.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, December 12, 2011

Dr. Gaboose Oo Ku Dhawaaqay Urur Siyaasadeed Magaciisa La Yidhaa UMADDA.

DSC09114

- Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta ku dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay UMADA. Xaflad balaadhan oo loo sameeyay wanqalka ururkaasi oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda, boqolaal qof oo ka mid ah taageereyaasha ururkaasi oo iskugu jiray haween iyo dhalinyaro.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedkan Ummadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay ayaa sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo uga mahad celinayo sida uu uga dhabeeyay balan qaadyadii uu ummadda u sheegay xiligii lagu jiray olalihii doorashada Madaxtooyadda, waxaanu yidhi:

''Waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, oo fursadan maanta isaga la’aantii aanay suurto gasheen, waxaanay arrintan furashada ururaddu go’aan adag ku ahaa xisbigiisa, shacbigiisana tallada weydiiyay ee shacbigu ku raacay, ayuu is waafajiyay balamadii uu galay xiligii olalaha doorashada. Waxaanu u badheedhay inuu xisbigiisa tartanka geliyo haddii uu doono ha ku hadhee''.

Waxaan Madaxweynaha u haynaa ciso iyo sharaf, waxaanan hubaa inuu dalkiisa iyo dadkiisa daacad u yahay, laakiin haddana kama madhna inay wax badani ka khaldanaan karaan, waxa mucaaridka loo sameeyay inay wax caayaan ee waa in ay dawladda u tilmaamaan wixii ka khaldan,” ayuu yidhi.

Dr. Gaboose wuxuu sheegay inay maanta ku dhawaaqeen urur siyaasadeed dhinac kasta laga soo dhisay sharciyadiisii samaystay.

“Ururnimaddu waa wax culus waa wax qadiyad qaran salka ku haysa inaad ka fiirsatid weeye, waxaan idiin sheegayaa wakhtiga ugu weyn waxa iga qaaday waxay ahayd inaan isku helo dad masuuliyadda qaranka xambaari kara, qabyaalada iyo cunsuriyadu ku yar tahay oo dalka meteli kara.waxaan doorbidnay inaanu soo dhisno urur dadweynaha wada meteli kara..”

Waxaan dhawaan soo bandhigi doonaa Marwo Dumar ah oo taariikhda Somaliland markii u horeysay ah ee madaxweyne Ku xigeen jagadiisa la keeno ah,”ayuu yidhi Dr. Gaboose.

Dr. Gaboose waxa uu sheegay inay ururkiisa uu Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ka yahay nin uu tilmaamay inuu Mutacalin weyn yahay oo degan Maraykanka oo la yidhaahdo Md. Qaasim Sh. Ibraahim Tubeec, oo ka soo jeeda gobolka Awdal, kaasi oo dhawaan dalka iman doona.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka 3-aad ee Ururka UMMADDA C/Rashiid Maxamuud Cali, Guddoomiye Ku xigeenka afraad Dr,.Xuseen Ismaaciil Cabdi (Xuseen Dhiqle) iyo Xoghayaha arrimaha dibadda Maxamuud Cabdi Xaamud (Nine) waxaanay dhammaantood ka warameen hadafka ururkooda waxaanay balan qaadeen in ururkoodu uu ka shaqeyn doono horumarinta bulshada dalka.

Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsan Mudaneyaasha golaha wakiiada horena ugu jiray xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in ururkoodan oo ka duwan ururadii hore dhinaca sharciyadda waxaanu tilmaamay in sharciyada ururkooda ay wada sameeyeen khubaro ka tirsan sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray, xukuumadda Somaliland iyo aqoon yahano madax banaan.

Md. Xariir waxa uu ku dooday in ururkani uu noqon doono mid la wada leeyahay oo aanay cidina gaar u lahayn isla markaana dhexdiisa ay ka jirto dimuqraadiyad balaadhani.

“Waxaanu idiin wadnaa shacbiyoow Madaxweynihii dhabta ahaa ee mustaqbalka, ma wadno ana way kan, waxaanu idiin wadnaa madaxweynihii dhabta ahaa ee mustaqbalka ee dadkayagiiyoow nala qaata oo nala wadda, waxaan idiin haynaa madaxweynihii halka maant dalku taagan yahay ka sii dhaqaajin lahaa,” ayuu yidhi Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo ururkan cusub ee lagu dhawaaqay, waxaanu tilmaamay inuu soo dhaweynayo maadaama oo uu ahaa ururkii ugu horeeyay ee mucaarid ah ee lagaga dhawaaqay dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay xiligii uu bartay Dr. Gaboose wuxuu yidhi “Aniga si gaar ah ayaanu saaxiib u nahay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, anigoo 1981-kii ku xidhnaa meel la yidhaahdo xafiiskii baadhista ee xisbigii kacaanta Soomaaliya oo toban bilood dhul hoose ku jiray oo suyucay oo aan cadceed arag, ayaa dhakhtarkii madaxtooyaddii la ii geeyay waayo meeshii aan ku xidhnaa iyo madaxtooyadii way isku xidhnaayeen, waxa ka dhakhtar ahaa Madaxtooyada Dr. Gaboose.

Waanu is waraysanay waan u sheegay mudadii aan xidhnaa inaanan cadceed aanan arag. Wuxuu ii soo qoray in cadceeda maalintii la I geeyo ugu yaraan saacad.”

“Anigoo idhi waar ninkan reer koonfureedka ah ee naxariista badani muxuu ahaa ayaa gadaal ka ogaaday inuu yahay nin ka soo jeeda Somaliland, markii dambena Wasiir ku xigeen ayuu noqday, arrimaha SNM-ta iyo xorayntii dalka anagaa uga warami jiray oo xafiiska ugu tagi jiray,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay inay Dr. Gaboose ka soo wada shaqeeyeen nabadeyntii beelaha Somaliland iyo damintii dagaalkii Sokeeye.

“Aniga iyo Gaboose marna maanu noqon aynu isku xisbi noqon, waayo isna 2001-dii ayuu doonayay inuu xisbi sameeyo, aniguna waanagii UCID wadnay. Anigoo aan wali xisbiga keenay laakiin aanaan ku dhawaaqin ayuu ila soo hadlay Baashe Cabdi Gaboobe oo uu igu yidhi Urur baanu wadnaaye’e nagu soo biir ka dibna waxaan ku idhi waa adiga iyo, waxaanu igu yidhi waa aniga, Dr. Gaboose iyo rag kale,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID, isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi,-

 “Gaboose farqiga noo dhaxeeyay wuxuu ahaa uun harag sakaaro iiga kac mooyaane’e iga durug ma laha, laakiin mar kastaba isku fikrad baanu ka ahayn in dalku dhiig cusub iyo fikrad cusub loo baahan yahay. Gooni isku taaga Somaliland meel baanu ka wada taagan nahay. Waan ku soo dhawaynaynaa Dr. Gaboose haddii uu maanta soo qaatay harag sakaaro, aniguna harag sakaaro waan haystaa.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay inay xukuumadda Siilaanyo doonayso inay soo saarto sadex xisbi oo haddana mabda’ ahaan isku xisbi qudha wada ah, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi:  

“Qoladan imika dawlada haystaana waxay doonayaan inay soo saaraan sadex xisbi oo isku xisbi kaliya wada ah,anigaa hadhsanaa oo qowda ayaa la igu hayay waxaan rajaynayaa inuu Ururkani soo baxo mucaarid la’aan wadanku ma shaqeynayo, in mucaarid adag aynu samayno oo danta dalka aynu ilaalino ayaan jecelahay. Xisbiga UDUB-na imika ayay dib isu soo abaabulayaan.”

Xigasho: Somaliland.org

No comments: