.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, December 14, 2011

Somaliland: Golaha Guurtida Oo Shirkiisii aan Caadiga ahayn Go'aamo ka Soo Saaray.

DSC09195

- Golaha Guurtida Somaliland ayaa go’aamo ka soo saaray dilkii foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay deegaanka Seemaal ee u dhaxaysa Baki iyo Gabiley, waxayna sheegeen inay taageersan yihiin talaabo kasta oo xukuumadu arintaasi wax kaga qabaneyso.

Sidaa soo kale, golaha Guurtidu waxa kale oo ay sheegeen in go’aankii Madaxwaynuhu ka soo saaray dilkaasi ahaa mid geesinimo oo mudan amaan iyo bogaadin, iyagga oo sheegay in Guurti ahaan ay gobolada dalka oo dhan u dirayaan guddiyo umadda ku wacy-galiya nabadgalyadda.

Waxa kale oo ay sheegeen in dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal ahaa mid siyaasadeed, maadaama bay yidhaahdeen wakhtiga dilkaasi dhacay uu dalku ku sugnaa ergayga xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, isla-markaana Magaaladda Hargeysa uu ka socday siminaar nabada lagaga hadlayey kaasi oo ay maalgalisay AU-du.

Kal-fadhi aan caadi ahayn ayuu G/Guurtidda JSL iskugu yimid 10/12/2011, kaasi oo ay shir-guddoonka Goluhu soo jeediyeen iyaga oo cuskaday, qoddobka 71aad oo lala akhriyey qoddobka 46aad faqraddiisa 2aad (Xarafkiisa (t) ee Dastuurka JSL.

Ujeeddada kal-fadhigani aan caadiga ahayni waxay ahayd in Goluhu ka yeesho dood, falanqayn & qiimaynba xalaadka taagan (Current Issues) ee nabadgelyo & siyaasadba, kana gaadho go’aamo iyo tallooyinba, ka dib dhacdadii foosha xumayd ee dilka ahayd ee Tuulada Seemaal 05/12/2011.

Taasi waxa ka horeeyey Gowricii afartii (4) nin ee gaancsatada iyo aqoonyahanka isugu jiray ee ka dhacday waddada u dhaxaysa Kala –baydh/Dila 11/07/2009. Iska daba taga labadaasi dhacdo ee fool xumada lihi waxay kiciyeen dareenkii dadweynaha Reer Somaliland gudo iyo dibedba intoodii badnayd.

Sida aynu la wada socono dhacdadani dambe ee Seemaal waxay ku soo beegantay waqti uu Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland Soomaaliya ku sugnaa magaala madaxda Dalka JSL, isaga oo ka soo qaybgalay shir caalamiya oo dib loogu eegayay Hay’adaha Amniga iyo Heerka Nabadgelyo ee dalkeena.

Sidoo kalena waqti uu aqoons is-weydaarsi ku saabsanaa durusta laga barna karo Somaliland ee dhinaca nabada iyo horumarku uu ka socday Maansoor Hotel, soona qabanqaabisay Jaamacadda Addis-ababa, gaar ahaana Machadka Nabada iyo Amniga, maalgaliyeyna Ururka Afrika (AU).

Dhinaca kalena, waqti la soo af-jaray iska horimaadkii Ceerigaabo. Arrintaasi waxay dadweynaha Reer Somaliland ee jecel horumarka, wada jirka iyo midnimada shacbigu u arkeen fariin xun oo siyaasad xanbaarsanayd, looguna talla galay in lagu wiiqo jiritaanka Qarankan.

Marka intaasi laga yimaado Gobollada Bari siiba degmadda Yagoori, ayaa iyana waxa ka dhacay Dil, kaasi oon illaa hadda si rasmi ah u dhammaystirmin is-afgarad ahaan, balse laga gaadhay bilow isafgarad, haddii Alla yidhaana aan rajaynayno in guul iyo is-afgarad uu ku dhammaan doono.

Degmadda Taleex, ayaa iyana ay ka dhaceen dilal aynaan ka hayn macaluumaad faah-faahsan.

Haddaba, Goluhu wuxu ka yeeshay dood iyo falanqayna arrimahani taagan, kana doodayay muddo saddex maalmood ah, oo ay ka qayb qaateen in ka badan sodon mudane, kuwaasi oo diirada saarayay baahida loo qabo in wax laga qabto, gacantana lagu dhigo danbiilayaashii hore, kuwani dambe iyo cid kasta oo ku lug yeelataba.

Sidoo kalena, tibaaxay tilmaamay, adkeeyeyna baahida loo qabo sugida amniga iyo xasiloonida dalka si looga hor tago waxyeelada iyo dibin-daabyada cadowga gudaha iyo dibeddaba oo ka faa’iidaysanaya.

Sidaas darteedna, G/Guurtidda JSL wuxuu kal-fadhigiisani aan caadiga ahayn ku gaadhay, soona saaray go’aamadani iyo tallooyinkani, ahna sidani:

1) Go’aamo:

b) Ugu horaynba Goluhu wuxu isaga oo ka tiiraanyeysan tacsi u diraya qoysaskii, eheladdii iyo qaranka reer Somaliland ee ay ka baxeenba, taasi oo ay ku sii xoojinayaan kuna sii adkaynayan tii Guddigga Joogtada ee Golaha guurtiddu hore u gudbiyey, una baahiyey, waxana Illaahay uga baryayna in qoysaskii iyo qaraabadoodiiba u samir iyo iimaan Alla ka siiyo.

t) goluhu waxa u ku bogaadinayaa kuna muujinaynaa sida ay u muujiyeen dulqaadka iyo samirkaba qoysaskii iyo eheladdii ay ka baxeen marxuumiintii hore iyo kuwan dambeba.

Samirkaasi iyo dul-qaadkaasina waa mid taariikhi ah oo ku daabacnaan doona maskaxda shacbiga Reer Somaliland yar iyo waynba ee gude iyo dibedba, ahna dadweynaha intiisa badan ee wanaag doonka ah, jecelna midnimada, nabada, wada noolaanshaha iyo khilaafaadka in lagu daaweeyo wada hadal, is-qancin, isu-tanaasul iwm.

j) Dhinaca kale Goluhu wuxu ayiday/ayidayaana, taageerayaa/ taageersan yahayna Go’aankii Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee u ku caddeeyey mawqifka xukuumadda, dawladda iyo Qarankaba, ahna mid mudan bogaadin, kuna fadhiya tallaabo geesinimo leh oo ka tar-jumaysa danta, maslaxada guud, horumarka iyo higsiga mustaqbalka nololeed ee umaddani.

x) Goluhu wuxu qayb ka yahay waxa kasta oo lagu meelmarinayo, laguna xaqiijinayo himilada shacbiga, lagagana hor-tagayo af-casha liidata ee u adeegaysa cadowga gudaha iyo dibedda ee Reer Somaliland.

Kh) Goluhu wuxu ku dhiirigelinayaa xukuumada wax kasta iyo tallaaba kasta oo lagu sugayo amaanka iyo xasiloonida dalka JSL. Sidoo kalena, in si rasmiya loogu gun-gadho, sharcigana la hor-keeno eedaysanayaashii iyo gacan ku dhiigleyaasha ahaa iyo cid kasta oo gacan ku siisay falalkaasi wax-shiga ahaa.

d) Goluhu wuxu go’aansaday in waqti munaasib ah oo dambe loo yeedho Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha guud ee ciidanka booliska JsL, iyada oo laga waraysan doono macluumaad la xidhiidha arrintaasi aan soo sheegnay.

r) Golaha Guurtidu wuxu samayn doona barnaamij wacyi-gelineed oo dhinaca nabadgelyada xoojinteeda ah, laguna mari doono gobolada iyo degmooyinka dalka JSL sida dhaqanka Goluhu ahaa, ka hor tartanka Doorashada D/hoose ee Ururada.

2) Tallooyin:-

b) Goluhu isaga oo maanka ku haya nabaddu inay tahay saldhigga iyo aas-aska nolosha bulshadda; isla markaasina dib-u-jaleecaya u milicsanaya dedaalkii ay dadweynaha Reer Somaliland ka soo gaysteen adkaynta iyo dhidibo u taagida nabadgelyadda iyo xasiloonida dalka, ayaa xasuusinaynaa haddana in loo sara kaco, lana xoojiyo ka qaybgalka, nabadda iyo adkeynteedaba.

Walaalayaal, horumarka dhinaca nabadgelyada iyo bulsho ee yar iyo weynba iyo gacansiinta hay’adaha kala duwan ee ku hawlan nabadgelyadda.

t) Dugsiyada dowliga ah, kuwa gaarka ah, ururada samo-falka maxaliga ah, qaybaha bulshada ee kala duwan, saxaafadda, dhallinyaro, haween, ururada qareenadda, Jaamicadaha ardaydooda, macalimiintooda iyo maamulkoodaba, waxa la gudboon inay si ficil ah uga qayb qaataan horumarinta iyo adkaynta nabadgelyada gaar ahaan, guud ahaana wacyi-=gelinta dadweynaha ee Guddo iyo dibedba. Ka qaybgal buuxa ee bulshada ayuunba lagu gaadhi karaya nabadda iyo horumarkaba, salna ay u tahay isku tashigu.

j) Hay’adaha kala duwan ee dowladdu waa inay xoojiyaan iskaashiga iyo wada shaqaynta gudahooga. Sidoo kale hay’adaha amniga ku shaqada lihi inay eeshaan isku xidh iyo wadaagid macluumaad, (Networking iyo Sharing of Information) si loo helo xogo laga midaysan yahay oo Madaxtooyaddu ku camal fali karto, kuna go’aan qaadan karto haddii Alla yidha.

Dhinaca kale, la sii xoojiyaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee aynu la leenahay dalalka jaarka ah.

x) Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka kale waxa looga baahan yahay in ay xil weyni iska saaraan ka hortaga wax kasta oo wiiqaya amniga iyo xasiloonidda dalka. Sidoo kalena, ka dhowrsadaan faro-gelinta qabashadda dambiilayaasha, kana fogaadaan wax kasta oo u dhimaya wada jirka iyo wada noolaanshaha shacbiga, qawl iyo ficilba.

Kh) Ugu dambayntii inaga oo ogsoon xalaadka mandaqadani aynu ku nool nahay iyo duruufaha inagu gadaaman, dhowaana la bilaabi doono ololaha iyo tartankii doorashadda D/Hoose ee dalka, oo ay ka hadlan karayso dabac dhinaca nabadgelyadda ahi, ayaa dhammaanteenba, Goleyaaal ahaan, xukuumad iyo ururada la inooga baahan yahay foojignaan iyo mas’uuliyad weyn oo aynu ku dhowrsano, kaga qayb qaadanayno, kuna xoojinayno amniga, xasiloonida iyo adkaynta nabadda. Waxaan dhammaanteenba inoo rajaynaynaa Guul iyo Horumar, Amni Nabad iyo Barwaaqo.

Xigasho: Waaheen

No comments: