.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, February 9, 2012

Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Ciidanka Qaranka iyo Abaanduulihiisii


- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xilkii ka qaaday Taliyihii ciidanka qaranka Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) iyo Abaanduulihii ciidanka qaranka Ibraahim Caydiid Dhab-dhable.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu magacaabay Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka, halka uu madaxwaynuhu Abaanduulaha cusub ee ciidanka qaranka Somaliland-na u magacaabay, Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas).

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka, kuna magacaabay taliye cusub.

Madaxweynuhu:-

- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

- Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

- Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

- Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday; In General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis

Madaxweynuhu waxa uu taliyihii hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen, gudanayeena waajibaadka, ka saaran qaranka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu taliyihii hore u sheegay in Xilalka Qaranka ay tahay macnihiisu meerto soo noq-noqota oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu Faray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.”

Sidoo kale, waxa qoraalka xilka qaadista abaandulaha ciidanka qaranku u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Abaandulihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL, kuna magacaabay Abaanduule cusub.

Madaxweynuhu:-

- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

- Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

- Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

- Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday; In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abaandulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis

Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulahaa hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Ibraahin Caydiid Axmed uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka qaranka. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Abaanduulaha Ciidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) oo aan xilkan isaga u igmaday in uu ahaado Abaaduulaha Cusub ee Ciidanka Qaranka.”

- Somalilanders

No comments: