.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, April 10, 2012

Buugaag Dhan 500, Oo Ku Saabsan Aataarta Somaliland Oo La Gudoonsiisay Wasaarada Dalxiiska.


- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta ku qaabilay Wasaaradaasi Khubaro ka timid dalka Faransiiska, halkaas oo uu Buugaag tiradoodu tahay 500 oo buug oo ku saabsan macluumaadka ku duugan goobta qadiimiga ah ee Laas-geel kagala wareegay khubaro soo daabacday oo faransiis ah oo aqoon u leh ataarta qadiimiga ah kuwaas ka socday Jaamacadda weyn ee faransiiska ee Paul-Velery Montpellier. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed oo ka hadlay kulankaasi ayaa khubaradan faransiiska ah si weyn uga mahad celiyay juhdiga ay galiyeen 500 ee buug ee ay soo daabaceen oo uu ku tilmaamay kuwo waxtar u leh dalka.

“Laba sababood ayay ahayd wixii aanu kulankan u qabanay midi waxay ahayd sidii aanu ugala wareegi lahayn 500 oo buug oo ay ka soo qoreen macluumaadka goobta qadiimiga ah ee Laas-geel iyo inaanu kooxdan khubaradda ah dalka ku soo dhawayno khubaradan oo joogi doona 9-kii bishan illaa 16-ka bisha oo ay shaqo ka qaban doonaan laba goobood oo ka mid ah goobaha ataarta qadiimiga ah ee dalka,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

Md. C/Risaaq Khaliif wuxuu uga mahad celiyay khubaradan iyo jaamacadoodaba oo uu xusay shaqo wanaagsan ka qabteen cilmi baadhis mug-leh oo ay ku sameeyeen goobta Laas-geel. Wasiirku waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay xubno ka mid ah hawl-wadeenadda wasaaradda oo kooxdan la shaqeynayay oo uu ka carabaabay Maxamed Cabdi oo ka mid ah saraakiisha waaxda dalxiiska ee wasaaradda Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Abiib Axmed Cilmi oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay 500 buug oo ku saabsan ataarta qadiimiga ah ee Laas-geel ay soo daabaceen. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan maanta halkan iskugu nimid xaflad aqoon-yahanadan ka yimid dalka Faransiiska jaamacadda oo uu ka socdo Prof Vavier Gutherz iyo kooxdiisa. Waxaynu kala wareegaynaan waxqabadkii ay soo qabteen ee cilmi baadhista ahaa ee ay soo wadeen 2007-dii illaa maanta oo ay ka soo saareen 500 oo buug oo ay ka qoreen ataarta qadiimiga ah ee goobta dalxiiska ee Laas-geel.”

Prof. Vavier Gutherz oo hoggaaminayay kooxdan oo illaa sideed xubnood oo khubaro ataarta qadiimiga ah aqoon u leh kana socday Jaamacadda faransiiska ah ee Paul-Velery Montpellier oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka waramay nuxurka ay xambaarsan yihiin buugtan ay soo daabaceen ee ku saabsan ataarta qadiimiga ah waxaanu yidhi “Mudane Wasiir, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin adiga iyo saraakiisha kale ee wasaaradaadda oo aanu runtii aad iyo aad ugu mahad naqayno sida aadka iyo aadka u quruxda badan ee aad noogu soo dhawaysaan dalkan Somaliland si aad noogu fidaydisaan shaqadan aanu hayno ee ah cilmi-baadhista ataarta qadiimiga ah.

Waxaanu isku dayaynaa inaanu wixii karaankayaga ah inaanu taageerno ama horumarino ataarta qadiimiga ah ee Somaliland haddii ay tahay dhinaca cilmi-baadhista iyo haddii ay noqoto dhinaca diiwaan-gelinta.”

“Waxa muhiim ah inay ummad waliba ogaato dhaqankeeda qadiimka ah, dhaqankeedii hore iyo ataarteeda qadiimiga ah. Markaa anigoo tix-raacayna taasi waxaanu cilmi baadhis ku samaynay goobta Laas-geel,”ayuu yidhi Prof. Vavier Gutherz.

Khabiirku isagoo ka hadlayay buugaagtan ay soo daabaceen wuxuu yidhi “Buugtan aanu soo daabacnay Mudane Wasiir, waa Buug si mugleh uga sheekaynaya goobta Laas-geel iyo ataarta qadiimiga ah ee ku duugan. Waa Buug hordhac ah oo Wasiir aad adigu xataa ka qeyb gashay oo aad wax ka qortay. Buugan waxa loogu tallo galay dadka dalxiiseyaasha ah ee tagaya Laas-geel waxaanu buugu sharaxayaa taariikhda goobta Laas-geel iyo godadkeeda waxyaabaha ku jira.”

“Sidoo kale, waa buug loogu tallo-galay bulshadda xiisaysa ataarta qadiimiga ah isla markaana waxaanu ugu tallo-galay in la dhigo meelaha ay ardayda Jaamacadaha dhigtaa wax ku akhristaan waxaanay wax ka tari doontaa inay bartaan ataarta qadiimiga ah ee Somaliland,”ayuu yidhi khabiirku.

Prof. Vavier Gutherz wuxuu sheegay in xiligan kooxdan uu hoggaaminayaa ay u socdaan sidii ay sawiro hor leh uga qaadi lahaayeen goobta Laas-geel oo ay dalkana ku sugnaan doonaan muddo dhawr maalmood ah. Waxaanu xusay inay diiwaan gelin doonaan sawiradda ku duugan Laas-geel.

- Somalilanders

No comments: