.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, June 1, 2012

31-ka May: SNM Iyo Gudo-galkii Hargaysa


''31 ka May waxay ahayd mid ka mid ah maalmaha taariikheed ee ugu muuqaalka weyn waayahii dagaal ee SNM''. Muuse Biixi

- Maanta oo ay taariikhdu tahay 31 May 2012, waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 24aad ee ka soo wareegtay markii 31 May 1988 ciidammadii SNM dagaalka ismiidaaminta ah ku galeen gudaha caasimadda Hargeysa, halkaasi oo ay dagaal kulul ku waajaheen fadhiisimadii millatarigii Soomaaliya oo ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaaradda Afrika. Haddaba, weriyeyaasha Jamhuuriya ayaa warbixintan ka diyaariyey habeenkii gudo-galka magaalada Hargeysa ee 31 May 1988kii, warbixintan oo hore wargeysku u daabacay munaasibadahan oo kale waa tan ee ka bogo:

“Waxay ahayd saq dhexe oo ku beegnayd abbaaro 2:30 habeenimo. Waxay soo galeen socod dheer iyo waliba laba dagaal oo jidgooyo ah oo kula kulmay dhufaysyada, waxa dhufaysyada ugu sii diyaargaroobay cudud millateri oo boqol jeer ka xoog badan, tiro ahaan iyo hub ahaan iyo tas-hiilaadba. Haseyeeshee, uma habran ee waxay afka iskaga shubeen saldhigyo iyo dhufayso millateri oo ka mid ahaa kuwii ugu adkaa ee taliskii Siyaad Barre, kadibna ka sayid-caleeyeen oo u mareen sida hillaaca. (Kuwaasi waxay ahaayeen guutooyinkii ciidammadii SNM ee ka dagaal-galay aagga Hargaysa May 31 1988).

31 ka May waxay ahayd mid ka mid ah maalmaha taariikheed ee ugu muuqaalka weyn waayahii dagaal ee SNM

Bishii May 1988, waxa heshiis wada galay labadii nin ee madaxda ka ahaa talisyadii Soomaaliya iyo Itoobiya - Siyaad Barre iyo Mengistu - oo tummaati ku noqday geeddi-socodkii halgankii dagaal ee ururkii SNM, kadib markii hoggaamiyayaashii SNM lagu wargaliyey mid ka mid ah qodobaddii ay ku heshiiyeen laba talis, kaas oo dhigayey in fadhiisimadii ciidan ee SNM loo raro gudaha dambe ee dalka Itoobiya, lagana fogeeyo goobaha u dhow ciidammadii Siyaad Barre.

Hase ahaatee, hoggaamiyayaashii SNM oo si weyn uga biyo-diiday tallaabadan ayaa qaatay go’aan lagu tilmaami karo mid argagax leh, marka loo eego duruufahii siyaasadeed ee ku xeernaa SNM, taas oo ay jawaab uga dhigeen xaaladdii afar-jaho-eegga ahayd ee soo waajahday guluf dagaal oo ay ku ekeeyeen gudaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.

27-kii May 1988kii, ayaa markii u horreysay ciidammadii dagaalyahannada SNM weerar dhacay hiirtii waaberi ee maalinimadii Jimcaha ku galeen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

30-kii May 1988, waxa iyaguna weerar ku qaaday jiidka Cadaadlay cutubyo ka tirsan dagaalyahannadii SNM oo uu taliye ka ahaa Allaah ha u naxariistee marxmuum mujaahid Xuseen Dheere. Sidoo kale, 31-kii May 1988 ayaa ciidan tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 1,400 oo dagaalyahan saq dhexe weerar ku mireen saldhigyadii iyo talisyadii millateri ee qaybtii la odhan jiray 26-aad oo ahayd mid ka mid ah saldhigyadii ciidan ee ugu awoodda badnaa ciidammadii Siyaad Barre ka hor intii aanay dagaalyahannada SNM ku soo hoyan gudaha Hargaysa.

Sidaa awgeed, wxa isweydiin leh sidee buu u ekaa jewigii diyaargarow ee Hargaysa, sidee buuse ahaa isu dhiganka ciidan ee labada dhinac ee kala ahaa SNM iyo ciidammadii Siyaad Barre?

Waatan xog kooban oo muujinaysa cududii ciidan ee labada dhinac. “Ciidammadii SNM ee ku soo beegnaa aagga Hargaysa oo uu taliye ka ahaa Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-weyne). Waxay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali ka dagaal galeen aagga dhexe ee Cadaadlay, waxana hoggaaminayey mujaahid Xuseen-dheere. Guutada Sayid Cali waxa taliye ka ahaa mujaahid Maxamed Cilmi Samatar, Guutada Sancaani waxa horkacayey Aadan Cadde, Guutada 20-aadna waxa taliye ka ahaa marxuum mujaahid Axmed Dhagax. Sidoo kale, taliska ciidanka iyo hoggaamintiisaba waxa joogay saraakiil door ah oo magac leh. Ciidanku guud ahaan wuxuu ka koobnaa tiro gaadhaysa 1,400 mujaahid. Qoryaha tiknikada ah waxay ka koobnaayeen ugu badnaan 12 xabbo oo kala ah: 1 Zuu 23, 2 xabbo oo ZGU ah (lidka diyaaradaha), 2 jiib, 1 beebee, 1 SK43, 1 BM21, 1 baroon, 3 xabbo oo nooca Grand B loo yaqaan ah iyo 1 xabbo oo Anti- tank 57 ah.

Dhinaca kale, cadowga ama ciidammadii Siyaad Barre markaad eegto, gaar ahaan Gaaskii 2aad oo fadhigoodu ahaa Hargaysa, kuwaas oo ahaa aagga ay ku soo beegan yihiin ama ku soo jeedaan mujaajidiintii SNM ee jiidda Makka waxay kala ahaayeen: Guuto 5-aad oo fadhigoodu ahaa Gabiley, Guutada 50-aad oo fadhigoodu ahaa Gumburaha, Guutada 87-aad oo fadhigeedu ahaa Balli-shirre iyo Guutada 661-aad oo ahayd madaafiicda goobta, kuna kala filiqsanaayeen fadhiisimooyinka guutooyinka oo dhan.

Gaaska 2aad waxa taageerayey urur taangiyo ah oo fadhiyay Gabiley iyo hurinta lidka diyaaradaha oo fadhiday Hargaysa. Gaaskan waxa kaloo kayd xoojin ah u ahaa 6 baabuur oo BM13 ah, 3 gaadhi oo BM21 ah, Ururka 16aad oo ka koobnaa 24 taangi oo noocoodu kala ahaayeen 55 iyo 54, kuwaas oo ku kala diyaarsanaa Gabiley iyo Dararweyne. Ciidammadii Taliska Qaybta 26aad oo ka koobnaa Ururka Daraawiishta, Ururka Koofiyad-casta, Ururka Miinada, Ururka Isgaadhsiinta, Ururka Saadka, Ururka Dhismaha, hurinta warshadaha kabidda, cutubyadii Dugsiga Tababarka Madaafiicda, Guutada 4aad ee Gantaalaha oo kala fadhiday; Masallaha, Waraabe-salaan iyo Berbera. Ciidankii Guul-wadayaasha, Daraawiishta iyo Booliska iyo ciidanka Asluubta.

Waxa kaloo kayd ahaan u diyaarsanaa ciidanka cirka oo haystay 3 diyaaradood oo hawlgal ah, duuliyayaashii u diyaarsanaa waxa ka mid ahaa; Xirsi, Mursal Muufo, Yuusuf-wraabe iyo rag kale. Guutada 24aad waxay haysatay tikniko ka koobnayd 23 beebee iyo 24 madfac (106). Taliyaha Gaaska 2aad wuxuu ahaa Cabdillaahi Mukhtaar, Abbaanduulahuna waxa uu ahaa Maxamed Maxamuud. Sidoo kale Taliyaha Qaybta 26aad wuxuu ahaa Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan), Abbaanduulahiisuna Cabdicasiis Cali Barre, Hawlgaliyaha qaybtuna waxa uu ahaa Cabdillaahi Xuseen Soobbe.

Ciidammadii SNM ee aagga Makka waxay markii hore kala fadhiyeen goobaha kala ah; Kaba-qorray iyo Caraancaray, balse waxay xiligii diyaargarowga isugu yimaaddeen meesha la yidhaa Balli-samatar oo 40km ka xigta dhinaca koonfureed magaalada Hargaysa, waxaanay halkaasi ka soo dhaqaaqeen1:00 duhurnimo. Isla markaa waxa dagaalku uu Hargaysa ka bilaabmay abbaaro 2:30 habeenimo ee saqdii dhexe, waxayna ciidammadii SNM weerareen markii u horreysay Taliska Qaybta 26aad iyo fadhiisimadii kale ee muhiimka ahaaba. Ciidammadii SNM waxay ku guureen ilaa 20-neeyo baabuur oo kuwa dadweynaha ah, waxana gaadiidleyda laga xusi karaa Haybe Jeeni iyo Xasan-waraabe oo ka mid ahaa odayaashii hormoodka ahaa.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo ka mid ahaa koox sahan ah oo 18 xubnood ka koobnaa oo magaalada Hargeysa ku soo hoyday habeenimadii Sabtida ee 28 May 1988, ayaa isagoo ka warramayey sidii habeenkaas dareenka Hargeysa ahaa ka hor intii aanay gelin ciidammadii SNM waxa uu yidhi; “Magaalada waxaannu soo galnay fiidnimadii, waxaanuna ka koobnayn 18 xubnood, hawgalkana waxa madax ka ahaa Allaah ha u naxiistee mujaahid Gacma-dheere. 12 xubnood waxay ka hawlgaleen hareeraha magaalada, 6 xubnood oo aan ka mid ahaana waxay ka hawlgaleen gudaha. Markii uu dhacay dagaalkii Burco ee May 27-keedii 1988kii waxa isbeddeley qaabkii iyo dhaqdhaqaaqii ciidammadii Siyaad Barre ee Hargaysa fadhiyey, waxana si xoog leh magaalada ugu socday xadhig iyo qabqabasho dadka muhiimka ah lagu beegsanayey.

Magaalada bandoo casar dheere ah ayaa lagu soo rogay. Dadka waxa ka muuqday dareen argagax leh, mana saadaalin karayn sida xaaladud u dhaci doonto. Cudud ahaan labada ciidan ee SNM iyo kuwii Siyaad Barre ma ahayn wax la isku qiyaasi karo, haddana markii weerarku dhacay natiijadii guushu ma noqon mid raacda dhinaca cududda weyn ee waxay noqotay mid raacda dhinacii cududda yaraa. Waayo dagaalyahankii SNM waxay xambaarsanaayeen niyad sare oo ay ku soo dagaal-galeen. Lama qiyaasi karo dareenkii Hargaysa ee qaraxa dagaalka kadib, waxayna noqotay waxii maalintaasi ka dambeeyay goob dagaal ilaa 1991 markii la qabsaday.”

Maalmihii guda-galka ee ciidammadii SNM iyo maalmihii ka horreeyayba waxa ururka SNM hadheeyey waayahii ugu adkaa geeddi-socodka jiritaankiisa, haseyeeshee waxa la odhan karaa gulufkii dagaal ee ay ku ekeeyeen gudaha dalku wuxuu ahaa mid ay kaga fara muruxsadeen duruufo badan oo ka mid ahaayeen, heshiiskii labada talis ee mar qudha ka dul dhacay oo saamayn weyn ku yeeshay, isla markaana ku noqday laba daran kala dooro!

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii milletari ee SNM, haatanna ah Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa isaga oo sharrax ka bixinayey waayahii SNM ee maalmahii heshiiska (Siyaad Barre iyo Mengistu) iyo guda-galkii 31 May, 1988 ee aagga Hargaysa waxa uu yidhi; “Sababta degdegga ah ee kelliftay in la soo qaado dagaal gudaha ah waxay ahayd mid siyaasi ah oo ka dhalatay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya hoggaamiyayaashoodii, kaas oo dhigayey in ciidammada SNM iyo SSDF oo aan markaa cudud weyn lahayn dib looga qaado xuduudaha agtooda, maadama labada dal nabad wada gaadheen, kadibna waxa go’aan lagu gaadhay in gudaha la soo galo oo laga samaysto saldhigyo. Sidaa awgeed, waayo-aragnimadii dagaal ee SNM ka dhaxashay duullaankii buuraha ee 1984-kii oo lagala kulmay dayac iyo dhib badan ayaa la isla gartay in cadowga madaxa laga gaagaabiyo oo la weeraro goobaha iyo taliska ciidanka cadowga, waxaanay xoogaggii SNM go’aansadeen in marka hore la beegsado labad barood ee Hargaysa oo ahayd fadhigii Qaybta 26aad iyo Burco oo uu deggenaa gaas xoog badan.”

Mujaahid Muuse Biixi, isagoo markale ka hadlayey waayahii maalintii 31 May ee 1988kii waxa uu markale yidhi; “Runtii maaha wax laga sheekayn karo. Ciidanku waxa ay ahaayeen ilaa 1400 askari oo u badan dhallinyaro rag ah, dumarna waa ku jireen. Waxay ahaayeen naftood-hurayaal doonayey in ay u badheedhaan cudud ka mid ah ciidammadii ugu xoogga badnaa Afrika. Runtii waxay ahayd mucjiso ciidammadii SNM ee Hargaysa ku wajahnaa duruufo jiray awgood oo ay ugu badnayd dhinaca shidaalka iyo saadka ayaa sababay in ay soo kala hor dhaqaaqaan.

Markaa 28kii May waxa soo dhaqaaqay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali oo weerar ku qaaday aagga Cadaadlay. 31kii May, waxa Hargaysa soo galay guutooyinka kala ah: Sancaani, Sayid Cali iyo Sayid Cumar. Sidoo kale, Guutada 5aad waxay ku aadanayd aagga Gabilay. Ciidanku wuxuu ka soo dhaqaaqay Balli-samatar 1:00 maalinimo, waxaannu soo maray waddo aad u dhib badan oo la yidhaa Daba-taxan. Intii aannu soo soconnay waxa la nagu soo riday madaafiic, waxana la noo galay jidgooyo taag daran, has yeeshee umaannu joogsan marnba. Masallaha markii aannu maraynay ayaannu ciidankii u horreeyay ee cadowga is qabsanay, kaas oo ahaa ciidan xoojin ah oo ka yimi dhinaca Boorama, gabbalka ayaana isugu kaaya dhacay.

Habeenimadii waxay noqotay in ciidanku lug ku soo dhaqaaqo, gaadiidkuna soo maro Waddo-geel oo Xagal u dhow. Markii aannu isa soo taagnay buurta yar ee u dhow qaybta waxa xabbadii u horreysay ku riday Taliska Qaybta faadhi uu saarnaa qori Grand B ah oo uu waday nin la odhan jiray Caqaar, kadib na weerarkii ayaa ballaadhay. Runtii habeenkaas ciidammadii Siyaad Barre waa laga qabsaday meelihii muhiimka ahaa ilaa Birjeex, laakiin mushkiladda ugu weyn ee nagu dhacday waxay ahayd annagu maannu haysan isgaadhsiin, taasina waxay keentay in aannu kala lunno.

Intaa gurmad baa nagu soo qulqulayey. Habqan dagaal baa dhacay, ciidammadii cadowguna garoonka diyaaradaha ayey isku urursadeen. Annaga dadka ayaa na hoggaaminaayey oo is-gaadhsiin noo ahaa, iyagana raadyowga ayaa hoggaaminaayey. Lagama sheekayn karo habeenkaas iyo maalintii siddi xaaladdu ahayd, waxana naga geeriyooday rag badan. Shicib badan baa dhintay. Wax waliba way dhaceen, jewigii magaaladuna si degdeg ah ayuu isu baddelay.”

Allaah ha u naxariistee marxuum Mujaahid Adaan Dhamac Diiriye oo isna ka tirsanaa saraakiishii millateri ee SNM, xilligaasna ahaa madaxa madaafiicda oo intii uu noolaa ka hadlayey dareenkiisa habeenkaas waxa uu yidhi; “Heshiiskii Itoobiya iyo Somaaliya wada gaadheen wuxuu dhaawac ku ahaa halgankii SNM, waxana la gartay in dagaal lagu qaado gudaha, waxana abuurmay mooral mideeyay ciidammadii SNM, wuxuuna naga furtay dagaalkii aannu gudaha ku soo qaadnay duruufo jiray waqtigaa awgood. Ilaa markii aannu ka soo dhaqaaqnnay Balli-samatar ilaa markii aannu soo gaadhnay Masallaha oo xabbaddu nagaga bilaabmatay sacab iyo farxad ayey ciidammadu ku soo jireen.

Weerarkan ay SNM gudaha ku soo gashay waxa kaloo uu joojiyay xasuuq ka socday gudaha oo lagu laynayey nin kastoo qiime leh. Arrimahaas ayaa dedejiyey weerarkii lagu soo qaaday gudaha. Awoodda ciidammada naga soo horjeeday iyo awoodayadu ma ahayn laba la isbar-bar dhigi karo, magaaladana waxaannu soo galnay 2:00 habeenimo, kadibna Qaybta 26aad ayay ku bilaabantay xabbaddii u horreysay, magaaladuna waxa ay gashay xaalad jaha-wareersan oo aan muuqaalkeeda laga sheekayn karin.”

Mujaahid Cali Maxamed oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii hoose ee ciidammadii SNM ee Hargaysa ka hawlgalay, ayaa isaga oo muujinayey dareenkii habeenkaa waxa uu yidhi; “11:00 habeenimo anagga oo joogna Sheekh Cumar dushiisa, ayaa nala siiyay waajibaadkii dagaal, ka dib na habeen-badhkii, ayaanu so galnay Hargaysa. Markii aannu dhismaha Qaybta 26aad u soo jirnay wax ka yar 1km, ayaa rasaastu nagu bilaabantay, annaguna weerar ayaannu u soo kala baxnay, waxaanuna qabsanay Qaybtii oo waagii ayaa noogu baryay halkaasi.

Maalintaasi waxan ku tilmaami karaa maalintii ugu dhibaatada badnayd, uguna mooraalka saraysay, dadweynaha ayaa si la yaab leh noo caawinayey, waxayna nagula soo yaacayeen cunto iyo biyo.”

Si kastaba ha ahaatee, maanta oo taariikhdu tahay 31 May 2012 waxay Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonaysaa halgankii dhiigga badnaa ee naf iyo maalba loo soo huray, kaas oo Ilaahay ka sakow suurtogeliyey in SNM sannadkii 1991 waddanka xoreeyaan ciidammadii Faqashta ee dhiabatada badan ku hayey dadka iyo dalkaba.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: