.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, May 20, 2012

Somaliland Oo U Jawaabtay Dr. A. Mahinga


''Waxa haboon inaanay dadweynuhu iloobin in fal-dambiyeedkani uu ahaa mid abaabulan oo dadka arrintan sameeyayna ay weerar ku soo qaadeen ciidan qaran, qaarkoodna dileen''. Dr. Maxamad

- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisaay hadal ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga, oo si aan haboonayn u naqdiyay xukunkii dilka iyo xabsi daa’inka iskugu jiray ee maxkamadda ciidammada qaranku ay ku riday todobaadkii hore 22 qof oo rayid ah oo hubaysan oo weeraray fadhiisin ciidanka qaranku ku lahaa xeradda Soodaanta ee bariga Hargeysa.

“Sharcigu wuxuu dhigayaa haddii talo abaabulan oo weerar ah lagu soo qaado goob milatari, waxa inta badan la cuskada ama la adeegsadaa Maxkamad milatari, waayo arrintu ma aha qof shakhsi ah oo suuqa maraya oo qof kale oo shakhsi ah wax dhex mareen. Ciidankii qalabka siday ee Somaliland oo si abaabulan loo soo weeraray weeye. Arrintaasina waa dambi culus, xukunkan maxkamadu qaadayna sidaasi ayuu sax ku yahay,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, isagoo ku sugan magaaladda Washington ee dalka Maraykanka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa arrintan xukunka u furan dariiqyo kale oo sharciya oo talaabooyin kala gedisan leh oo dadka xukunkani ku dhacay u furan. Sharcigu sidiisaba waa Ha’yad madax-banaan oo ka madax-banaan xukuumadda. Waxaana had iyo jeer la raacayaa qawaaniinta dalka u taalla. Waxaana aanu aaminsan nahay inay waafaqsan yihiin heerka caalamiga ah ee cadaaladda u taalla adduunka. Laakiin tallo bixinta iyo soo jeedintu muwaadiniinta iyo adduunkaba way u furan tahay.”

Wasiirka oo ka jawaabayay sida uu u arko in soo jeedinta qarammadda midoobay ay ka mid ahayd in wax laga bedelo xukunka dilka ah oo aan inta badan xiligan adduunka laga isticmaalin, isaagoo arrintaasi ka jawaabayayna wuxuu yidhi “Muwaadiniinta kiiskani khuseeyo waxa u furan dariiqyo sharci oo ay maraan iyo codsiyo. Laakiin waxa haboon inaanay dadweynuhu iloobin in fal-dambiyeedkani uu ahaa mid abaabulan oo dadka arrintan sameeyayna ay weerar ku soo qaadeen ciidan qaran oo meel fadhiya oo la dilay, qaar la dhaawacay iyo dad kale oo shacab ahna falkaasi lagu dilay. Markaa arrintani waa dambi aad u culus oo u baahan miisaankiisa iyo tixgelintiisa mudan.”

“Waa in la ilaaliyaa xuquuqda dadkii lagu dilay weerarkaasi oo iyaga oo aan wax dambi ah gelin si badheedh ah loo soo weeraray hab abaabulan, waxaana imika socda baadhitaano lagu ogaanayo inay dad kale ku lug lahaayeen, markaa anigu waxaan qabaa in la isku miisaamo arrimahaasi oo beesha caalamku ay dhinacaasna ka eegto culayska dambigani ku lahaa dadkii la dilay iyo nabad-gelyadda dalkan iyo ta gobolka oo dhanba,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Wasiirka arrimaha dibaddu waxa uu ku dooday in falkaasi uu ahaa mid aan caadi ahayn oo saamayn xun ku yeelanaya nabad-gelyadda iyo xasiloonidda dalka, waxaanu tilmaamay inaanay xukunkani aanu saamayn taban ku yeelan Karin sumcadda wanaagsan ee beesha caalamku ka haysato Somaliland

Xigasho: Somaliland.org

No comments: