.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, April 10, 2012

Sheekh Shariif: Si Dhakhso Ah Ayaan Gudi U Magacaabi La Hadasha Gudida Somaliland


- Madaxweynaha dawlada TFG- ee Somalia Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu soo magacaabi doono gudidii Soomaaliya uga matali lahayd wada hadalada dhex mari doona Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay in wada hadalada dhex mari doona Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay arrin guul ah, isla markaana tilmaamay in shirweynaha lagu soo dhisi doono dawladii badali lahayd TFG lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidaasi ku sheegay xaflad shalay magaca lagaga badalayay degmada Wardhiigley ee Muqdisho oo uu khudbad ka jeediyay, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa magaalada Muqdisho lagu qabanayaa shirkii lagu dhisayay dawlada cusub ee Somalia, waa in guryaha dawlada iyo guryaha kale ee dadka Soomaaliyeed leeyihiin aad banaysaan, waxaad la socotaan in wada hadal lala bilaabayo walaalaheena Somaliland ama reer woqooyi, dhawaana aan soo magacaabi doono guddidii ay wada hadli lahaayeen, kuwaas oo iyaguna soo magacaabay guddigoodii, 21 sano ka dib in la wada hadlo waa arrin guul ah, wixii tabasho ah ee la kala qabo ama inaga dhexdeenu aynu kala qabno wada hadal baa lagu turxaan saaraa, aan wada hadalo waa aan heshiino”

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isagu Axadii todobaadkan magacaabay guddi shan wasiir ka kooban oo Somaliland uga qaybgali doona qaban qaabada iyo qaabka wada hadalada Somaliland iyo Somalia yeelan doonaan.

-Somalilanders

No comments: