.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, April 8, 2012

Madaxwaynaha Somaliland Oo Magacaabay Gudida Qabanqaabada Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.


- War-saxaafadeed, ka soo baxay Madaxtooyadda dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in mudane, Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu gudi shan xubnood ka kooban u magcaabay, qaban-qaabada wada hadalada dhex mari doona somaliland iyo Soomaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo gudi shan xubnood ka kooban u saaray qaban-qaabada wada hadalada somaliland iyo Soomaliya. War-saxaafadeedka Madaxtooyadda oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay Somaliland, dhineceeda fuliso, Go’aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Feberoury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaa uu magacaabay Guddi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka (Somaliland & Somaliya)

kuwaas oo kala ah:-

1. Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)

3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade

4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo

5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

Gudigani waxay ka qayb-gelidoonaan kulan gogol-xaadha oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan Magaalada London ee Cariga ingiriiska.

ALLAA MAAHD LEH Cabdilaahi Maxamed Daahir
(Af-hayeenka Madaxtooyada JS).

No comments: