, iyo inuu yahay nin beeniyey ballan qaadyadii uu sameeyey oo caddeeyey inuu yahay nin aan xilkas ahayn, aan lagu kalsoonaan karin, oo aanay ballani xidhin.

Haddaba, muran kama taagna in Mudane M/Weyne Ahmed Moh. Mohamud (Siilanyo) uu yahay Hoggaamiye Tayo iyo Aqoon sare leh, aad iskugu kalsoon oo Xil-kas ah. Waxaa taa daliil iyo markhaati cadba u ah sida ay xukuumaddiisu muddadaa ay talada dalka haysay ay u kasbatay xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba.

Mudane M/weyne Ahmed Siilanyo, ma aha oo keliya inuu kor u qaaday rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland, balse waxa kale oo uu dib u soo nooleeyay qiimaha iyo muhimadda uu dalkeenu u leeyahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaaday hanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku dalkeena u qabaan, arrintan oo inoo horseedi karta in haatan beesha caalamku garwaaqsato qadiyadda gooni-isutaagga iyo madaxbannaanida Qaranka Somaliland.

Mudane Madaxweyne, Bedbaado waa ta ALLAH, balse sooyaalka taariikhdu waxay markhaati cad ka tahay inaad dalkaagaa iyo dadkaagaba ka badbaadisey dhacdooyin iyo xaalado adag oo soo maray. Sida ka muuqata Halbeegga Cabbiraadda Hoggaamiyaha waxaad tahay hoggaamiyaha keliya ee buuxiyey shuruudaha HALBEEGA (3M):
 
Mujaahid→Mucaarid →Madaxweyne!

Mudane Madaxweyne, nabadda, wanaagga, rayn-raynta iyo horumarka bulshada Jam. Somaliland ay maanta ku naaloonayaan, Qadarka Eebbe ka sokow, waa mid aad adigu horseed iyo hormuudba ka ahayd. Halgankii adkaa ee aad u soo gashay dib-u xoraynta dalka ka dib, waxaad la timid samir, dulqaad, tanaasul iyo danta dadka iyo dalka Jam. Somaliland oo aad u tudhay. Mahad waxa leh Rabbigeena kugu simay inaad ummadda Jam. Somaliland mar kale hoggaanka u qabato.

Mudane Madaxweyne, marka dhan walba laga eego, muran kama taagna lamana soo koobi karo horumarka dhinacyada badan leh iyo tallaabooyinka geesinimada iyo isku kalsoonida leh ee aad ku tallaabsatay muddadaa kooban ee aad xilka haysay. Sannad iyo badhkaa waxaad qabatay ayaa ka balaadhan, ka mug weyn kana waxtar badan 8-dii sano ee Xisbiga UDUB dalka maamulayey.

Mudane Madaxweyne; Sooyaalka Taariikhda Qaranka iyo Qoomiyadda Jam. Somaliland waxaad kaga qoran tahay baal dahab ah. Waxay ummaddaadu kuugu mahadnaqayaan dedaalkii iyo halgankii dheeraa ee aad dalka u soo gashay iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay xukuumaddaadu ku tallaabsatay. Sidoo kale, waxay ummaddaadu si weyn kuugu qirayaan isla markaana kugu xasuusan doonaan:

Inaad tahay muwaadin lambar kow, oo ay Somalilandernimadu ku dheer tahay lehna kartidii, aqoontii, magacii, milgihii iyo maamuustii hogaamiyenimo.

Inaad tahay mujaahid daacad ah oo ummaddiisa la wadaaga halgan iyo dhacdo taariikhi ah oo ma guuraan ah. Waxaad tahay mujaahid ku sifoobay halganka dheer ee uu dalkiisa iyo dadkiisaba kaga xoreeyey dulmigii lagu hayey, haatanna halgan adag ugu jira ka midho dhalinta danta guud ee dalka iyo maslaxadda umadda reer Somaliland, adigoo adeegsanaya aqoontaada, iyo waayo arragnimada balaadhan ee aad u leedahay siyaasada caalamka ee casriga ah iyo qaababka ay dunidu waqtigan xaadirka ah wax isku dhaafsato.

Inaad tahay hoggaamiye daacad ah oo hiil iyo hooba la agtaagan kuwa ku taagan xaqa, wanaagga, horumarka, hagaajinta Dimuqraadiyadda iyo difaaca dalka hooyo.

Inaad tahay mujaahid aan marnaba hore uga gabban, hadeerna ka gabban doonin xumo-wadayaasha iyo kuwa xaqdarrada weheshada ee ay dhibayso maamul wanaagga iyo xukuumad Xilkas ah oo talada dalka haysa iyo inay Somaliland hesho aqoonsi iyo madaxbannaani caalami ah oo ay noqoto Qaran madax bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka.

- Geba-gebo: Somaliland way dhaqaaqdaye kuway dhibayso yeelkood!

Mudane Madaxweyne; dheg ha u dhigin kuwa shakiga ka qaba halgankaaga, kuwa ka soo horjeeda himiladaada, kuwa kugu eedaynaya waxaan marnaba adiga kaa suurtoobin oo aanad uba dhalan(sida qabyaalad, qaraabo-kiil iyo qof-jeclaysi), kuwa ay iskaga qaldan tahay Mucaaridninmada iyo Muwaadinimadu, kuwa ay dhibayso in Somaliland noqoto Qaran madax-bannaan oo bulshada caalamka ka mid ah.

Mudane Madaxweyne waxa hareerahaaga taagan oo aad u jecel inaad guulaysato:

- Hooyooyinkii aad caruurtooda ka dhaaftay lacagtii Iskuul-Fiiga,

- Askarigii aad Mushaharka u kordhisay oo weliba waxbarasho bilaasha u helay caruurtiisii,

- Dhalinyaradii aad hankooda iyo himiladooda kor u qaaday ee aad ka furtay dabarkii iyo xakamihii kaga xidhnaa ka qayb-galka siyaasadda ee la’aa meel ay u maraan hoggaaminta dalka iyo masraxa siyaasadda.

- Agoomiha & Danyarta aad daryeeshay ee aad Xafiiska Samafalka Madaxtooyada u samaysay ee hadh iyo habeen, min bari ilaa galbeed la caawinayo.

- Aqlabiyadda Ummadda Jam. Somaliland ee adiga ku dooratay iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland ee jecel guusha iyo horumarka dalka hooyo.

By Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) UK

'Allah ayaa Mahad Leh, Wa Billaahi Tawfiiq'

No comments: