.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, May 29, 2012

Somaliland Oo U Ololaynaysa Inay Xubin Sharafeed Ka Noqoto Urur-goboleedka IGAD


- Wasiirka arimaha dibada ee jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu ku tagay labada dal ee kala ah Maraykanka iyo Ingiriiska, oo maanta saxaafada kula kulmay gegeda diyaaradaha ee Berbera ayaa daboolka ka qaaday in ay Somaliland olole adag ugu jirto sidii ay xubin ku meel-gaadh ah uga noqon lahayd Urur-goboleedka IGAD. Wasiirku waxa uu aad ugu mahadceliyay dalka DJabuuti ee aan walaalaha nahay oo uu tilmaamay, inay aragtidaa ku saabsan xubinnimada ku meel-gaadhka ah isla qaateen, oo ay waliba Djibouti dhankeeda gacan wayn ka geysan doonto sidii ay Somaliland xubin-sharafeed uga noqon lahayd urur-goboleedka magaciisa la yidhaahdo ''IGAD''.

Waxa kale oo uu wasiirku intaa ku daray in Afar wasiir oo ay xukuumada Somaliland u qoondaysan ka qayb-galka shirka ka dhacaya dalka Turkiga, ee loo  qabanayo dadka Soomaalida ahi ay beri u dhoofaan dalkaasi. Dhanka kale wasiirka oo daba-socda shirkaa Soomaalida loo qabanyo, ayaa carabaabay inay filayaan shirkii kale ee wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu isna dhakhso u bilaabmo!

Wyl-news

No comments: