- Erayo lud leh, tududcyo laf leh oo isku lamaan iyo hees jacayl ah oo uu isku bilkaydiyay ninka magaciisu hoosta ku qoran yahay, oo ah isagu, nin madalaha suugaanta aan qajeel ka ag fogaan ee aad ugu dhaw-dhaw, ha yeeshee aan weli wax badan oo la taaban karo ku darsan. Ayaa midhaha heestan maanta isku soo yabyabay, oo erayo af-guriyeed iyo mid dhaqameedba ku nudan yihiin inoogu deeqay ee bal dadwaynoow nala daya!
Heestu waa jacayl, waa Sedex bayt-lay, uu bayt-kastaaba si farshaxan-nimo dheeraad ahi ay ka muuqato looga soo jeebay inta ugu mudan nolosha reer Somaliland. Tusaale, Bayt-ka u horeeya ee bilowga heestu waxa uu ka anbaqaadsan yahay quruxda iyo qiimaha ay leeyihiin xoolaheenu, oo gabadha la ag-dhigayaa, ka labaadna beeraheena, ka sedexaadna qaranka Somaliland.
''Akhris Xiiso leh''
- I-laab qaaday adiguyee
Sida Lo'da qadawgoo;
Xarfo qooqday iyo baad
Qoyan goosanaysoo;
Qoobku rayska ugu jiro
Jidhaan xareedu qalac tidhi;
Oon qadoodi iyo Oon
Abidkeedba weli qaban;
Quruxdeedii leedahoo
Qaadir kuugu yaboohee;
Qancisaye naftaydii.
Kaalayoo wax ila qabo.
**** ****
- Qaaliyada dushaa sare
Ama qaranka Madarkiyo;
Qardo galaha dhuuxa ah
Hornog Qoodi iyo Booy;
Qindi lagu cidaadoo
Shini qadin ah biqilkeed;
Qacda waaga mayay helay
Ay cadceedi qabatoo;
Dhegta qoyan faalaadhuhu
ka qandoodayaan baad;
Qamareey ka dhigantee
Kaalayoo wax ila qabo.
**** ****
- Quruumaha dhexee York (UN)
Qaaradahan aduunyada
Oo Soomaalilaan Qirra
Qaran buuxa inay tahay;
Qolqolada dhulkeenii
Kal quluubtu furantay;
Warkan qaayahiisana
Dadku uu ku qaabilay;
Oo Qoobka iyo jaan
Sacabkuna is -qaataad;
Qiimaheedii leedee
Kaalayoo wax ila qabo.
W/t: Cali Cumar Xasan
No comments:
Post a Comment