.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, April 24, 2012

Qaar Ka Mid Ah Garaadada Dhulbahante Ee Ka Qayb-galay Shirkii Taleex Oo Hargeysa Ku Soo Jeeda.


''Garaadada Dhulbahante aqalabiyadoodu waxa ay qorshaynayaan sidii ay Somaliland xidhiidh wadahadal ula yeelan lahaayeen''. Haatuf

- Qaar ka mid ah Garaadada beesha Dhulbahante ee shirkii Taleex kaga qaybgalay deegaankaasi ee kooxdii Cali Khaliif Galaydh uu horjoogaha u ahaa ku taageeray ayaa la sheegay in khilaaf weyn oo soo kala dhex galay Garaadada Dhulbahante ay ugu kala qaybsameen laba garab, kuwaas oo garab ka mid ahi ay go’aansadeen in dhinaca Somaliland ay usoo jandheedhsadeen, isla markaana ay nabada qaataan.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola garaadadaasi Taleex ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland iyo Garaadadii Dhulbahante ee ku shiray degmada Taleex ay isku khilaafeen colaadintii Somaliland, waxaana la sheegay in Garaado uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, oo ka mid ah Garaadada ku sugan Taleex ay ka hor yimaadeen hindisaha maamul goboleedka Puntland uu ku sheeganayo deegaanada Sool iyo Buhoodle ee Somaliland.

Wararka ka imanaya deegaanka Taleex waxay intaa ku dareen in Garaadada Dhulbahante aqalabiyadoodu ay qorshaynayaan sidii ay Somaliland xidhiidh wadahadal ula yeelan lahaayeen, iyagoo sidoo kalena ay ilo wareedyadu intaasi raaciyeen in Garaadada Dhulbahante ee Taleex ku sugan uu khilaaf culusi soo kala dhex galay iyaga iyo kooxda isku magacawday Khaatumo ee uu Cali Khaliif Galaydh wato ee colaada iyo dagaalada ka abuuray deegaanada Buhoodle iyo koonfurta Sool, ayaa la sheegay in Garaadada Dhulbahante ee ka biyo diiday sii wadista colaadaha ka aloosan Buuhoodle ay wakhtigan xaadirka ah qorshaynayaan sidii ay socdaal nabadeed ugu iman lahaayeen Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xigasho: Haatuf

No comments: