.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, April 24, 2012

Somaliland Lama Hadlayso Soomaaliya Ilaa Laga Saaro Xubnaha Carqalada Ah, Dr Mahigana.....


- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ku adkaysanayo mowqifkii ay ku qaadacday wada hadalo dhexmara Somaliland iyo Somalia, inta Madaxweynaha Dawladda TFG ka saarayo Guddida uu magacaabay Xubnaha Puntland ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Wasiirka Arrimaha dibeda ee Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar ayaa sheegay in aanay weli muuqan wax talaabo ah oo Dawladda TFG Somalia ka qaaday go’aankii Somaliland ka qaatay guddida Sheekh Shariif, waxaanu xusay in Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay in ay la hadasho Soomaaliya marka ay xilkasnimo muujiyaan.

Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo aanu weydiinay in wax is bedel ahi ku yimid go’aankii ay ku qaadaceen wada hadalka Somalia, ka dib booqashadii Hargeysa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Somaliland/Somalia iyo in wax xidhiidh ahi dhex maray Dawladda TFG-da , waxaanu ku jawaabay Dr Maxamad; “Wax go’aan ah oo Madaxweynaha TFG-da ka soo baxey ma jiraan oo la xidhiidha mowqifkii Somaliland ku diiday guddida uu magacaabay, Annaguna waxa aanu mar labaad u caddeynay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa Arrimaha Somaliland iyo Somalia u sheegaynay in aanu taaganahay mowqifkaygii hore, markaa waxa iska bedelay ma jiraan go’aankaygii hore .  

Wada hadalada aanu la galeynaa Dawladda TFG-du waa sidii heshiiska lagu ahaa ee ay Beesha Caalamkuna ku baaqdey kuna jirey go’aamadii ka soo baxey Shirkii London, markii denbana waa tii go’aamadaa laga ansixiyey Golaha ammaanka waxa aanu baaqaasi tilmaamayey in Somaliland iyo Dawladda TFG-du ay wada hadal yeeshaan beesha Caalamkuna ay ku taageerto, annagu go’aankaas ayaanu ku taageersanahay ta labaadna waxa weeye in TFG-du in aaney Guddidooda wada hadalka ku soo darin xubno matala reer Somaliland Qaddiyadda aanu ka hadleynaana waa Somaliland iyo Dawlada TFG-da arrimaha ka dhaxeeya.”

Wasiirka arrimaha Dibedda oo aanu weydiinay sababaha ay Somaliland ugu degdegayso wada hadal dhexe mara Dawladda TFG-da, madaama wakhtigeedu sii dhamaanayo, waxa uu ku jawaabay “Ma filayo wada-hadalada dhex maraya Dawladda TFG-da iyo Somaliland inuu hal mar oo qudhaata ku dhamaanayo, waa arrimo in muddo ah soconaya waxa aanu qorshuhu ahaa in la wada hadlo wixi ka danbeeya bisha Sideedaad ee marka Maamulka Cusubi yimaado, hase yeeshee waxa ay adduunyaddu soo jeedisay in TFG-da iyo Somaliland haddii ay wada hadlaan in ay Beesha Caalamku taageerto, wada hadaladuna ma filayo inay mar qudhaata ku dhamaanayaan, laakiin in wada hadaladaas halkoodii laga sii wado marka ay timaado Dawladda TFG-da badesha.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey oo uu yidhi “Augustine Mahiga Somaliland umuu iman inay mawqifkeedii ka noqoto ku wajahnaa sidii Guddidii sheekh shariif ku soo darey, booqashadiisuna waxa ay aheyd booqasho Xidhiidh ah oo uu dalka u yimid, isla markaana u kuur gali lahaa Xaalada kala duwan ee Siyaasadda ee nabadgelyada leh ee Horumarka kale leh ee Dimuquraadiyadda leh ee dalka ka sacda.”

Wada hadaladan la filayey inuu dhex maro Somaliland iyo Somalia oo uu carqalada ku noqday Madaxweynaha Dawladda TFG ee wakhtigeedu sii dhamaanayo, ka dib markii uu ka leexsaday Heshiiskii Shirkii London ee Beesha Caalamku gadhwadeenka ka ahayd ee ku baaqayey in wada hadal ay yeesheen Dawladda Somaliland iyo Dawladda TFG, balse uu ku soo daray xubno ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Dawladda TFG ee uu hogaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wakhtigeedu dhamaanayo Bisha August ee sanadkan, iyada oo sida uu sheegay Shariif Sheekh Axmed ay ku mashquulsan yihiin doorashada Xubnaha Baarlamaanka oo ay taasi la hadalka Somaliland ay kaga weyntahay, waxa muuqata in aanay dawladda TFG-du u muuqan mid diyaarinaysa jewi ay ku wada hadlaan labada Dawladooda ee Somaliland iyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo carqaladeeyey Heshiiskii Shirkii London ee ku baaqayey wada hadalka Somaliland iyo Somalia, ayaa weli awoodi la’a inuu bedelo labada xubnood oo ka tirsan Maamul goboleedka Puntland ee Somalia ee Xukuumadda Somaliland ku gacan shaydhay, iyada oo wada hadalka Dawladdaha Somaliland iyo Somalia u dabran yihiin Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Somalia.

Xigasho: Saxansaxo

No comments: