.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, May 31, 2012

Magaalada BOORAMA Ayaa Lagu Foojariyeeyaa 90% Badeecadaha Dhacay Ee Somaliland Yaal!


- Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayada Somaliland Siciid Saleebaan Mire ayaa ka waramay qaabka loo badalo wakhtiga Isticmaalka Badeecadaha dhacay ee dalka yaala, kaas oo sheegay inay dadka ka ganacsadaa ay sameeyaan farsamooyin badan oo ay ku badalayaan wakhtiga Badeecadahaas, kuwaas oo Shaambado Foojari ah oo ay dadka ku khaldayaan u adeegsada inay ku dhuftaan Alaabtaas wakhtigeedii isticmaalku dhamaaday. Siciid Saleebaan Mirre waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab Haatuf ugu waramayey khadka tilifoonka isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo sidoo kale tafaasiil ka bixiyey Badeecado dhacay oo maalintii doraad lagu qabtay Magaaladda Boorama, kuwaas oo uu sheegay inay Hargeysa ka firdhadeen oo ay Boorama u tageen si ay wakhtiga Isticmaalka badeecadahaas dhacay ugu soo badalaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Tayada Siciid Saleebaan waxa uu intaa ku daray in Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ay Badeecadaha dhacay ee dalka la keeno 90% lagaga soo badalo wakhtiga Isticmaalka, isla markaana lagaga soo dhufto wakhti Foojari ah. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Badeecadan dhacday ee shalay lagu qabtay Magaalada Boorama, waxay daba socotoo baabuur aanu wiigii hore ku qabanay Magaalada Hargeysa oo siday alaab wakhtigeedu dhacday oo saddex gaadhi oo ka mid ahi ay baxsadeen, kuwan Boorama lagu qabtayna waa kuwaa baxsaday.

Baabuurtan aanu qaarna qabanay qaarna ay baxsadeen waxa noo soo sheegay shaqaale noo jooga suuqa oo nagu yidhi waxa jira baabuur la rarayo, markaas ayaanu boolis kaxaysanay oo halkaas gaadhi kaliya lagu qabtay, baabuurka la qabtay wax dawooyin ah oo uu siday may jirin laakiin waxa uu siday Caano caruureed iyo waxyaabo yaryar oo la mid ah, waxaanay dadkii halkaas joogay noo sheegin saddex gaadhi oo kale oo kan la qabtay ka horeeyey ay jireen oo halkaas laga raray oo ka baxay waana kuwa siday alaabtan dhacday ee Boorama lagu qabtay. Mida kale ciidamada bilayska ee Boorama ee qabtay alaabtaas anagaa warka siinay oo sii ogaysiinay oo ku nidhi baabuurtaas qabta, nasiib darose may qaban oo Magaalada ayey galeen laakiin raadkoodii ayey raaceen oo markii danbe keentay in la qabto alaabtii”.

Siciid Saleebaan Mire isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya qaabka loo badalo wakhtiga dhabta ah ee Badeecadaha dhacay, waxa uu yidhi “Shaambadaha la qabtay ee wakhtiga lagu badalayo mudo badan ayaanu ku raad joognay oo aanu raadinaynay, Magaalada Boorama-na waa meesha kaliya ee wax lagu Foojariyeeyo oo waxyaabaha la soo badalo dalka 90% Boorama ayaa lagu soo badalaa, taasaana keentay in raadkoodi ugu danbeeyey baabuurtaas badeecadaha dhacay siday in lagu qabto Boorama. Arintaasna agaasimaha Hay’adda ayaa dhawr jeer u tagay Magaalada Boorama imikana arintu meel fiican ayey noo maraysaa oo waxaanu ku rajo waynahay inaanu halkaas ka joojino dadka kula dhuumanayo Shaambadaha Foojariga ah”.

Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayada Somaliland Siciid Saleebaan Mire mar wax laga waydiiyey sida ay u Kaantaroolaan Badeecadaha ay keenaan ganacsatada waawayn sida Bariiska iyo Saliida oo inta badan la sheego inay dalal ay India ka mid tahay ka soo iibsadaan Raashin bilaa tayo ah, waxa uu yidhi “Taasi maaha mid lagu cadayn karo Tayada alaabta ay ganacsatadaasi keenayaan, waxa kaliya ee lagu cadayn karaa waa in dalku yeesho Laab Qaran oo baadha waxkasta oo dalka soo galaya oo la isticmaalayo, markaas ayaa si dhab ah loo kala ogaanayaa wixii wanaagsan iyo wixii xun oo wixii tayo fiican leh la soo daynayaa, isla markaana ninkii ganacsadaha ahaa la siinayaa Shahaado cadaynaysa in Badeecadiisa la isticmaali karo, taas oo isagana u noqonaysa Shahaado uu ganacsigiisa ku xayeysiiyo oo muujinaysa tayada alaabtiisa.

Mida kale waxan la qabtay imiku waa Koontarabaan oo wax waligiiba jiray oo Foojarigu waa wax waligiiba dunida ka jiray oo ilaa imikana ka jira. Mida kale hadii la yidhaahdo ganacsadaha Oomaar ama Dahabshiil wax xun ayey noo keenaan dacaayad ayey noqonaysaa oo waxa mihiimsan in wixii dalka soo galaya si guud loo baadho oo loo hubiyo tayadiisa, markaa ma wanaagsana in la dacaayadeeyo ganacsatada oo waa inaynu xooga saaraa in dalku yeesho Laab Qaran oo aynu hawlaheena ku qabsano waayo xataa hadii aad Laab haysato waxba ma cadaynkartid hadii aanay Siyaasada wadankaagu ku xoojin”.

“Qorshaha Qaranka iyo ka Hay’adda-ba wuu ku jiraa in la helo Laab Qaran oo lagu baadho tayada alaabta inoo imanaysa, arinkanina waa arin ku xidha dhaqaale oo sanadkana laguma soo darin Miisaaniyada, isla markaana cid inoo balanqaaday inay inaga caawiso-na ma jirto”.

Xigasho: Haatuf

No comments: