.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, May 29, 2012

Sheeko Gaaban: Daryeelle iyo Alleelaale (Dabaqalooc); Prof, Cabdi-Salaan Yaasiin


- Nin socdaal ah ayaa waxa uu ku soo baxay nin ku foorara il biyo ah. Ninkii isha biyaha ku fooraray oo la yidhaa Daryeele, ayuu ku soo dhowaaday. Wuxuu arkay inuu Daryeele eegayo dibqallooc (Alleelaale). Dibqalloocii ayaa xaggii isha biyaha u dhaqaaqay oo damacay inuu dhinaca kale biyaha uga tallaabo. Markuu biyihii dhex galay ayuu haftay oo ku dhowaaday in uu dhinto.  Intii aannu dhiman, ayaa Daryeele biyihii gacanta geliyay oo ka soo saary dibqalloocii, isagoo si naxariis leh u haya oo aayar dhulka dhigaya, ayaa uu dibqalloocii qaniinay Daryeele. Inta uu qaniinaydii u adkaystay ayuu dibqalloocii aayar dhulka dhigay.

Dibqalloocii haddana markale ayuu biyihii daf yidhi. Daryeelena intaannu hafan ayuu ka soo saaray biyihii. Haddana isagoo si naxariis leh dhulka u dhigaya ayuu qaniinay. Daryeele haddana qaniinyadii wuu u adkaystay. Dibqalloocii haddana biyihii ayuu galay, Daryeelena waa uu ka soo saary oo dibqalloocii haddana waa uu qaniinay.

Markii dhowr jeer sidaasi dhacday ninkii socotada ahaanna daawanayo arrintan la yaabka leh ee uu la kulmay ayuu Daryeele ku yidhi; “Waar maxaad dibqallooca qaniinyadiisa ugu adkaysanaysaa, maad iska sii daysid ha ku hafto biyaha eh?”

Wuxuu Daryeele ugu jawaabay, “Sidaa aad aragto si aan ahayn ma yeeli karayo!”

“Waayo?” ayuu ku celiyey ninkii socotada ahaa, “Maxaa kugu raray bahalkan markaad badbaadisaba ku qaniinayaa?”

“Danta ayaa sidaa ku jirta,” ayuu yidhi Daryeele.

“Oo waa maxay dantaasi?” ayuu u celiyay ninkii socotada ahaa.

“Dantaasi waxa weeye, anigu haddii aan Daryeele ahay dabeecadayda iyo doorkaygu waa in aan wax badbaadiyo. Dibqalloocana dabeecaddiisa iyo doorkiisu waa inuu wax uun qaniino,” ayuu ku jawaabay Daryeele.

W/q; Prof. Cabdi-salaam Yaasiin

No comments: