.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, January 24, 2012

Somaliland Oo Maamul Goboleed Soomaaliyeed ah Ayaa Shirka ka Soo qaybgalaysa.. *Dhegta maal*


- Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirka London (UK) lagu casuumay Somaliland oo ay ka soo qaybgasho sida ay u imanayaan maamul goboleedyada Somalia ee Puntland iyo Galmudug oo kale, waxaanu intaasi ku daray inuu Somaliland Baanka Horumarinta ee Afrika uu uga saxeexay Mashruuc loogu dhisayo Biyo Xidheeno. Raysal Wasaaraha Somalia oo arintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi;

 “Ta koowaad oo ah inay shirka ka soo qaybgalaan Somaliland raalin baanu ka nahay inay yimaadaan waxa laga hadlayaa waa dan Soomaaliyeed, Soomaali weeyaan iyaguna sida Puntland uga soo qaybgalayso, Galmudug u imanayso, sida Ahlu Suna u imaanayso, sidoo kale ayaanu iyagana u jecelnahay inay yimaadaan oo miiska wada hadalka iyo wada tashiga ay ka soo qaybgalaan, mar walbana waanu soo dhaweynaynaa, mida kale waxa aan u sexeexay mashruuc biyo galin ah oo African development bank ah uu ugu deeqay Somaliland, waa mashruuc ah inay biyaha qabsadaan oo biyo xidheen la sameeyo raali ayaanu ka nahay dawladd goboleedka Somaliland”

*Dhegta maal/ Halkan hoose guji*

No comments: