.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, May 21, 2012

Wafti Balaadhan Oo Reer Djibouti Ah Oo Somaliland Yimid

Grabbed Frame 4

- Wafti ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dalka J.Jabuuti ayaa maanta soo gaadhay caasimada JSL ee Hargeysa. Waftigan ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey xubno ka mida golaha wasiirada JSL oo ay wehelinayaan mas'uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye. Waftigan oo ah kii ugu heer sareeyey ee ka socda wadanka D'jabouti oo socdaal ku yimaada JSL ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaalada, Wasiirka Guud, Wasiirka Miisaaniyada, Wasiirka Boosaha iyo Afhayeenka dawlada isla markaana ah Wasiirka Warfaafinta dawladda Jumhuuriyadda Djabouti.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa waftiga wasiirada ah ee garoonka ku soo dhaweeyey waftigan wasiirada reer Djabouti oo warbaahinta kula hadlay qolka VIP-da ee garoonka diyaaradaha magalaada Hargeysa ayaa sheegay in ujeedada safarka waftigani ay tahay qayb galaan furitaanka warshada sharaabka SBI oo madaxweynaha somaliland maalinta bari ah si rasmiga xadhiga uga jari doono, hadaladii wasiirkana waxa ahaa ì ujeedada socdaalka waftigan ka socda dalka Djabouti waxa weeye qayb galaan furitaanka warshada sharaabka ee SBI (Somaliland Beverage Indurtary).

Waxaanu ku soo dhawaynaynaa dalka somaliland iyagaa ka yimi dalkoodii dalkoodii labaad ee Somaliland. Dhinaca waftiga reer Djabouti waxa warbaahinta la hadlay afhayeenka xukuumada Djabouti isla markaana ah wasiirka warfaafinta Djabouti Cabdi Xuseen waxaanu sheegay, inay ka qayb gali doonaan munaasibada furitaanka warshada sharaabka SBI waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; aniga oo ah afhayeenka xukuumada Djabouti waxaan xukuumada somaliland u sidaa salaantii madaxweynaha marwadiisa.

Waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi; Waxaanu ku soconaa wafti balaadhan oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano socdaalkayaguna waxa uu ka danbeeyey markii aanu casuumad ka helnay Cismaan Geele oo ah nin ganacsade ah oo labada dalba ka hawl gala, anaga oo ka qayb gali doona furitaanka warshada sharaabka ee SBI, anaga oo ku faraxsan imaatinka dalka anu jaarka nahay ee somaliland anaga oo joogi doona mudo cisho ah.

Waftiga reer Djabouti ee saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa ka qayb gali doona furitaanka warshada sharaabka Coca ah. Taas oo maalinta bari ah uu madaxweynaha JSL si rasmiya xadhiga uga jari doono.

Xigasho: Somalilandpatriots

No comments: