.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, February 9, 2012

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay Sababta uu Somaliland ugu Hogaamiyey ka Qaybgalka Shirka London


- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horreysay sharraxay sababaha uu Somaliland ugu hoggaamiyey ka qaybgalka shirka lagaga hadlayo arrimaha Soomaalida ee 23ka bishan lagu qabanayo magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in shirka London gebi ahaanba ka duwan yahay shirarkii hore loogu qaban jiray kooxaha Soomaaliya, isagoo xusay in dunidu isugu imanayso shirkan oo ay ka qaybgalayaan dawlado fara badani. Sidoo kalena aannu ahayn mid waxyeela qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, isla markaana ay ka wadahadleen dawladda martigelinaysa ee Ingiriiska.

“Shirar noocan oo kale ah oo intaas oo dawladood isugu timi (Soomaalida loo qabtay) meelnaba hore ugama dhicin, shirkani waa mid dunida in badani isugu imanayso, waa shir dawladda qabanaysa ee na martiqaaday cid nooga timi oo aannu wadahadal iyo wadatashi ballaadhan ka wada yeelanay, waa shir aannu u aragnay in aannu madaxbaannidayada iyo gooni-isu-taagayaga waxba yeelayn. Waa mid aannu ku talo jirno haddii Ilaahay nafta noo daayo in aannu qaddiyaddayada dunida iyo caalamka u bandhigno oo fursad noo siinaya, taasaa keentay in aannu ka qaybgalno,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo isagoo ku sugan shalay dalka Jabuuti oo uu socdaal kooban ku soo warbaahintu weydiisay sababaha keenay in Somaliland ka qaybgasho shirka London, maadaama aanay hore u tagi jirin shirarka Soomaalida loo qabto.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Buuhoodle ee ay iskaga horyimaadeen ciidammada qaranka iyo maleeshiyo-beeleed nabad-diid ah oo degaankaasi ka soo jeeda.

“Waannu ka xunnahay waxa dadka Somaliland soo gaadhay hadday shacabka tahay iyo hadday ciidan tahay dhinac kastaba ha noqotee. Mar walba haddaannu dawladda Somaliland nahay shacabi-weynaha reer Somaliland meel kasta ha joogaane, gaar ahaan gobollada aad sheegtay iyo qaar kaleba waxaannu ugu baaqnay, immikana ugu baaqaynaa wadahadal, wanaag iyo nabadgelyo, dadkayagana nabadgelyo ayaannu la jecelnahay,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey dagaalka isaga oo warbaahinta ugu warramayey qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa, kadib markuu ka soo laabtay socdal uu laba maalmood ugu maqnaa dalka Itoobiya.

Md. Siilaanyo waxa uu markale ku celiyey in ciddii wax tabashooyin ah tirsanaysa ay dawladdiisu diyaar ula tahay inay ka wadahadlaan. Haseyeeshee, waxa uu caddeeyey in madaxbannaanida iyo xuduudaha Somaliland lama taabtaan yihiin.

“Somaliland markii ay abuurantay cidna may khasbin ee waxa lagu ahaa heshiis ay dadka degaa isu yimaadeen oo sannadkii 1991-kii magaalada Burco lagu gaadhay heshiis in lala soo noqdo madaxbannaanidii Somaliland lahayd wakhtigii israaca ka hor, intaas oo dhan dawladdaasi way jirtay, maantana haddii dadka qaar ama wax gocdaan diyaar bay dawladdu u tahay inay kala hadasho ama ka wada xaajoono, laakiin Somaliland qaddiyaddeeda iyo xuduudaheedu waa lama taabtaan.”

Madaxweynaha oo la waydiiyey sida uu u arko hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo soo jeediyey inay Somaliland ciidankeeda kala baxdo degaannada dagaalku ka dhacay ee Buuhoodle, waxa uu yidhi; “Wixii aan dalka Somaliland ka tirsanayn waxaannu jecelnahay inaanay dalkayaga soo farogelin, inay dalkayaga soo faro-geliyaanna kama oggolin. Laakiin, wixii dalkayaga dhibaato ku yimaadda annaga ayaa ka xaali doonna hadday is af-garasho tahay, hadday wadahadal tahay iyo hadday si kale oo lagu xaalo tahayba.”

Md. Siilaanyo yo weftigiisa oo gelinkii dambe ee shalay ka soo degay madaarka diyaaraha ee Hargeysa, waxa halkaasi ku soo dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka, Shirguddoonka Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada), xildhibaanno, guddoomiyayaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID, wasiirro iyo masuuliyiin badan oo dawladda ka tirsan iyo weliba dadweyne fara badan.

Waxa kaloo Madaxweynuhu ka warramay natiijada kullamo uu la yeeshay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Males Zenawi iyo Madaxweynaha Jabuuti Mr. Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo sheegay inay madaxdaasi ka wadahadleen arrimaha dalalkooda iyo xaaladda mandaqadda bariga Afrika,

“Waxaannu safar ku tagnay dalka Itoobiya, halkaas oo aannu kula kulannay Ra’iisal wasaaraha iyo madax kale oo ka tirsan madaxda dawladda Itoobiya, waxaanuna ka wadahadlaynay dano la xidhiidha mandaqadda nabadgelyadeeda iyo wax wada qabsiga labada dal baannu ka hadlaynay, si wanaagsanna waa isugu afgarannay, qodobbo badan oo dhinacyo badan leh baannu isla soo qaadnay,” ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

Waxaannu intaa raaciyey, “Jabuuti waxaannu kala kullanay Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle, Jabuuri waa dal aynu jaar nahay oo saaxiib nahay, waxaanannu ka wadahadalnay danaha dalalka Jabuuti iyo Somaliland iyagana si wacan baannu isugu af-garannay, wax dhibaato ah oo ina dhexyaalaana ma jirto innaga iyo dawladda Jabuuti. Masaalix fara badan ayaa naga dhexeeya oo qaar nabadgelyo, ganacsi iyo kuwa wada shaqayneedba.

Arrimo badan baa maanta mandaqada ka socda iyo weliba adduunka kale, markaa arrimahaasi ayaanu ka wadahadlaynay oo ka sheekaysanaynay,” ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: